d.a.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
D.A.
/dhii-ey/ (n) xeer-ilaaliyaha degmada (District Attorney, oo la so gaabiyey).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'
da'¹: m.dh 1. la-mid: da'aad. Inta sano, bilo, maalmo iyo wixi lamida ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool.
da'²: f.mg1 (-'ay, -'day; -di'i) 1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabax
daabax¹: m.l 1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. la-mid: daabaxid. la-mid: dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax.
daabax²: f.g1 (-xay, -xday) Neef xoolo ah gawricid. la-mid: dabaax², dabax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaci
daaci¹: m.l.kh D. ah: neef aad caato u ah.
daaci²: f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) In weyn oo wax hoore ah shubid. 2. (f.mg) Fatihid (webi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daafkaddeeg
daafkaddeeg¹: m.l.kh 1. D. ah: qof xoolo lahaa oo cayroobay. 2. la-mid: daafkaddeegid.
daafkaddeeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cayroobid qof xoolo lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaan
daandaan¹: m.l 1. D. ah: nafley tabar daran oo dhaadhacaysa. 2. la-mid: daandaamid.
daandaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Tabardarro awgeed dhicdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daani
daani¹: m.l 1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan.
daani²: m.l Nin aan la gafin toogta wax uu nishaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqbarad
m.l.kh D. ah: dhal xoolaad oo markaa billaabay cunidda caws, caleen iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqtag
daaqtag¹: m.l 1. Foogaanta u dhexeysa xerada xoolaha iyo meesaha ay daaqa u aadaan. 2. D. ah: xoolo meel daaq leh u socda.
daaqtag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Xoolo meel ay daaq ka helayaan aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawaley
m.dh.kh D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayac
daayac¹: m.l.kh D. ah: qof garasho yar oo aan wax lagu aamini karin.
daayac²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: dayac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaadi
m.l 1. Xilli, intiisa ugu dambeysa. Tusaale: “Gu'ga dabaadigiisa baa geelu dhalay”. 2. D. ah: neef had iyo jeer xoolaha gadaashooda socda; haraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaqaad
dabaqaad¹: m.l 1. D. ah: hal marka rintay. 2. la-mid: dabaqaadid.
dabaqaad²: f.mg1 (-day, -dday) Wax dhawaan rimay noqosho (hal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargoys
m.l 1. (-syo, m.dh) Haarta dabarku ku reebo addimada awrka. 2. (-syo, m.dh) D. ah: awr dabarka lagu xiro had iyo jeer jara. 3. la-mid: dabargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylnuug
m.l.kh D. ah: neef lo' ah oo aan sanka ka neefsan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabiici
m.l.kh 1. D. ah: abuurista Eebbe wax ka soo jeeda. 2. D. ah: caadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabraac
dabraac¹: m.l 1. D. ah: qof aan hanti lahayn oo qaraabadiisa, saaxiibbadiisa iyo wixi lamida hadba mid la cunteeya. 2. la-mid: dabraacid.
dabraac²: m.dh.u Cayayaan baallalley ah, waqtiyada roobka la arko oo ilayska ku soo yaaca; hawtal-hamag.
dabraac³: f.mg1 (-cay, -cday) Soo d.: qof meel allabari iyo wixi lamida ka jiraan cunto u raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabuuq
m.l D. ah: xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacjoog
m.l.kh D. ah: neef xoolo ah oo aan sabada ceelka dhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. la-mid: dadbid.
dadab²: m.dh (-bo, m.l) 1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
dadab³: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadcun
m.l.kh (-nno, m.dh) 1. D. ah: awr dadka qaniina. 2. D. ah: nafleyda inteeda hilibka dadka quudan karta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
B.A.
/bii ey/ (abbr) shahaado jaamacadeed oo lugu qaato adabka (arts) ama cilmiga bulshada. e.g. He took a B.A. in languages.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
M.A.
/em eey/ (abbr) shahaadada mastareydka qaybta adabka (Master of Arts oo la soo gaabiyey).