ereyga

daacaqudhmid

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daacaqudhmid

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) cuntooyin kala jaadjaad ah oo calooshu ku xumaatay ahaan. Cuntadii hore oo caloosha ka buuxda haddaad tu kale ka dulgeyso daacaqudhmid ayaad halis ugu jirtaa. Dh: daacaqurmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daacaqurmid

DHAFAN
1

(Daacaqurmid-da)

2

Daacaqurun ku dhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daacaqurmid

DHAFAN

m.f.dh eeg daacaqurun². la-mid: dacwashiirid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daacaqurmid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) eeg daacqudhmid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daacaqudhun

DHAFANDHAAF
1

(fal) caloosha iskugu gey cunnooyin is qudhmiya oo daaco qadhmuun yeelo.

2

daacaqudhun -ka: (magac, lab, keli) daacada urteeda oo qadhmuun noqota marka la isku daro laba cunto oo aan isla falgeli karin ama calooshu shiidi kari weydo sida, hilib iyo shuuro la iska dabageeyey oo hilibku horreeyo shuuraduna danbayso. Daacaqudhun baan la soo kacay saaka.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afqudhmid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) macaluulid iyo gaajo xun oo saamaysa dhulka; gaajo darteed oo urta afku doorsoontay. Dh: macaluulid.

2

afqudhmid -da: (magac, dhedig, keli) caday la'aan ay afka urtiisu qudhmuunaato.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aabbudhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) weel ama wax kale oo af bannaan, dabool dulsaaarid. Aabudhidda ceelku waxay ka badbaadinaysaa xayawaanka. Dh: daboolis. Li: furid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dahaadhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) shey dusha wax kaga tolid ama kaga qarin. Dhiishan shaqal quruxbadan ayaa dahaadhid looga dhigay. Dh: shaqalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daqaqamid

DHAFANDHAAF
1

(Daqaqamid-da)

2

Dhaqdhaqaaqid ama socosho yar sida tan carruurta yaryar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daqaqamid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg daqaqan². la-mid: daqaqan¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daqaqamid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) smeel aan fogayn u dhaqaaqif oo faalalid.

2

daqaqamid-da: (magac, dhedig, keli) si ay haliilid ku jirto wax u doonid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhacaamid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhacaan³. la-mid: dheecamid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhacaamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan keenid. Dh: dheecaamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhacadiid

DHAFANDHAAF
1

(Dhacadiid-ka)

2

Jirjir u jiif; dhabar u seexad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhacadiid

DHAFANDHAAF
1

dhacadiid¹: m.l Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo. la-mid: dhacadiidid.

2

dhacadiid²: f.mg1 (-day, -dday) Qof dhabar u seexasho. la-mid: dhacdiid².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhacadiid

DHAFANDHAAF

m.l Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhacadiid

DHAFANDHAAF

v. lie ~ sleep on one's back

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dhacadiid

DHAFANDHAAF

-ay / day: (v) lie (laay); be or place oneself at rest in a flat, horizontal, or back position ~ dhacdiid

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhacadiid

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jiif dhabarka loo seexdo lugahana la fidsado oo raaxaysi ka muuqdo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhacadiid

DHAFANDHAAF
1

de: lie ~ sleep on one's back

2

lx: dhacadiid

3

pd: (dhacadiiday)

4

ps: v1=

5

key: dhacadiid

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Laacdamid

DHAFANDHAAF
1

(Laacdamid-da)

2

Laacdan cayaarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

laacdamid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg laacdan². la-mid: laactamid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laacdamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) si haleelis la'aan ah u ciyaarid; laacdan ciyaarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daacaqurun

DHAFANDHAAF
1

(Daacaqurun-ka)

2

Ur aan fiicnayn oo daacadu yeelato kolkii baruur iyo cunno kaloo aan is lahayn caloosha laga buuxsho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daacaqurun

DHAFANDHAAF
1

daacaqurun¹: m.l Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. la-mid: dacwashiir¹.

2

daacaqurun²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. la-mid: dacawashiir².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

daacaqurun

DHAFANDHAAF
1

daacaqurun¹: m.l Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. la-mid: dacwashiir.

2

daacaqurun²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. m.f.dh, daacaqurmid. la-mid: dacawashiir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

daacaqurun

DHAFANDHAAF
1

v., [compound] be flatulent, belch, have gas ~ an upset stomach

2

daacaqurun vl. n. belching, flatulence, upset stomach

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daacaqurun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jahawareer caloosha ku dhaca kolka cuntooyin kala noocnooc ah xilliyo isku dhawdhaw oo kala dambeeya la cuno oo kolkaa daaco silloon oo urxun la daaco. Dh: daacaqudhun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daadduumid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg daadduun². la-mid: daanduumid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daadduumid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato abaareed ama coleedeed awgeed meel dheer u hayaamid oo dhulka ka qayaadid. Dh: daaduumis, hayaamid, qaxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daanduumid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: daadduumid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dacardhiig

DHAFANDHAAF
1

(Dacardhiig-ga)

2

Caloolxanuun, qabatin iyo bixitin dhiig wehesho leh; dabadhiig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dacardhiig

DHAFANDHAAF

m.l Dabadhiig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dacardhiig

DHAFANDHAAF

m.l Dabadhiig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dacardhiig

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] blood in the excreta

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dacardhiig

DHAFANDHAAF

-ga: (n) blood in the stool

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dacardhiig

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) calool xanuun dhiig waheliyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dacardhiig

DHAFANDHAAF
1

de: blood in the excreta

2

lx: dacardhiig

3

pd: (-ga)

4

ps: n2a-m-cmp

5

key: dacardhiig

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

danqaqamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) si tukube ah wax ugu dhaqaaqid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kalamidhmid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) waxyaabo isku laaqnaa, kala soocmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

daacaqurun_1

DHAFANDHAAF
1

de: be flatulent, belch, have gas ~ an upset stomach

2

hm: 1

3

lx: daacaqurun

4

pd: (daacaqurmay)

5

ps: v1=cmp

6

key: daacaqurun_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

daacaqurun_2

DHAFANDHAAF
1

de: belching, flatulence, upset stomach

2

hm: 2

3

lx: daacaqurun

4

pd: (-ka)

5

ps: vn2-m

6

key: daacaqurun_2

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daalaadhacid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hawl la mashaqadeed la kufkufid oo u babbacdhigid. Daalaadhacid dabadeed baan beertii falkii ka saarnay. Dh: dalanbaabiyid, daalaadhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daacwashiirid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg daacwashiir².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhabaandhebid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhabaandhaw². la-mid: dhabaandhaw¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhabaandhebid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) masaf dabaq iyo wixii la mid ah, wax gunta kaga hadha ka rujin oo adoo labada dhinac ka garaaca ka fujin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laba'aabudhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo daboolkii, si laba'aabudh ah oo farsamaysan, u buuxin.

waa la naqliyay ✓