d,d
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
D,d
/dhii/ (n) xarafka afraad ee alifbeetada ingiriisiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gar
1. (Gar-ka) a) Timaha ka baxa bushimaha hareerohooda iyo camanka iyo daamanka. b) Bir ama qori, kd., soo baxsan oo qaroofan, c) Garraarka dumarka. d) Doc; dhinac.
2. (Gar-ta) Abbaarta iyo xeerka, qof walba wax uu lee yahay ama uu jid u lee yahay ama uu mudan yahay, siiya; garsoor ku dhisan, eexasho la'aan; xaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
San
1. Aan xumaan lahayn; wanaagsan; fiican; suubban.
2. (San-ka) a) Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexaysa oo labo dalool (dulal) ku yaalliin oo laga neefsado waxna laga ursho. b) Xubinta ka dhigan oo sankunneeflaha kale ku taal; sandaal; gafuur. c) Wixii san u eg ama meesha uu ku yaal ku yaal, sida fiiqa buurta. d) Daliigo idiin jilicsan ah oo wax lagu daruuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ba'
ba'¹: m.l 1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.
ba'²: f.mg1 (-'ay, -'day; -bi'i) 1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iyo wixi lamida ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iyo wixi lamida meel ay yaalleen ka tirtirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daal
daal: m.l 1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.
dąal¹: m.l Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.
dąal²: m.l (daawo) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.
dąal³: f.mg1 (-aąlay, -aąshay) Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago' oogada ka dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwi
dacwi¹: m.l la-mid: dacwad.
dacwi²: f.mg1/2 (-iyay,-iday/-isay; -iyi) La d.: dacwo jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U d.: dacwo sameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dam
m.dh.sh.r 1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambe
s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tusaale: “Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa”. 2. Gadaal xiga; dambeeya. la-mid: damme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambow
fk. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tusaale: “Toban casho ka dambow buu iska tegey”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaani
danaani: f.mg2 (-iyay, -isay) U d.: dad si danaana ah gacan ku siin.
dąnaani¹: m.l 1. Soo noqoshada dhawaaqa marka uu ku dhaco qararka darbiyada iyo wixi lamida. 2. Buuq ama bulaan ka soo baxa dad badan ama xoolo iyo wixi lamida. 3. Cida dameeraha; durruqaan. la-mid: dannaanni¹.
dąnaani²: f.mg1 (-nyay, -niday; -nyi) Qar, derbi iyo wixi lamida dhawaaq soo celin. la-mid: dannaanni².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daro
daro¹: m.dh 1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale.
daro²: f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawo-suuxin
m.dh (-ooyin suuxinta, m.l) (daawo) Dawo yareysa ama baabi'isa dareenka oogada oo dhan ama qayb ka mid ah jirka. D.da s.ta oogada oo dhan oo qalliinka loo isticmaalo waxay damisaa shaqada maskaxda taasoo keenta miyir beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deel
m.l 1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. la-mid: d (da').
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilaley
m.dh Darbad d.: dabayl xoog leh oo hadba dhinac ka timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirnax
diirnax¹: m.l Dareen raxmad leh oo qof ku dhasha marka uu arko qof dhibaateysan.
diirnax²: f.mg1 (-xay, -xday; -nixi) U d.: dareen raxmad leh cid u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durba
m.dh.fk D./d.diiba: si degdeg ah, la raagis la'aan, ciyow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durraamo
durraamo¹: m.dh.kh (-ooyin, m.l) D. ah: neef in lagu allebaryo loogu talaggalay.
durraamo²: f.g/lg3 (-aantay, -aamatay) 1. (f. g) Ilaah baryid. 2. (f.g/lg) Ka d./d.: wax weyddiisasho saraadii ku jirto; yu'asho; dhaawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fogaan
fogaan¹: m.f.dh eeg fog. la-mid: fogaansho.
fogaan²: m.dh (xisaab) Summad d. Dhererka xarriijin u dhexeysa laba barood, xarriiqood sallax iyo wixi lamida. Tusaale ahaan, f.ta u dhexeysa laba xarriiqood oo barbarro ah waa dhererka xarriijin qotanta ee isku xirta labadooda; halbegga caalamiga ah ee f.ta waa mitir (m.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaahi
e.d (dii.) Erey lagu dhawaaqo marka la dhaaranayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ba'
ba'¹: m.l 1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.
ba'²: f.mg1 (-'ay, -'day; -bi'i) 1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iyo wixi lamida ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iyo wixi lamida meel ay yaalleen ka tirtirmid. m.f.dh, bi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dad
(Dad-ka)
Nafleyda wax nuujisa jaadka ugu gobeysan oo lagu yaqaan: qummaati isu taagid iyo lugo xoog badan (haddii oogadiisa loo eego) iyo gacmo laallaada oo wuxuu doono uu ku qabsado; intaas waxaa u sii dheer: maskax weyn iyo garaad iyo hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dad
m.l (-dyow, m.l) Naaley waxa Eebbe abuuray ugu sarreysa, dhogor lahayn oo garaadkeeda hadal ku cabbiri karta.
dąd¹: m.l la-mid: ded¹ (1).
dąd²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: ded².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dad
m.l (-dyow, m.l) Naaley waxa Eebbe abuuray ugu sarreysa, dhogor lahayn oo garaadkeeda hadal ku cabbiri karta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dad
m. n., [collective] people
dad v. cover up, conceal, hide
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dad
/dhaadh/ (n) aabbe (baabe).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dad
-ka: (n) people (piipol); human beings; folk (fook)
dad badan: (n) crowd (karowdh); a lot of people ~ dad buuqsan
dad u adeegid -da: (n) social service (so-shiyalserfis); like social worker ~ adeegga shacabka
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dad
Gente
People
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dad
-ka: (magac, lab, keli) noolaha Eebbe abuuray kuwa ugu toosan ee caqliga leh. Waa inta ka soo jeedda Nebi Aadan iyo Xaawa. Dh: bani'aadmi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dad
أُناس
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ded
(Ded-ka)
Wax biyaha iyo dabaysha iyo dheelka iyo kulka celiya oo ama aqallada la dhisa hayo korka laga saaro ama wax kaloo loo baqa hayo la huwiyo oo lagu daboolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. la-mid: dedid.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. la-mid: dąd².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd¹. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. m.f.dh, dedid. la-mid: dąd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ded
m. n. extra covering over roof of a hut (against rain ~ sun)
ded v. cover (with a sheet, etc. to protect); conceal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ded
-ka: (n) cover (kofer); covering
ded -ay / day: (v) roof (ruuf); cover (kofer) ~ dabool —deddan: (adj) covered (ka-veridh) ~ daddan. Ex: walax deddan; something covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ded
(fal) wax meel yaalla dusha wax ka saar oo dabool. Bustaha ku ded bukaanka. Dh: qari, huwi. Li: fayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
did
f.mg1 (-day, -dday) Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iyo wixi lamida). la-mid: dųd².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
did
f.mg1 (-day, -dday) Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iyo wixi lamida). m.f.dh, didid. la-mid: dųd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
did
v. bolt, scatter (of flock), stampede, disperse; be scared
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
did
(fal) cabsi la baxso oo caymad. Dh: baqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
did
a: dud
de: bolt, scatter (of flock), stampede, disperse; be scared
lx: did
pd: (diday / didday)
ps: v1=intr
key: did
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dud
dud¹: m.dh Baadiye, duur.
dųd¹: m.dh Cid meel wada deggan.
dud²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Qof caro muujin isagoo u fooltubaaya qofkuu u caraysnaa. 2. Gurigeeda ka tagid caro awgeed (qof haween ah). Tusaale: “Xaliima ninkeedii bay ka soo dudday”. 3. U d.: wax ul, gacan iyo wixi lamida u baacin.
dųd²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: did.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dud
f.mg1 (-day, -dday) 1. Qof caro muujin isagoo u fooltubaaya qofkuu u caraysnaa. 2. Gurigeeda ka tagid caro awgeed (qof haween ah). Tusaale: Xaliima ninkeedii bay ka soo dudday. 3. U d.: wax ul, gacan iyo wixi lamida u baacin. m.f.dh, dudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dud
inch. v. sulk, be in a bad mood, get angry
dud v. scatter, disperse (out of fear)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dud
-ay / day: (v) become angry; anger (ang-ger) ~ carood, cadhood, xanaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dud
(fal) cadho kaga tag ciddii aad danwadaagta ahaydeen; cadho kaga tag lammaanahaad u dhaxday. Dh: umal.
dud: -ka: (magac, lab, keli) biyo yar oo weel biyood salkiisa ku jira. Dh: duuddo.