curdansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdansad
m.l la-mid: curdansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdansi

curdanso
f.mg3 (-saday, -satay) Curdan gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidansad
m.l la-mid: ciidansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidansad
-ka: (magac, lab, keli) ciidan ka dhigasho; gargaar iyo garab ka dhigasho. Dh: ciidansasho, ciidansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdandhadh
(fal) geed laantii iyo wixii la mid ah, adiga oo curdan ah cawdh noqo. Dh: dhadh.
curdandhadh!: erey la isku habaaro oo la macne ah 'ha hanaqaadin'.
curdandhadh -ka: (magac, lab, keli) curdin ahaan ku dhadhid, cawdh ku noqod. Dh: dhadhid.
curdandhadh -ka: (magac, lab, keli) dhibaato waxyeello weyn gaadhsiisa qof dhallinyaro ah, sida curyaannimo, ma dhalaysnimo iwm. Wiilkii yaraa wuu curdandhadhay. Dh: qadarjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdansasho
m.f.dh eeg curdanso. la-mid: curdansad, curdansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curyaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho. m.f.dh, curyaansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curyaansan
der. [adjective] crippled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curyaansan
-aa / ayd: (adj) sabotaged; disabled, incapacitated or crippled (kirippalidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaansan
(tilmaame) la curyaamiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curyaansan
de: crippled
lx: curyaansan
pd: (curyaansanaa)
ps: adj-der
key: curyaansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaansad
-ka: (magac, lab, keli) cunto iyo hilib lagu Alla baryo samaysasho. Dh: ducaysi, daraaraysi, qurbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdad
-ka: (magac, lab, keli) shinbir fariista barimada gocosada oo digaagga u dhalan eg. Dh: kabti, wiile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curdan
(Curdan-ka)
(geed, kd.) dhowaan dhashay oo aan weli gahayr noqon; (ama curdin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdan
m.l 1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. la-mid: cardun, curdin, curdun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curdan
m. n. young plant, sapling, shoot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curdan
-ah: (adj) 1. young (yaang); immature (imajuur) ~ dhallinyar. —Syn: youthful, adolescent, juvenile, puerile. 2. unripe (an-raayp); immature ~ aan bislaan, cargo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdan
-ka: (magac, lab, keli) geed iyo wixii la mid ah, oo dhowaan dhashay; wax dhashay oo aan weli adkaan. Dh: curdin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curdan
a: curdin
de: young plant, sapling, shoot
lx: curdan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: curdan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ransad
m.l la-mid: ramasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ransad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ransasho; ransi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsad
m.l la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraysad
(Kuraysad-ka)
Kuraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraysad
m.l la-mid: kuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysad
-ka: (magac, lab, keli) hooyo sadkeedii soo dhowaaday kur samaysasho. Dh: kuraysasho, taraaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muransan
f.mg4 (-naa, -nayd) Laba qof ama ka badan wax murmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muransan
f.mg4 (-naa, -nayd) Laba qof ama ka badan wax murmay ahaansho. m.f.dh, muransanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muransan
der. [adjective] in disagreement, having a dispute ~ controversy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muransan
-aa: (adj) quarreling (kuwoor al ing); feuding (fiyuud-ing); disputed (dis piyuutidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muransan
de: in disagreement, having a dispute ~ controversy
lx: muransan
pd: (muransanaa)
ps: adj-der
key: muransan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suldanad
m.dh (siyaasad) Meel uu xukumo, ama xukumi jirey suldaan. Waxaa aad looga isticmalaa dhulka Islaamka. la-mid: saldanad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suldanad
m.dh (siyaa.) Meel uu xukumo, ama xukumi jirey suldaan. Waxaa aad looga isticmalaa dhulka Islaamka. la-mid: saldanad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taransad
(Taransad-ka)
Taransasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taransad
m.l la-mid: taransasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransad
-ka: (magac, lab, keli) wax badsadka, taransasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysad
-ka: (magac, lab, keli) uur yeelasho: cunug uurka haweenay ugu abuurmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burdanbas
-ka: (magac, lab, keli) kimis dabka lagu dul dubo iyada oo aan waxba ka xigin. Burdanbas ninkii baahan baa cune'e. Dh: burdambas.
burdanbas-ka: (magac, lab, keli) bur caws ah oo dumay, abaar awgeed la madoobaaday. Burdanbas baa banka ku yaal ee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadaysad
(Caadaysad-ka)
Caado ka dhigad; caado u noqod; (ama caadeysad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysad
m.l la-mid: caadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysad
-ka: (magac, lab, keli) caado ka dhigad; joogtaysadka wax aad hore u fali jirin. Caadaysad bay kaa noqotay jaadka cunistiisu. Dh: caadaysi, joogtaysad.
caadaysad -ka: (magac, lab, keli) caad yeelashada cirka, indhaha, dhulka, iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysad
m.l la-mid: caddaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysad
-ka: (magac, lab, keli) aragti u badheedhid; caddaysasho; bareerid.
caddaysad -ka: (magac, lab, keli) shaah iyo wax la mid ah, caano ku darsasho; caddaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabsad
-ka: (magac, lab, keli) carrab ku nuugid ama ku jaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysad
-ka: (magac, lab, keli) biyola'aan darteed, carro ismarmarin oo isku daahirin, si aad salaadka u bannaysato. Dh: boodhaysad, gebogabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaansad
m.l la-mid: cawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaansad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmo iyo taageero ka doonid; xoog iyo ciidan bidid. Dh: cawaansasho, cawaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumraysad
m.l la-mid: cumraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumraysad
-ka: (magac, lab, keli) cimrada tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaanad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo labada lugood la'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curyaanad
f. n. crippled female, handicapped female, paralytic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaanad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo labada lugood beeshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curyaanad
de: crippled female, handicapped female, paralytic
lx: curyaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: curyaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsad
m.l la-mid: furaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdansii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba wiil hurdan ciyaarsiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdaysan
-aa: (adj) sleepy (isliipi); dozy (dhowsi); drowsy (dharawsi) ~ lulmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdaysan
(tilmaame) qof lulaysan; qof hurdo hayso,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadsad
m.l la-mid: muraadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadsad
-ka: (magac, lab, keli) duco muraad laga leeyahay samaysasho. Dh: muraadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardaysad
(Qardaysad-da)
Qardaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysad
m.l la-mid: qardaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysad
-ka: (magac, lab, keli) amaah qaadasho; sii deynsad. Nin balwad lihi qardaysad ma daayo. Dh: casaysad, qardaysasho.
qardaysad -ka: (magac, lab, keli) gaardo ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdanaan
m.f.dh eeg qurdan. la-mid: qurdanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof madaxa moolaystay ahaan. Dh: moolaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqaansad
m.l la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqaansad
-ka: (magac, lab, keli) hingsho iyo dhaqaaq uu sameeyo noole fadhiya. Dh: ruqaansi, ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansad
-ka: (magac, lab, keli) tukaan wax ka soo iibsad. Soo tukaansadka ka soo dhaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarad
-ka: (magac, lab, keli) gef la sameeyay, garawshiinyo iyo wax laga garaabi karo ku sababayn. Dh: raalligelin, garowshiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryaysad
(Caaryaysad-ka)
Caaro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaryaysad
m.l la-mid: caaryaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaryaysad
vl. n. decaying; molding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryaysad
-ka: (magac, lab, keli) uskag iyo caaryo yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaryaysad
de: decaying; molding
lx: caaryaysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: caaryaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curnaansho
m.l/dh la-mid: curnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansad
(Dhadhansad-ka)
Dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansad
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhansad
-ka: (magac, lab, keli) carrabka ku dareemid oo sida uu yahay u fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durbaansan
Qaab durbaan leh; isku duuban; kankoonsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaab durbaan leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durbaansan
der. [adjective] drum-shaped, round
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaansan
(tilmaame) wax sida durbaanka u samaysan oo wareeg kankoonsan leh. Dh: kankoonsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durbaansan
de: drum-shaped, round
lx: durbaansan
ps: adj-der
key: durbaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysad
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysad
-ka: (magac, lab, keli) culays iskaga dhigid la'aan. Dh: fududaysasho, fududaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansad
m.l la-mid: gaadaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaansad
m.l la-mid: garwaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaansad
-ka: (magac, lab, keli) ugaarsasho; gabraarad; gabraarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoonsad
(Guddoonsad-ka)
Guddoonsasho; guddoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsad
m.l la-mid: guddoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdanraac
(Gurdanraac-a)
Gurdan yeeray oo layska raaco; dad ama duunyo gurdameysa, oo layska raaco, iyadoo aan la aqoon meel loo socdo, wax la doonayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdanraac
gurdanraac¹: m.l.kh G. ah: raacidda wax ordaya la raaco iyadoo aan la hubsan.
gurdanraac²: f.mg1 (-cay, -cday) Iyadoo aan la hubsan wax ordaya raacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurdanraac
v., [compound] follow ignorantly, blindly
gurdanraac vl. n., [compound] act of following the sound of feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdanraac
-a: (magac, lab, keli) sanqadha gurdanka oo la iska raaco iyadoon la hubsan meel loo socdo. Dh: hugunraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansad
m.l la-mid: haldhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraansad
-ka: (magac, lab, keli) is sheegasho guud oo aan waxba la isku qaban; dad aanay qaraabo idinka dhaxayn ama kaa fog, tiigsasho. Hadii laba lugood oo hanti ah hibo laguu siiyey, middii kaa hadhaba tii kalaa ku hangaleysaaye, hiiraansi mooye tolnimo haatan la illowye. Dh: habsi, tiigsi, higsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdansiin
m.f.dh eeg hurdansii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdaysani
-da: (magac, dhedig, keli) lulaysani ama gama'san.