cusboonaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cusboonee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusboonaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) eeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaysii
(fal) wax cusub ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaysiin
m.dh la-mid: cusboonayn.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CUSBOONAYSIIN
Rinnovo
Renewal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusbooneeysii
v.caus: renovate, repair, revise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusbooneeysii
de: renovate, repair, revise
lx: cusbooneeysii
pd: (cusbooneeysiiyey)
ps: v2a=caus
key: cusbooneeysii
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusbooneysiin
-ta: (n) the act of renewing; renewal (ri nuu wal); restoration ~ dib u habayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallinyarayn
m.dh (juqraafi) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin. m.f.dh, dalayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhallinyarayn
m.dh (juqraafi) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
recondition
/riikandhishan/ (v) cusboonaysiin (dib-u hagaajin, sidiisii hore laga dhigo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
renovate
/renaveyt/ (v) dib-u habayn ku samayn (siiba cusboonaysiin dhismo guri).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
renovation
/renaveyshan/ (v) dib-u cusboonaysiin (dib-u habayn; siiba dayactir guri lugu sameeyo).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARQADDA KALSOONIDA (W/K)
Lettera di credito (L/C)
Letter of credit (L/C)
Waa warqad lacagi ku qoran tahay oo Banki u diro Banki kale oo dibedda ah, kaasina u gudbiyo cid ama shirkad wax laga soo iibsadey, markaas kaddibna alaabtii la kala iibsadey loo soo diro hadba sidii heshiiska iibku ahaa. Warqaddaasi waxay noqon kartaa mid lacagtii loo xannibey, ama mid aan lacagtaasi u xayirneyn. Warqadda kalsoonida waxay u kala baxdaa mid laga bixi karo, oo markii la furo kaddib, laga kaaftoomi karo iyo mid aan laga bixi karin mar haddii xisaabteeda la furo. Hase yeeshee, taas lafteeda waa laga bixi karaa haddii uu dhammaado waqtigii lagu heshiiyey, ayadoo aan weli alaabtii la soo dirin. Haddiise xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya cidda wax kala gadanaysaa fiican yahay, raagidda diritaanka alaabtuna ku yimid sabab gar ah, markaas warqadda kalsoonida waa la cusboonaysiin karaa ama waqtigeeda ayaa la dheerayn karaa.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
renew (v)
esbaawshaal
cusboonaysiin
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
renovate (v)
esbaawshaal
cusboonaysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casriyay
(fal) ka dhig wax cusub oo iminka adduunka yimi; wax soosaarkaaga mar walba waayaha cusub la socodsii. Dh: jadiidi, casriyee, cusboonaysii, casriyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casriyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub oo casri ah ka dhigid. Dh: cusboonaysiin, casriyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkujoog
-ga: (magac, lab, keli) caddayn dal si sharci ah loogu joogo oo sannadkiiba mar la cusboonaysiiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhis
-ka: (magac, lab, keli) hagaajinta iyo dib u cusboonaysiinta wax burbursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhisid
-da: (magac, dhedig, keli) dib u hagaajin oo wax burburay cusboonaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysagad
-ka: (magac, lab, keli) cusboonaysiinta weysoqab laga shikiyay. Weysagad ayaan samaynayaa shiki i galay awgood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusbooneeysiin
vl. n. renovation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusbooneeysiin
de: renovation
lx: cusbooneeysiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cusbooneeysiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonayn
m.f.dh eeg cusboonee. la-mid: cusboonaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonayn
vl. n. overhaul; renewing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusboonayn
-ta: (n) the act of renewing; renewal (rinuuwal) ~ dib u habayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cusboonayn
Rinnovo
Renewal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub oo markaas la sameeyey ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonayn
de: overhaul; renewing
lx: cusboonayn
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cusboonayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaansho
m.l/dh la-mid: cusboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub ahaansho ama wax cusub noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusboonan
(Cusboonan-ta)
Wax cusub ahaan ama noqosho; cusboonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaan
m.f.dh eeg cusboon. la-mid: cusboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonaan
f. n., [abstract] newness, freshness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonaan
de: newness, freshness
lx: cusboonaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: cusboonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curboonaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax cusboon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasilooneysii
v. pacify, quiet down; comfort, console; make peaceful ~ tranquil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasilooneysii
de: pacify, quiet down; comfort, console; make peaceful ~ tranquil
initial: x
lx: xasilooneysii
nt: xasilooneysiin (ta) [vn-f]
pd: (xasilooneysiiyey)
ps: v2a=tr
key: xasilooneysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid casho siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid casho siin. m.f.dh, cashaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashaysii
v. treat a dinner, invite someone to supper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysii
(fal) cid kale, milayga fiidka, wax la cuno sii; xeraadsii. Waa habeene, cashaysii, caruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashaysii
de: treat a dinner, invite s.o. to supper
lx: cashaysii
pd: (cashaysiiyey)
ps: v2a=tr
key: cashaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid cunto siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax cusbo lagu daray ahaansho (cunto). 2. Wax cusbo la mariyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaysan
(tilmaame) wax la milixeeyay; wax cusbo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax, wax cusub ka dhigid. la-mid: cusboonaysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusboonee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax, wax cusub ka dhigid. m.f.dh, cusboonayn. la-mid: cusboonaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonee
v. renew, resume, begin something over again
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusboonee
-yey / cusboonaysay: (v) renew (riniyuu); renovate; overhaul; freshen up ~ cusboonaysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonee
(fal) wax cusub ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonee
de: renew, resume, begin s.t. over again
lx: cusboonee
pd: (cusbooneeyey)
ps: v2b=
key: cusboonee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaysii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosaysii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin. m.f.dh, hoosaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosaysii
v. put someone ~ something under ~ underneath something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaysii
(fal) xagga hoose mari. Alaabta wixii aan jabayn hoosaysii. Li: korraysii sarraysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosaysii
de: put s.o. ~ s.t. under ~ underneath s.t.
lx: hoosaysii
pd: (hoosaysiiyey)
ps: v2a=tr
key: hoosaysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonays
-ka: (magac, lab, keli) wax udgoon ka dhigis. Udgoonayska guryaha ayaa hableheenna lagu yagaannay. Dh: carfoonays. Li: qadhmoonays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbaysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka x.: wax xumbo ka keenid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abboowaysi
-ga: (magac, lab, keli) beerlaxawsi wiil la walaalaysanayo. Abboowaysigu waa asluub wacan. Dh: aaddaysi, huunnaysi, boowaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cusboonaan; qurxoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboodaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax ama sabab dhufays ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax u dhiibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guddoonsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax u dhiibid. m.f.dh, guddoonsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guddoonsii
v.caus: cause to accept, deliver; confer with; present with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guddoonsii
-yey / say: (v) place in one's hands; give (gif); present (prezenf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddoonsii
(fal) gar la naqay ama arrin la galay, waxa laga soo saaray u gudbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guddoonsii
de: cause to accept, deliver; confer with; present with
lx: guddoonsii
pd: (guddoonsiiyey)
ps: v2a=caus
key: guddoonsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habboonayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonayso
(fal) wax udgoon marso. Udgoonayso si aan shurufkaaga looga cararin. Dh: carfoonayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismoogeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax la garanyo is-illowsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ismoogeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax la garanyo is-illowsiin. m.f.dh, ismoogeysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku filnaysii
v. make something be enough for someone ~ something, make suffice ~ last
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_filnaysii
de: make s.t. be enough for s.o. ~ s.t., make suffice ~ last
lx: ku filnaysii
pd: (filnaysiiyey)
ps: v2a=expr
key: ku_filnaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddoonaansho
m.l/dh la-mid: cuddoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid habboon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudboonaansho
(Gudboonaansha-ha)
1. Wax gudboon ahaansho; wax in la sameeyaa ay eg tahay ahaansho.
2. Isku si ahaansho; kala sokayn la'aan; isugu mid ahaansho; sinnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudboonaansho
m.l/dh la-mid: gudboonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudboonaansho
vl. n., stative v. state of being appropriate ~ suitable
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudboonaansho
de: state of being appropriate ~ suitable
lx: gudboonaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: gudboonaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbo-beysaysan
m.dh (-ooyin ..., m.l) (kiimika) Iskudhis u dhexeeya caadiga ah iyo haydarogsaydhka ama ogsaydhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusbo-beysaysan
m.dh (-ooyin ..., m.l ) (kiim.) Iskudhis u dhexeeya caadiga ah iyo haydarogsaydhka ama ogsaydhka.