cusbays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cusbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbay
(fal) dhallaan, cusbo geli; cusbo ku daawee.
cusbay: (fal) soor iyo wixii la mid ah, milix ku dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusbayn
(Cusbayn-ta)
Cusbo ku darid; cusbo korka ka marin; cusbo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbayn
m.f.dh eeg cusbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan, cusbo gelin; cusbo ku daaweyn; cusbays.
cusbayn -ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wixii la mid ah, cusbo ku darid. Dh: milixayn, cusbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seytuun
(Seytuun-ka)
1. Geed geedaha kuwa u waxtar badan ka mid ah oo geed-abaareed ah; waxaa mirihiisa laga lisaa saliid-seydda la wada yaqaan.
2. Miraha seytuunka ka baxa, oo ama sidooda loo cuno (iyagoo cusbaysan ama khal lagu daray) ama saliid laga sameeyo, saliidseydda, sida subagga oo kale baa wax loogu iidaantaa oo loogu shiilaa; waxay kale oo wax ka tartaa saabbuun-samayska.
3. Geed kale oo labaad oo Soomaalidu seytuun u taqaan iyo mirihiisa, iyagana la cuno; guwaafa ama jawaafa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaysnaan
m.f.dh eeg cusbaysan. la-mid: cusbaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaysnaansho
m.l/dh la-mid: cusbaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixsanaan
m.dh (juqraafi) Darajada cusbaysanaanta ama milixsanaanta ee badweynada, badaha, balliyada, iyo webiyada, badanaa waxaa loo tibaaxaa tirada qaybaha kunkiiba, ama miisaanka cusbada ku milan kunkii qayboodba oo biyo ah. Celceliska milixsanaanta biyaha baddu, tusaale ahaan, waa 35 kunkiiba, laakiin milixsanaantu waxay ku kala duwantahay laga billaabo 40 ka kor kunkiiba biyaha Badda Dhexe ilaa iyo 30 kunkiiba badaha cirifyada. Baraha agtiisa waxaa jira gobol milixsanaantiisu ay hoosayso, roobka culus ee ka da'a awgiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gammon
/gamon/ (n) hilib doofaar oo cusbaysan, oo badanaa la solo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
saltwater
/soolt-wootar/ (adj) biyo cusbaysan (biyo milix leh, sida kuwa badda).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
salty
/soolti/ (adj) cusbaysan (milix leh).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusbee
-yey / cusbaysay: (v) add season, or sprinkle with salt
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salame
s.m. hilib doofaar (cusbaysan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milixays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg milixayn. milixaysan: (tilmaame) milix lagu daray ah; milix leh. Dh: cusbaysan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
salt
n., cusbo, -di, milix, -i; v.tr., cusbay; a., cusbaysan, dhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax cusbo lagu daray ahaansho (cunto). 2. Wax cusbo la mariyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaysan
(tilmaame) wax la milixeeyay; wax cusbo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayso
f.g3 (-stay, -satay) Hawl, arrin iyo wixi lamida wax culus oo dhib leh ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuslayso
f.g3 (-stay, -satay) Hawl, arrin iyo wixi lamida wax culus oo dhib leh ka dhigasho. m.f.dh, cuslaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cisayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cubayd
name-m young worshipper, servant of God
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufays
m.l la-mid: gufeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culays
(Culays-ka)
Culaab; miisaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culays
culays¹: m.l Xoog walaxda u jiidaya. la-mid: cuslaan.
culays²: m.l (-syo, m.dh) (fiisikis) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culays
culays¹: m.l Xoog walaxda u jiidaya. la-mid: cuslaan. culays²: m.l (-syo, m.dh) (fiisikis) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Culays
Weight
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
culays
weight
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culays
m. n. heaviness; weight {physics}; shot-put
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culays
-ka: (n) weight (weeyt); load (lowdh)-, heaviness, burden ~ culaab
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Culays
Pesantezza
Heaviness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culays
-ka: (magac, lab, keli) culaab; miisaan.
culays -ka: (magac, lab, keli) wax miisaan badan leh; aan fududayn. Li: fudayd.
culays-ka: (magac, lab, keli) miisaanka xaddiga ay walaxi leedahay. Halbeegga lagu cabbirina waa Kg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culays
cf: culus
de: heaviness; weight {physics}; [ext.] shot-put
lx: culays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: culaab
key: culays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusayb
(Cusayb-ka)
Wax cusub ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusayb
m.l 1. Wax jiritaankiisu markaa ugu horreyso. 2. Waxaan weli la isticmaalin. 3. la-mid: cusbaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusayb
m.l 1. Wax jiritaankiisu markaa ugu horreyso. 2. Waxaan weli la isticmaalin. 3. la-mid: cusbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusayb
m. n. new ~ fresh item, freshness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusayb
-ah: (adj) new (nuu or niyuu) Ex: guri cusub; new house —Syn: fresh, novel, newfangled, original
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusayb
-ka: (magac, lab, keli) muuqaalka saansaanta di'itaanka roobka. Dh: tus.
cusayb: (tilmaame) wax aan hore loo isticmaalin; wax aan hore u jirin oo hadda yimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusayb
de: new ~ fresh item, freshness
lx: cusayb
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cusayb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslay
(fal) culays ku kordhi; wax culus ka dhig. Dh: cuslee. Li: fududay, fududee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hubayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg u qubayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusays
-ka: (magac, lab, keli) eeg qusayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusbay
(fal) tixgelintiisa ku tala gal oo isku diyaari. Go'aanka cusub ee shaqaalaha xusbay. Dh: xusbee, xushmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cashayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceebayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntays
m.l la-mid: cuntayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaan
m.f.dh eeg cusub. la-mid: cusayb (3), cusbaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax markaas la sameeyey oo cusub ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayn
m.f.dh eeg cuslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore u fududaa, culays ku kordhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dubbays
magac loo baxsho wiil adag abuur ahaan ama akhlaaq iyo dhaqanba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubbays
(Kubbays-ka)
Raran kulul oo weel loo sameeyey ku guntan ama biyo kulul oo kolay cinjir ah ku jira oo meel bugta oo oogada kamid ah la saarsaaro oo xanuunka yareeya dhiigana dhaqaajiya; kubbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubbays
m.l la-mid: kubbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubbays
m. n. hot compress, fomentation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kubbays
-ka: (n) fomentation (foo-men-teeyshen); poultice (pooltas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubbays
-ka: (magac, lab, keli) raran kulul oo weel loo sameeyey ku guntan ama biyo kulul oo kolay cinjir ah ku jira oo meel bugta oo oogada ka mid ah la saarsaaro oo xanuunka yareeya oo dhiiggana dhaqaajiya. Dh: kubbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubbays
de: hot compress, fomentation
lx: kubbays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kubbays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rushays
(Rushays-ka)
Rushayn; bilbil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushays
m.l la-mid: rushayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushays
-ka: (magac, lab, keli) eeg rushayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurbays
m.dh (-syo, m.l) Xirmo qaad ah oo ka kooban dhawr laamood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbays
-ka: (magac, lab, keli) abur ama xoor samayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tixgelin oo ku talagalid. Xusbayn fiican ayuu u hayaa shaqada cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casabaysi
m.l la-mid: casabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casabaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) eeg casabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casabayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid casabo ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casabayso
v.auto: take a person as one's relative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casabayso
(fal) casabo ahaan ugu dhawow qaraabo iyo xigtanimo ugu dhawow. Dh: xigtayso, qaraabayso, cashiirayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casabayso
cf: cashiiraysi, cashiiro
de: take a person as one's relative
lx: casabayso
pd: (casabaystay)
ps: v3b=auto
key: casabayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cabbaysad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbayso
v. load (gun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbayso
(fal) wax mug leh, buuxso, wax ku gur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbayso
de: load (gun)
lx: cabbayso
pd: (cabbaystay)
ps: v3b=
key: cabbayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg Carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cukadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumraysi
m.l la-mid: cumraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cumraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cimro gudasho. la-mid: cimrayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cumrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cimro gudasho. m.f.dh, cumraysasho. la-mid: cimrayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumrayso
(fal) cibaadada cimrada soo gudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqubayn
m.f.dh eeg cuqubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbahog
-ta: (magac, dhedig, keli) cusbada dhulka hoostiisa laga soo qodo. Dh: cusbalab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbalab
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cusbahog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushayso
f.g3 (-stay, -satay) Qof meel biyo ku bilbilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rushayso
v.auto: sprinkle ~ spray for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushayso
(fal) biyo ku bilbilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rushayso
de: sprinkle ~ spray for oneself
lx: rushayso
pd: (rushaystay)
ps: v3b=auto
key: rushayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusmayso
(fal) yagleelo ama bannayso halkii aad degi lahayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumbaysi
-ga: (magac, lab, keli) xoor yeelash xumbo samayn. Darandoorrigu xumbaysiga w badiyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xushmays
-ka: (magac, lab, keli) xushmadayn. xushmee: (fal) eeg xushmadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casabaysad
m.l la-mid: casabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casabaysad
-ka: (magac, lab, keli) casabo u sheegad; xigto ka dhigasho. Dh: casabaysasho, qaraabaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqubaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof cuqubo ku dhacday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaansho
m.l/dh eeg cusbow. la-mid: cusbaan.