daacaqudhun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqudhun
(fal) caloosha iskugu gey cunnooyin is qudhmiya oo daaco qadhmuun yeelo.
daacaqudhun -ka: (magac, lab, keli) daacada urteeda oo qadhmuun noqota marka la isku daro laba cunto oo aan isla falgeli karin ama calooshu shiidi kari weydo sida, hilib iyo shuuro la iska dabageeyey oo hilibku horreeyo shuuraduna danbayso. Daacaqudhun baan la soo kacay saaka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacaqurun
(Daacaqurun-ka)
Ur aan fiicnayn oo daacadu yeelato kolkii baruur iyo cunno kaloo aan is lahayn caloosha laga buuxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacaqurun
daacaqurun¹: m.l Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. la-mid: dacwashiir¹.
daacaqurun²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. la-mid: dacawashiir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacaqurun
daacaqurun¹: m.l Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. la-mid: dacwashiir.
daacaqurun²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. m.f.dh, daacaqurmid. la-mid: dacawashiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacaqurun
v., [compound] be flatulent, belch, have gas ~ an upset stomach
daacaqurun vl. n. belching, flatulence, upset stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqurun
-ka: (magac, lab, keli) jahawareer caloosha ku dhaca kolka cuntooyin kala noocnooc ah xilliyo isku dhawdhaw oo kala dambeeya la cuno oo kolkaa daaco silloon oo urxun la daaco. Dh: daacaqudhun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqudhmid
-da: (magac, dhedig, keli) cuntooyin kala jaadjaad ah oo calooshu ku xumaatay ahaan. Cuntadii hore oo caloosha ka buuxda haddaad tu kale ka dulgeyso daacaqudhmid ayaad halis ugu jirtaa. Dh: daacaqurmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacaqurun_1
de: be flatulent, belch, have gas ~ an upset stomach
hm: 1
lx: daacaqurun
pd: (daacaqurmay)
ps: v1=cmp
key: daacaqurun_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacaqurun_2
de: belching, flatulence, upset stomach
hm: 2
lx: daacaqurun
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: daacaqurun_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afqudhun
-ka: (magac, lab, keli) macaluul iyo gaajo.
afqudhun -ka: (magac, lab, keli) ur iyo foolxumo afku yeesho, kolka la cadayi waayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacayuun
-ka: (magac, lab, keli) cid ay ku dhacday nafaqo darro. Dabacayuun dababbuur ab ayey walaalo ahaayeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sumad kuwa kale lagaga garto u yeelid. Daabaqadayn ku samee markaad iibsato adhiga. Dh: astaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacaqurmid
(Daacaqurmid-da)
Daacaqurun ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacaqurmid
m.f.dh eeg daacaqurun². la-mid: dacwashiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqurmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daacqudhmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u horreeya; wakhti aad u fog oo la soo jiray; inta la xusuusan yahay. Sheekadani waa mid soo jirtay tan iyo aamanuun. Dh: aaman, aamanuu, weligeed, abidkeed. Li: amminkan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqad
-da: (magac, dhedig, keli) marka xoolaha la keeno sayladda calaamad lagu sameeyo si loo garto in canshuur laga qaaday iyo in kale. Daabaqad baa lagu wada dhuftay wananka la canshuuray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacasho
m.dh la-mid: daacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u soo celinta ay xooluhu uuska dib u soo ceshedaan ee ay dib u raamsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduun
daadduun¹: m.l Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. la-mid: daanduun¹.
daadduun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. la-mid: daanduun².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadduun
f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. m.f.dh, daadduumid. la-mid: daanduun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduun
-ka: (magac, lab, keli) dad rafaad iyo baahin, dad caydhooba oo mood iyo nool midna u hadhin. Daadduunka Aw Maxamed qabo waan ka dhiidhiyaye. Dh: dullinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduun
daanduun¹: m.l la-mid: daadduun¹.
daanduun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay) la-mid: daadduun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudhan
(tilmaame) wax afkiisa dabool la saaray. Dh: daboolan, aabburan. Li: bujisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabgudin
-ka: (magac, lab, keli) qori afka hore godan oo la geliyo gudinta qammadkeeda xagga danbana ul dheer oo la qabsado ah. Daabgudin ma ii heli gudin dhillis ah baan sitaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacadlow
-ga: (magac, lab, keli) qof laab xaadhni ku caanbaxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka meel si filiqsan wax loogu saydhsaydhiyo, si tashiil laaan ah u adeegsasho. Ka daa cuntada daadaadinta. daadaadsan: (tilmaame) wax filiqsan oo yaalla meel kasta si tartiib la'aan ah. Alaabtaydii oo kala daadaadsan baa guriggii ugu tagey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacalsudh
-ka: (magac, lab, keli) marka shay xaggiisa hoose laga laadlaadsho mid kale. Birtaas dacalsudh uga dhig miisaanka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dahaadhan
Insulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxuun
-ka: (magac, lab, keli) geed qadhaabka ka mid ah oo gacayrada la jaad ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kaamaruun
(n) Cameroon; Yaounde is the capital and Douala the largest city ~ Kammaruun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maacuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) sugid cid wax laga sugo iyada oo sidii looga heli lahaa lagu dadaalayo. Nin maacuudin wax lagaga waayay waa laga malaystaa. Dh: dhursugid. Li: quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacadxumo
m.dh Daacadnimo la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacadxumo
f. n., [compound] dishonesty, insincerity; disloyalty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daacadxumo
see [eeg] daacad darro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacadxumo
-da: (magac, dhedig, keli) faralka iyo cibaadada oo aan si fiican oo xidhiidh ah loo samayn. Dh: cibaadaxumo.
daacadxumo -da: (magac, dhedig, keli) khiyaano iyo munaafaqayn aan runta la sheegin. Dadka daacad kula dhaqan oo daacadxumada iska daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacadxumo
de: dishonesty, insincerity; disloyalty
lx: daacadxumo
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: daacadxumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhac
(fal) culays ku saaran la ciirciir; la dheeldheelli hawl kaa taagroon.
daalaadhac -a: (magac, lab, keli) howl aad ku daashay oo aad la legdantay. Daaladhac buu kula jiraa howsha guriga. Dh: dalanbaabi, kacaakuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaqadin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan ku maliiqid oo ku dhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhug
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad istus iyo faan ku jiro. Dh: baalaxoofto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAAR-QURUN
(Sar-gurun) Og, C Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
N, S Momordica balsamina L. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaladduun
e.d Waa x.: adduunyadu waa sida!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadays
-ka: (magac, lab, keli) sumad inta kale lagaga soo sooco u yeelid. Daabaqadays u samee ahminka intaanad kaxaynin. Dh: daabaqadayn. daabaqadaysan: (tilmaame) neef calaamadaysan ama suntan. Adhi daabaqadaysan baa gaadhiga saaran. Dh: calaamadaysan, sumadaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacaddaran
Comp. adj., (ie. n., adj.): unfaithful, insincere, dishonest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacaddaran
de: unfaithful, insincere, dishonest
lx: daacaddaran
pd: (daacaddarnaa)
ps: adj-cmp
key: daacaddaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaamudhux
-a: (magac, lab, keli) qof aan dhaqaale haysan. Dh: caydh, miskiin. Li: hodan, maalqabeen, taajir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalomadhan
-ta: (magac, dhedig, keli) labada dambee daalallo oo ku beegan godadka 21-22 lehna saadaal taban. Daalallo madhan gabadha dhalataayi way guur beeshaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaabaxidhan
-ka: (magac, lab, keli) wax inuu qabto diyaar u ah oo u heegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudhan
(tilmaame) weel iyo daboolkii oo labada ba la buuxshay, dabadeed na la aabudhay.