daacaqurun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacaqurun
(Daacaqurun-ka)
Ur aan fiicnayn oo daacadu yeelato kolkii baruur iyo cunno kaloo aan is lahayn caloosha laga buuxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacaqurun
daacaqurun¹: m.l Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. la-mid: dacwashiir¹.
daacaqurun²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. la-mid: dacawashiir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacaqurun
daacaqurun¹: m.l Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. la-mid: dacwashiir.
daacaqurun²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. m.f.dh, daacaqurmid. la-mid: dacawashiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacaqurun
v., [compound] be flatulent, belch, have gas ~ an upset stomach
daacaqurun vl. n. belching, flatulence, upset stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqurun
-ka: (magac, lab, keli) jahawareer caloosha ku dhaca kolka cuntooyin kala noocnooc ah xilliyo isku dhawdhaw oo kala dambeeya la cuno oo kolkaa daaco silloon oo urxun la daaco. Dh: daacaqudhun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacaqurun_1
de: be flatulent, belch, have gas ~ an upset stomach
hm: 1
lx: daacaqurun
pd: (daacaqurmay)
ps: v1=cmp
key: daacaqurun_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacaqurun_2
de: belching, flatulence, upset stomach
hm: 2
lx: daacaqurun
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: daacaqurun_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqudhun
(fal) caloosha iskugu gey cunnooyin is qudhmiya oo daaco qadhmuun yeelo.
daacaqudhun -ka: (magac, lab, keli) daacada urteeda oo qadhmuun noqota marka la isku daro laba cunto oo aan isla falgeli karin ama calooshu shiidi kari weydo sida, hilib iyo shuuro la iska dabageeyey oo hilibku horreeyo shuuraduna danbayso. Daacaqudhun baan la soo kacay saaka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacwashiir
daacwashiir¹: m.l Daacaqurun.
daacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daacaqurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwashiir
dacwashiir¹: m.l la-mid: daacaqurun¹.
dacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: daacaqurun².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacwashiir
daacwashiir¹: m.l Daacaqurun.
daacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daacaqurmid. m.f.dh, daacwashiirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacwashiir
m.l la-mid: daacaqurun¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaco
-daacada: (n) belch (beelji); burp (beerp); eructation (irek-teey-shin); the expelled air from the mouth —daacaqurun -ka: (n) bad smelling eructation or belching (beel-jing)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacwashiir
(n) bad smelling eructation or belching (beel-jing) ~ daacoqurun, daacaqurun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacaqurmid
(Daacaqurmid-da)
Daacaqurun ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacaqurmid
m.f.dh eeg daacaqurun². la-mid: dacwashiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqurmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daacqudhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacuun
(Daacuun-ka)
Cudur la is qaadsiiyo oo isku kol dad badan ku dhaca ama dhul ballaaran ku baaha; (daacuun-caloolo, dabaxaw; koleera, tiifo, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuun
daacuun¹: m.l Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. la-mid: daacuun-calooleed, daacuuncaloolo.
daacuun²: m.l (daawo) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacuun
daacuun¹: m.l Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. la-mid: daacuuncalooleed, daacuuncaloolo.
daacuun²: m.l (daaw.) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada 'vibrio cholerae'. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacuun
m. n. cholera
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daacuun
-ka: (n) cholera (kalora) ~ daacuun-caloolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur keena shuban. xoog leh oo degdeg qofku u nafbaxo, ka dib fuuqbax ku dhaca ruux. Daacuun baa ka dillaacay tuullada. Dh: daacuuncalooleed, koleera, dabbaxaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacuun
a: daacuuncaloolo (/ha ~ /da) [n-m/f]
bw: Arabic
de: cholera
lx: daacuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: daacuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacayuun
-ka: (magac, lab, keli) cid ay ku dhacday nafaqo darro. Dabacayuun dababbuur ab ayey walaalo ahaayeen.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAAR-QURUN
(Sar-gurun) Og, C Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
N, S Momordica balsamina L. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAARO-QURUN
(Bara-gurun) N Vepris glomerata (F.Hoffm.) Engl. Rutaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacaddaran
Comp. adj., (ie. n., adj.): unfaithful, insincere, dishonest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacaddaran
de: unfaithful, insincere, dishonest
lx: daacaddaran
pd: (daacaddarnaa)
ps: adj-cmp
key: daacaddaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaduun
-ka: (magac, lab, keli) qax meel dheer loo daaduumo oo loo hayaamo. Dh: dalandool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maacuun
(Maacuun-ka)
Alaabada iyo weelasha guriga siiba kuwa jikada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maacuun
m.l/dh.u Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maacuun
m.l/dh.u Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maacuun
m. n., [collective] household utensils ~ equipment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maacuun
-ka / ta: (n) housewares (haws-weersi); utensils (yuutensa-lis); kitchen tools; domestic utensils
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maacuun
Utensili
Utensils
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maacuun
-ta: (magac, dhedig, keli) alaabada jikada iyo kuwa wax lagu cuno. Dumar maacuun isku diiday dadnimo kama dhaxayso.
maacuun-ka: (magac, lab, keli) nirgaha hooyadood laga gudhin kari waayo. Waxa la i siiyay nirig maacuun ah oo hootanuug ka laadlaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maacuun
de: household utensils ~ equipment
lx: maacuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: maacuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaquun
m.dh (-nno, m.dh) 1. Qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaquun
(tilmaame) neef aan cayilin oo aan dhalmo na lagu ogayn. Hashaadu waa saaquun aan dhalayn.
saaquun-ta: (magac, dhedig, keli) qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacarun
m.l la-mid: carun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacarun
-ka: (magac, lab keli) dheecaan malax iyo dhiig isugu jira. Nabarkii yacarun buu yeeshay Dh: carun, malax, caabuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u horreeya; wakhti aad u fog oo la soo jiray; inta la xusuusan yahay. Sheekadani waa mid soo jirtay tan iyo aamanuun. Dh: aaman, aamanuu, weligeed, abidkeed. Li: amminkan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduun
daadduun¹: m.l Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. la-mid: daanduun¹.
daadduun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. la-mid: daanduun².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadduun
f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. m.f.dh, daadduumid. la-mid: daanduun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduun
-ka: (magac, lab, keli) dad rafaad iyo baahin, dad caydhooba oo mood iyo nool midna u hadhin. Daadduunka Aw Maxamed qabo waan ka dhiidhiyaye. Dh: dullinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduun
daanduun¹: m.l la-mid: daadduun¹.
daanduun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay) la-mid: daadduun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarin
m.f.dh eeg dhacari. la-mid: dhacaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxuun
-ka: (magac, lab, keli) geed qadhaabka ka mid ah oo gacayrada la jaad ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kaamaruun
(n) Cameroon; Yaounde is the capital and Douala the largest city ~ Kammaruun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqudhmid
-da: (magac, dhedig, keli) cuntooyin kala jaadjaad ah oo calooshu ku xumaatay ahaan. Cuntadii hore oo caloosha ka buuxda haddaad tu kale ka dulgeyso daacaqudhmid ayaad halis ugu jirtaa. Dh: daacaqurmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Arbacarukun
name: name of a mosque in Mogadishu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Arbacarukun
cf: misaajid
de: name of a mosque in Mogadishu
lx: Arbacarukun
ps: name
key: Arbacarukun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sumad kuwa kale lagaga garto u yeelid. Daabaqadayn ku samee markaad iibsato adhiga. Dh: astaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaddarro
-da: (magac, dhedig, keli) runta iyo xaqa oo aan lagu dhaqmin. Daacadarro waa diindarro iyo didnimodarro.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-BURUQ
(Daar-buruc) N Aloe pirottae Berger. Liliaceae.
N Aloe retrospiciens Reynolds & Bally. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqtiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dhabaqtiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaqtiran
Comp. adj., (ie. n., adj.): corrected, improved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtiran
(tilmaame) isku dubbadhacsan oo aan wax dhabaq ama badhaq ah lahayn. Dh: badhaqtiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaqtiran
de: corrected, improved (of the rhythm or meter in a dance, a song, etc.)
lx: dhabaqtiran
pd: (dhabaqtirnaa)
ps: adj-cmp
key: dhabaqtiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarfuran
-ka: (magac, lab, keli) cudur ka mid ah cudurrada haweenka ku dhaca oo dhiig badan oo xanuun weheliyaa ka yimaaddo.