cusboonayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonayn
m.f.dh eeg cusboonee. la-mid: cusboonaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonayn
vl. n. overhaul; renewing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusboonayn
-ta: (n) the act of renewing; renewal (rinuuwal) ~ dib u habayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cusboonayn
Rinnovo
Renewal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub oo markaas la sameeyey ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonayn
de: overhaul; renewing
lx: cusboonayn
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cusboonayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusboonan
(Cusboonan-ta)
Wax cusub ahaan ama noqosho; cusboonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaan
m.f.dh eeg cusboon. la-mid: cusboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonaan
f. n., [abstract] newness, freshness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonaan
de: newness, freshness
lx: cusboonaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: cusboonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cusboonaan; qurxoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noolee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid. m.f.dh, noolayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
overhaul
/owvar-hol/ (v) 1. si fiican u baarid (siiba baaridda iyo hubinta lugu sameeyo matoorada iwm). 2. cusboonayn, dib u habayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rejuvenate
/ri juuvaneyt/ (v) 1. dib-u dhalinyaraan (dhalinyaro noqosho ama u ekaan) 2. casriyayn (cusboonayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
renew
/rinyuu/renewal; (v) cusbooneysiin (dib-u cusboonayn).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Overhaul
Cusboonayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaysiin
m.dh la-mid: cusboonayn.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CUSBOONAYSIIN
Rinnovo
Renewal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cusboonee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusboonaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) eeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaysii
(fal) wax cusub ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusbayn
(Cusbayn-ta)
Cusbo ku darid; cusbo korka ka marin; cusbo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbayn
m.f.dh eeg cusbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan, cusbo gelin; cusbo ku daaweyn; cusbays.
cusbayn -ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wixii la mid ah, cusbo ku darid. Dh: milixayn, cusbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cusub ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusboon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cusub ah ahaansho. m.f.dh, cusboonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboon
der. [adjective] new, renewed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboon
(tilmaame) wax aan weli la isticmaalin oo jadiid ah. Dh: cusub, jadiid. Li: baali, duug.
cusboon: (tilmaame) cir inuu da'o u dhow; cusayb Maanta cirku waa cusboon yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboon
de: new, renewed rw: cusub
lx: cusboon
ps: adj-der
key: cusboon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax, wax cusub ka dhigid. la-mid: cusboonaysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusboonee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax, wax cusub ka dhigid. m.f.dh, cusboonayn. la-mid: cusboonaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonee
v. renew, resume, begin something over again
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusboonee
-yey / cusboonaysay: (v) renew (riniyuu); renovate; overhaul; freshen up ~ cusboonaysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonee
(fal) wax cusub ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonee
de: renew, resume, begin s.t. over again
lx: cusboonee
pd: (cusbooneeyey)
ps: v2b=
key: cusboonee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonayn
m.dh la-mid: udgin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax udgoon ka dhigid; wax carfoon ka dhigid. Udgoonaynta aqalka ayaa lagaa doonaayaa. Dh: carfoonayn. Li: qadhmuunayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddoonaan
(Cuddoonaan-ta)
Wax cuddoon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddoonaan
m.f.dh eeg cuddoon. la-mid: cuddoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuddoonaan
f. n., [abstract] parallelness, evenness, equality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habboonaan; wax cuddoon ahaan; toolmoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuddoonaan
de: parallelness, evenness, equality
lx: cuddoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cuddoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudboonaan
(Gudboonaan-ta)
Gudboonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudboonaan
m.f.dh eeg gudboon. la-mid: gudboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudboonaan
f. n., [abstract] appropriateness, suitability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «la la sinnaan ama ku toosnaan.
gudboonaan-ta: (magac, dhedig, keli) «la ~» wax ku habboon ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudboonaan
de: appropriateness, suitability
lx: gudboonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: gudboonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonayn
-ta: (magac, dhedig keli) si habboon ka dhigid; wanaajin. Dh: habboonays.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Karboonayn
Carbonation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaansho
m.l/dh la-mid: cusboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub ahaansho ama wax cusub noqosho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusbooneysiin
-ta: (n) the act of renewing; renewal (ri nuu wal); restoration ~ dib u habayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaysnaan
m.f.dh eeg cusbaysan. la-mid: cusbaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusbo lagu daray noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ikhtiyaar la'aan, aan xorriyad la haynin. Dh: qasboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curboonaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax cusboon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusbooneeysii
v.caus: renovate, repair, revise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusbooneeysii
de: renovate, repair, revise
lx: cusbooneeysii
pd: (cusbooneeysiiyey)
ps: v2a=caus
key: cusbooneeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodayn
(Boodayn-ta)
Bood dhar ku mayrid; aad u caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodayn
m.f.dh eeg boodee. la-mid: boorayn (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar maydhid oo aad u caddayn. Boodaynta dharkaa gaari lagu yaqaanaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogayn
m.f.dh eeg boogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh aroosad ah gudniinkii fircooniga ahaa ka furid. Dh: reerayn. boogayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, nabar boog ah ka dhigid. Xoqiddu qayb libaax ayay ka ciyaartaa boogaynta finanka yaryar. Dh: nabarayn, boogays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolayn
m.f.dh eeg boolee. la-mid: boolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) turub afar baadh ah haadka lagu booleeyey magacaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayn
m.f.dh eeg booree. la-mid: boodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo ku asoorid. Dadka booraynta ka daa. Dh: boodhayn, siigayn. booraysad -ka: (magac, lab, keli) carro si sharcigu dhigay la isku marsho si salaadka loo bannaysto kolka biyo la waayo. Dh: boodhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootayn
m.f.dh eeg bootee. la-mid: bootays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallada kulul ee dhex mara labada isu cadhaysn. Bootaynta aayara naag walayba buulkaaga tag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubnaan
m.f.dh eeg cuban². la-mid: cubnaansho, cugnaan, cugnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto afka gelin oo calalin, dabadeed na liqid. Dh: cuntayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curboon
(tilmaame) qurux aan la farafarayn. Gurigani waa dhisme curboon. Dh: cusub, jadiid, cusboon. Li: baali, gaboobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaan
m.f.dh eeg cusub. la-mid: cusayb (3), cusbaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax markaas la sameeyey oo cusub ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cusbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayn
m.f.dh eeg cuslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore u fududaa, culays ku kordhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roonayn
(Roonayn-ta)
Wax roon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roonayn
m.f.dh eeg roonee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofayn
(Soofayn-ta)
Soofe marmarin; ku afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofayn
m.f.dh eeg soofee. la-mid: soofays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofayn
-ta: (n) tha act of sharpening; filing (faayling)-, honing (hooning), rasping (raasping)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soofe marin si af loogu yeelo. Soofayn ayay u baahantahay mindidu. Dh: afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xubnayn
(Xubnayn-ta)
Xubno u qaybin, ka dhigid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubnayn
m.f.dh eeg xubnee.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xubnayn
Resolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xubno u qaybin xubin xubin u jarid. Dh: xubnaxubnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tixgelin oo ku talagalid. Xusbayn fiican ayuu u hayaa shaqada cusub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curbooni
-da: (magac, dhedig, keli) cusbooni; qurux aan la farafarayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CUSBOOLE
(Osbole) N Limonium somalorum (Vierh) Hutch & Bruce. Plumbaginaceae.
N, C? Limonium axillare (Forsk)0.Kuntze. Plumbaginaceae.
N Limonium carinense (Chiov.)Cuf. Plumbaginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonay
(fal) udgoon ka dhig; wax carfi wacan ka dhig. U udgoonay qolka sidii mid aroos. Dh: carfoonay, udgoonee. Li: qadhmuunay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayoonayn
m.dh (kiimika) Habka soo saaridda ayoonnada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayoonayn
m.dh (kiim.) Habka soo saaridda ayoonnada. ab m.l.u 1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayoonayn
vl. n. ionization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayoonayn
de: ionization
lx: aayoonayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: aayoonayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax cusbo lagu daray ahaansho (cunto). 2. Wax cusbo la mariyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaysan
(tilmaame) wax la milixeeyay; wax cusbo leh.