cuskan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuskan
Ku tiirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuskan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho. m.f.dh, cuskanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuskan
der. [adjective] leaning on, supported by
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuskan
-aa / ayd: (adj) sitting on; rested on; leaned on (liinidh on)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskan
(tilmaame) ku tiirsan. Cali oo ul cuskan ayaan halkaas ku soo dhaafay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuskan
de: leaning on, supported by
lx: cuskan
pd: (cuskanaa)
ps: adj-der
key: cuskan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukan
Biyo ka soo dhergey; waraabsan; wabax ah; (ama cokan)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo biyo ka dhergay ahaansho. la-mid: cokan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cukan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo biyo ka dhergay ahaansho. m.f.dh, cukanaan. la-mid: cokan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukan
der. [adjective] sated, having drunk its fill of water (of an animal); full (of a sack ~ bag)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukan
(tilmaame) eeg cokan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukan
a: cokan
cf: wabax
de: sated, having drunk its fill of water (of an animal); full (of a sack ~ bag)
lx: cukan
pd: (cukanaa)
ps: adj-der
key: cukan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskad
m.l la-mid: cuskasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskad
-ka: (magac, lab, keli) ku tiirsad; cuskasho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Cuskad
Tiirsimo, qoton.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskin
m.f.dh eeg cuski.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» tiir, ul iyo wixii la mid ah, xoog ka raadin darteed, ku qabasho; ku tiirin, ku kaalid. Dh: cuskis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaal
(Dabaa-sha)
Biyaha dhexdooda oo sida kalluunka loo dhex marmaro, iyadoo aan waxba la haysan lana cuskanayn, cagahana aan dhulka lagu hayn; (ama dabbaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargal
(Wargal-ka)
Qof warkiisu yahay, ku lagu kalsoon yahay oo la cuskan karo; qof warka heli og, runna ka sheega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskanaan
m.f.dh eeg cuskan. la-mid: cuskanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskanaansho
m.l/dh la-mid: cuskanaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARQAD CANSHUUR KA DHAAFID
Lettera di esenzione doganale
Bill of sufference
Waa hab cuskan sharciga canshuuraadka Dawladda, oo loogu canshuur dhaafo Warshad, Shirkad, ama Hay'ad qabata hawlo waxtar guud u leh horumarinta dalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigbangi
-da: (magac, dhedig, keli) aragtida odhanaysa in uu uunku ka dhashay maatar urursanaa oo inta uu cufnaandhaafay qarxay. Bigbangidu waa aragti aan diin cuskanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jikaartan
-ka: (magac, lab, keli) dood aan xaqiiqo cuskanayn, ku doodid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paléogéographie
paléogéographie, n.f. - cilmiga barashadiisu tahay in la mala awaalo ama la raadiyo halkii waagi hore ahayd iyada oo la cuskanayo cilmiga jooloojiyada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
prospective
prospective, n.f. - cilmiga barashada waxa soo socda iyadoo oo la cuskanayo cilmiga dhaqaalaha iyo sayniska
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
présumer
présumer, v. - malayn iyada oo waxyaabo kale loo cuskanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaan
m.f.dh eeg cusub. la-mid: cusayb (3), cusbaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax markaas la sameeyey oo cusub ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusbayn
(Cusbayn-ta)
Cusbo ku darid; cusbo korka ka marin; cusbo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbayn
m.f.dh eeg cusbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan, cusbo gelin; cusbo ku daaweyn; cusbays.
cusbayn -ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wixii la mid ah, cusbo ku darid. Dh: milixayn, cusbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslaan
m.f.dh eeg culus. la-mid: culays, cuslaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuslaan
f. n., [abstract] heaviness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuslaan
-ta: (n) the act of being heavy; heaviness (heevines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuslaan
de: heaviness
lx: cuslaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cuslaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayn
m.f.dh eeg cuslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore u fududaa, culays ku kordhin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cusmaan
name: Osman, Ottoman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cusmaan
a: Cismaan
de: Osman, Ottoman
lx: Cusmaan
ps: name-m
key: Cusmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cokan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: cukan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cokan
der. [adjective] sated with water (of an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cokan
(tilmaame) mid biyo ka soo dhergay; mid wabaxsan. Xoolihii oo cokan ayaan soo maray. Dh: cukan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cokan
a: cukan
de: sated with water (of an animal)
lx: cokan
ps: adj-der
key: cokan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuban
cuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). la-mid: cugan¹.
cuban²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. la-mid: cugan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuban
cuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). m.f.dh, cubmid. la-mid: cugan.
cuban²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. m.f.dh, cubnaan. la-mid: cugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuban
(tilmaame) meel gufaysan ama awdan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudan
(tilmaame) wax si xooggan lagu hayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufan
(tilmaame) wax la cufay ama gufaysan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Cufan
Wax si buuxda isugu dhex jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugan
cugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) la-mid: cuban¹.
cugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: cuban²; culan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: cuban; culan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cugan
der. [adjective] cleaned by heat and smoke (of a milk vessel)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cugan
name-f cleaned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugan
(tilmaame) waraabsan; mid wabax ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cugan
a: culan
de: cleaned by heat and smoke (of a milk vessel)
lx: cugan
pd: (cugnaa)
ps: adj-der
key: cugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukad
(Cukad-da)
Harag ari oo hab gaar ah loo bixiyo; (ama cokad)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukad
m.dh (-do, m.l) Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. la-mid: cokad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cukad
m.dh (-do, m.l) Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. la-mid: cokad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukad
f. n. leather (from goat skin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukad
-da: (magac, dhedig, keli) harag marka neefka la qalayo aan meelna laga jeexin. Dh: cokad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukad
a: cokad
de: leather (from goat skin)
lx: cukad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cukad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukay
(fal) dhegta cukayga ka gur oo ka nadiifi. Ilmaha dhegta ka cukay.
cukay-ga: (magac, lab, keli) dheecaan xabag u eg oo dhegta dhexdeeda ku samaysma. Dhegta cukayga ka gur.
cukay-ga: (magac, lab, keli) dhegta inta durbaanka ka sokaysa ee fartu gaadhi karto. Cukayga dhegta ayaa bararsan gabadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culan
Culay lagu culay; (ama cugan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la culay ahaansho. la-mid: cugan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la culay ahaansho. m.f.dh, culnaan. la-mid: cugan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culan
der. [adjective] cleaned by heat and smoke (of a milk-vessel)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Culan
name-f pure; good hearted one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Culan
magac loo baxsho gabadh laga filaayo niyad fiicni iyo daacadnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culan
(tilmaame) weel la culay; lagu qalwiyey maygaag. Dhiisha tii culan, ku shub caanaha. Dh: cugan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culan
a: cugan
de: cleaned by heat and smoke (of a milk-vessel)
lx: culan
pd: (culnaa)
ps: adj-der
key: culan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunan
f.mg4 (-unnaa, -unnayd) Wax la cunay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunan
(tilmaame) wax la cunay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curan
curan¹: m.l Xirmidda sanka neeftu ku xiranto, duray, sanboor iyo wixi lamida awgood.
curan²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax neeftu ku xirantay noqosho (san).
curan³: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax neeftu ku xirantay ahaansho (san).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curan
curan¹: m.l Xirmidda sanka neeftu ku xiranto, duray, sanboor iyo wixi lamida awgood. m.f.dh, curmid.
curan²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax neeftu ku xirantay noqosho (san).
curan³: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax neeftu ku xirantay ahaansho (san).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuski
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale ku tiirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuski
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale ku tiirin. m.f.dh, cuskin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuski
(fal) qof culus amma buka ul, gidaar iyo wixii la mid ah, inuu cuskado ku caawi. Odaygu ma socon karayee ushan u cuski.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusko
f.g3 (-kaday, -katay) 1. Ul, derbi, geed iyo wixi lamida tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusko
f.g3 (-kaday, -katay) 1. Ul, derbi, geed iyo wixi lamida tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid. m.f.dh, cuskasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusko
v. lean on something; support oneself on one's elbows
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusko
-cuskaday / cuskatay: (v) be supported; rest on; recline on; lean on (liin on) ~ ku tiirso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusko
(fal) cid kale, ku tiirso; taageero ka day.
cusko: (fal) dhacdo ama qodob xeer daliilso oo ku camalfal. Dh: ku tiirso; soo qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusko
de: lean on s.t.; support oneself on one's elbows
lx: cusko
pd: (cuskaday)
ps: v3a=
key: cusko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusan
(tilmaame) ifafaale di'id roob. Cirku waa tusan-yahay.
tusan: (tilmaame) hadal laba qof oo sii kala dhoofaya ama sii kala soconayaa ay isku yidhaahdaan oo u dhigma nabadgelyo. Waa inoo iyo is tusmo wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unkan
unkan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la unkay noqosho.
unkan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la unka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
unkan
unkan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la unkay noqosho. m.f.dh, unkamid.
unkan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la unka ahaansho. m.f.dh, unkanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unkan
inch. v. evolve, originate from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unkan
(fal) unug noqo; noqo wax la unkay. Dh: bilaaban.
unkan: (tilmaame) wax la unkay ah; wax hadda uun la bilaabay ah. Dh: bilaaban, alkuman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unkan
de: evolve, originate from rw: unug
initial: u
lx: unkan
pd: (unkamay)
ps: v1=inch
key: unkan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ushan
n. phr. this stick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ushan
de: this stick
initial: u
lx: ushan
ps: np
see: ul
key: ushan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uskag
(Uskag-ga)
Wax aan nadiif ahayn oo jirka iyo dharka, kd., korkooda gaara ama ku samaysma; wasakh; dhusuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uskag
m.l Wasakh ku taal jir dad ama dhar. la-mid: uskug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uskag
m.l Wasakh ku taal jir dad ama dhar. la-mid: uskug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
uskag
m. n. dirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uskag
-a; (n) dirtiness (deedi-nes)-, filth (filthi)', soil (sooyal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskag
-ga: (magac, lab, keli) wasakh iyo wax aan nadiif ahayn. Uskagga ka jir oogadaada iyo dharkaaga. Dh: wasakh, wisikh, dhusuq.