cusko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusko
f.g3 (-kaday, -katay) 1. Ul, derbi, geed iyo wixi lamida tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusko
f.g3 (-kaday, -katay) 1. Ul, derbi, geed iyo wixi lamida tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid. m.f.dh, cuskasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusko
v. lean on something; support oneself on one's elbows
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusko
-cuskaday / cuskatay: (v) be supported; rest on; recline on; lean on (liin on) ~ ku tiirso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusko
(fal) cid kale, ku tiirso; taageero ka day.
cusko: (fal) dhacdo ama qodob xeer daliilso oo ku camalfal. Dh: ku tiirso; soo qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusko
de: lean on s.t.; support oneself on one's elbows
lx: cusko
pd: (cuskaday)
ps: v3a=
key: cusko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusbo
(Cusba-da)
Wax sida dhalada u dhalaala oo midab cad: waxay leedahay dhadhan dhanaan; dhulkana waa laga qodaa biyaha baddana waa ay ku jinaa; cunnada waana lagu dhanaaniya waana lagu kayd geliyaa (inta korka laga marsho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbo
cusbo¹: m.dh Wax cad oo leh dhadhan dhanaan oo cuntada lagu dhanaaniya. Dhulka ayaa laga qodaa, biyaha baddana waa ay ku jirtaa; milix.
cusbo²: m.dh (kiimika) Iskudhis ka kooban xidishe asiidh iyo mid beys, ama iskudhiska samaysma marka biri la falgasho asiidh ee haydarojiinta si buuxda ama dhiman loo barabixiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusbo
cusbo¹: m.dh Wax cad oo leh dhadhan dhanaan oo cuntada lagu dhanaaniya. Dhulka ayaa laga qodaa, biyaha baddana waa ay ku jirtaa; milix.
cusbo²: m.dh (kiim.) Iskudhis ka kooban xidishe asiidh iyo mid beys, ama iskudhiska samaysma marka biri la falgasho asiidh ee haydarojiinta si buuxda ama dhiman loo barabixiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusbo
f. n., (mass n.): salt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusbo
-cusbada: (n) salt (soolt) ~ milix
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cusbo
Sale
Salt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbo
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax sida quraarada u dhalaala oo dhulka laga faqo ama ca biyo dhanaan oo la fadhiisiyay ka samaysan. Dhadhankiisu waa dhanaan, haddii biyo lagu dhex rido na wuu ku milmaa. Dh: milix.
cusbo -da: (magac, dhedig, keli) natijada ka dhalata iskudar kimikeedka aysiidh iyo beys oo isdhexdhexadiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusbo
bw: filfil
de: salt
lx: cusbo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
syn: milix
key: cusbo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cusbo
ملح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuski
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale ku tiirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuski
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale ku tiirin. m.f.dh, cuskin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuski
(fal) qof culus amma buka ul, gidaar iyo wixii la mid ah, inuu cuskado ku caawi. Odaygu ma socon karayee ushan u cuski.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabso
(fal) calaacasha iyo faraha ku xajiso. Xadhiga qabso. Dh: xajiso. Li: siidaa.
qabso: (fal) Eebbe talo saaro oo cusko. Shahaadada qabso.
qabso: (fal) cid wax ku sheego oo wax uu hayo inaad leedahay ku andacoo. Ku qabso ku qadi mayside.
qabso: (fal) meel ama hanti xoog kula wareeg. Meesha qabso kolka laguu yimaadna is difaac.
qabso: (fal) qof dumar ah xoog ku kufso. Sheydaan baa qabso ku lehe dumarka iska ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirso
(fal) «ku meel cusko. Ku tiirso gidaarka.
tiirso: (fal) jiifka ka kacoo kor isu dhidib. Tiirso tiirsiga ayaa kuu wanaagsane.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
incline
v.fr., foorori, cuski; incline on, ku tiiri.
incline: v.i., foororso, cusko, tiirso; incline on, upon, ku tiirso, rakaco; inclined to evil, nin waliba wax xun buu ujeedaa.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lean
n., (of meat) jiidh, -ki, jimidh, -ki.
lean (animal), n., abax, -i; a., abax ah; be lean, abax; v.c., abaxi.
lean, a., caataysan, weydsan; be lean, caatow, weydow; v.c., weydee.
lean, v.tr., (incline) tiiri, cuski; v.i., tiirso, cusko; lean upon, ku tiiri, ku tiirso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stoop
stooping, n., fooror, -ki, cuskis, -ki; v.i., foororso, cusko; v.tr., foorori, cuski.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cuckoo
/kuukuu/ (n) guuguule (hud-hud).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cuckoo
n., (a bird) guuguule, -lihi, gumays, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbow
f.mg3 (-baaday, -baatay) Wax cusbadu ku badatay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusbow
f.mg3 (-baaday, -baatay) Wax cusbadu ku badatay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbow
(fal) wax cusub noqo; wax imika uun la sameeyey noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskad
m.l la-mid: cuskasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskad
-ka: (magac, lab, keli) ku tiirsad; cuskasho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Cuskad
Tiirsimo, qoton.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuskan
Ku tiirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuskan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho. m.f.dh, cuskanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuskan
der. [adjective] leaning on, supported by
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuskan
-aa / ayd: (adj) sitting on; rested on; leaned on (liinidh on)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskan
(tilmaame) ku tiirsan. Cali oo ul cuskan ayaan halkaas ku soo dhaafay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuskan
de: leaning on, supported by
lx: cuskan
pd: (cuskanaa)
ps: adj-der
key: cuskan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskin
m.f.dh eeg cuski.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» tiir, ul iyo wixii la mid ah, xoog ka raadin darteed, ku qabasho; ku tiirin, ku kaalid. Dh: cuskis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskis
-ka: (magac, lab, keli) «u ~» eeg cuskin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuskug
(Cuskug-ga)
Meel yuurur; fadhi; yoxoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskug
cuskug¹: m.l 1. Fadhi gacmaha la laabto oo aan waxba la qaban. 2. la-mid: cuskugid.
cuskug²: f.mg1 (-gay, -gtay) Meel, hawl la'aan fadhiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuskug
f.mg1 (-gay, -gtay) Meel, hawl la'aan fadhiyid. m.f.dh, cuskugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuskug
v. sit and do nothing, stand idle
cuskug vl. n. sitting about without a purpose, doing nothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskug
-ga: (magac, lab, keli) meel yuurur; meel fadhi; meel yoxoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslow
f.mg3 (-laaday, -laatay) 1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuslow
f.mg3 (-laaday, -laatay) 1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho. m.f.dh, cuslaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslow
(fal) wax culus ahaw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
custom
/kastam/ (n) caado, dhaqan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
custom
n., (habit) dastuur, -ti; (tax) cashuur, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuskasho
(Cuskasha-da)
(tiir, ul, kd.) qabsasho, xoog ka raadin darteed; isku tiirin; ku tukubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskasho
m.f.dh eeg cusko. la-mid: cuskad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiir, ul iyo wixii la mid ah, qabsasho oo xoog ka raadsasho; isku tiirin; ku tukubid; ku tiirsasho. Dh: tiirsi.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Uso
Dhaqan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uso
s.m. - isticmaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buko
f.mg3 (-kaday, -katay) Wax bukaan ah noqosho. la-mid: bukoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buko
f.mg3 (-kaday, -katay) Wax bukaan ah noqosho. m.f.dh, bukasho. la-mid: bukoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buko
v. become sick, ail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buko
-bukay / buktay: (v) become ill or sick ~ bukood. Ex: Cali wuu bukay; Ali was sick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buko
-da: (magac, dhedig, keli) bixinta timo weyn oo cufan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buko
de: become sick, ail Opp: ladanyahay 'be healthy'
lx: buko
pd: (bukaday)
ps: v3a=inch
key: buko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cako
cako!: eeg caku!
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cask
/kaask/ (n) barmiil (weel dareeraha lugu shubto).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cask
/kaask/ (n) barmiil oo loog ku suubsyng.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cask
n., (a vessel) barmiil, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
caso
s.m. - xaal, arrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caso
magac loo baxsho gabadh aad u casayd xilligii ay dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciso
(Cisa-da)
1. Xurmo; sharaf; maamuus; cis.
2. Dhiigga haweenka bishiiba kol ka yimaada; xayl; caado, dhibaad; dhibaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciso
m.dh 1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. la-mid: cis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciso
m.dh 1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. la-mid: cis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciso
f. n., [abstract] respect, honor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciso
-cisada: (n) honor (oon er); esteem; respect ~ ixtiraam, cisayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciso
-da: (magac, dhedig, keli) xurmo; sharaf; maamuus; cis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciso
de: respect, honor
lx: ciso
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
syn: casiis
key: ciso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubo
f.g3 (-btay, -batay) Ciyaar qofka ugu habboon xulasho. la-mid: cugo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cubo
s.m. - saddex jibaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugo
f.g3 (-gtay, -gatay) la-mid: cubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugo
(fal) qof kale la cubtan oo ciyaartoydaada xulo.
cugo: (fal) weel caano lagu maalo ama lagu shubto, gori dab iyo qiiq leh ku xurbi si aad u nadiifiso. Sacaagii xay wuu dhalee, dhiilaha u cugo. Dh: culo, hogayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curo
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curo
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid. m.f.dh, curasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curo
v. become initiated; be created; give birth for the time; be born; start raining
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curo
-curtay I curatay: (v) have a first child or baby
curo -curtay / curatay: (v) start raining. Ex: Gu 'gii baa curtay; the raining season has started
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curo
(fal) roob, darroor oo da'. Dh: darroor. Li: qaad.
curo: (fal) ilmihii u horreeyay dhal.
curo: (fal) bil cusub, soo bax. Dh: bilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curo
de: become initiated; be created; give birth for the first time; be born; start raining
lx: curo
pd: (curtay)
ps: v3b=
key: curo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cush
(fal) hagaaji ama cul ku shid. Cush dhiisha, caanaha berri ha lagu shubtee. Dh: cug, cul.
cush -ka: (magac, lab, keli) cufka ay shinbiruhu samaystaan ee ay ku dhalaan. Dh: coosh, cuf, cooshad. Wa: cushash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duko
f.mg3 (-ktay, -katay) la-mid: tuko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duko
(fal) salaad la imo oo hor Ilaahay is taag. Kol haddaad gaan gaadhay duko. Dh: tuko.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dusk
/dhask/ (n) fiid, fiidadow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fuso
s.m. - birta dheer ee fulaanadaha lagu tolo; (fusi orari: 24 ka dhigeed ee dhulka loo qaybiyey oo mid walba ku jaangoysan tahay hal saac).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
husk
/hask/ (n) 1. qub, qashir, buunshe. 2. qub-bixin, qayixid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
husk
(see hull).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
musk
/mask/ (n) miski (shay aad u udgoon oo barafuunka laga sameeyo).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muso
s.m. - gafuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuko
f.mg3 (-kaday, -katay) (dii.) Cid waajib salaad gudasho. la-mid: duko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuko
f.mg3 (-kaday, -katay) (dii.) Cid waajib salaad gudasho. m.f.dh, tukasho. la-mid: duko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuko
v. pray, say one's prayers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuko
-tukaday / tukatay: (v) say a prayer; perform an Islamic prayer; pray (pareey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuko
(fal) gudo salaad lagu amray sunne iyo faralba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuko
de: pray, say one's prayers
initial: t
lx: tuko
pd: (tukaday)
ps: v3a=intr
key: tuko