curcuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhudhun wax ku cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curcuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhudhun wax ku cabbirid. m.f.dh, curcurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcurin
m.f.dh eeg curcuri. la-mid: curcuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcuris
m.l la-mid: curcurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curcurri
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir xurgufka ka roon oo tunka qool madow ku leh. Dh: qoolley, uur'uurri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curcur
1. (Curcur-ka) Dhudhunka iyo calaacasha iskaggalkooda; jalaqley.
2. (Curcur-ta) Buur yar, kood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcur
curcur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.
curcur²: m.l/dh (-ro, m.l/dh) Buur yar; kood; gunbur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curcur
curcur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.
curcur²: m.l/dh (-ro, m.l/dh) Buur yar; kood; gunbur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curcur
m. n. forearm, wrist
curcur [feminine] n. hill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curcur
-ta: (n) wrist (riist); hand (haandh); carpus (kaarpas) ~ cumaacun, jalaqlay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curcur
-ka: (magac, lab, keli) calaacasha iyo dhudhunka iyo isgalkooda. Dh: cukur, jalaqley, jidhjidh, jirjir.
curcur -ta: (magac, dhedig, keli) buur yar ama kood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curcur_1
cf: cukur, dhudhun
de: forearm, wrist
hm: 1
lx: curcur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: curcur_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curcur_2
cf: buur
de: hill
hm: 2
lx: curcur
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: curcur_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curri
m.l la-mid: curre.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curri
m.l la-mid: curre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curri
m. n. male cat, tomcat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curri
-ga: (n) tom cat (toom kaat); a male cat ~ curre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curri
-ga: (magac, lab, keli) eeg curre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curri
de: male cat, tomcat
lx: curri
pd: (-ga)
ps: n6-m, n7-m
key: curri
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
curri
بَس، هِرٌ، قِطْ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ururi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. la-mid: aruuri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ururi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. m.f.dh, ururin. la-mid: aruuri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ururi
v. collect, gather, cause to assemble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ururi
-yey / say: (v) gather together; bring together; collect (ko-lakti); pick up (pik ap)~aruuri Ex: uruuri koobka jajabay; pick up the broken pieces of glass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururi
(fal) wax kala daadsan meel isugu keen. Abaadirow, soo ururi caashaqa!
ururi: (fal) wax kala daadsan ama kala fog, meel isugu keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ururi
de: collect, gather, cause to assemble
initial: u
lx: ururi
pd: (ururiyey)
ps: v2a=tr
key: ururi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bururi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof bururay ka dhigid. 2. la-mid: burburi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bururi
v. make someone fall ~ go into a trance, hypnotize
bururi v. shatter, break, chop, destroy something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bururi
(fal) wax kuusan oo muuq dhexda ku leh bushuq isku sii. Xabbadda tamaadka bururi.
bururi: (fal) jejebi oo budo iyo burbur ka dhig. Dhaqaxa bururi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cumuri
(Cumuri-ga)
Boqorrada dumarku dhexda ku xirto, jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumuri
m.l (-iyo, m.dh) Maro dhuuban oo bul iyo xiddaayad leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. la-mid: cumeyri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cumuri
m. n. belt worn by women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumuri
-ga: (magac, lab, keli) boqorka dumarku dhexdooda ku xidhaan, jaad ka mid ah. Cumuri ayay dhexda ku xidhan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cumuri
de: belt worn by women
lx: cumuri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: cumuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruuri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: aruuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. la-mid: bururi (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burburi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. m.f.dh, burburin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburi
v. crumble, break, crumple; demolish, destroy, ruin, wreck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burburi
-yey / say: (v) destroy (distarooy); smash (ismaash); break something into pieces; crumble (karambel) ~ jajabi, kharib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburi
(fal) kala daadi, kala furfur. Burburi baaddilka xaqana dhis. Dh: jajabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburi
de: crumble, break, crumple; demolish, destroy, ruin, wreck
lx: burburi
pd: (burburiyey)
ps: v2a=
key: burburi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduri
durduri: f.mg2 (-iyay, -isay) Biyo si joogto ah oo aan kala go' lahayn u socosho.
dųrduri: f.mg2 (-iyay, -isay) Si culus u ordid (geel); baabbacayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduri
v. cause to flow; make run, stampede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durduri
-yey / say: (v) run (ran); stampede (istaam-piidy run by galloping, cantering (kaante-ngr)-, trotting (taroot-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduri
(fal) tirfatirfee oo sida qaalin dheregtey u roor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durduri
de: cause to flow; make run, stampede
lx: durduri
pd: (durduriyey)
ps: v2a=tr
key: durduri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudcuri
f.g2 (-iyay, -isay) Gudcur ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudcuri
v. darken, make something dark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudcuri
(fal) meel madoobee oo gudcur ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudcuri
de: darken, make s.t. dark
lx: gudcuri
pd: (gudcuriyey)
ps: v2a=tr
key: gudcuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurquri
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore si dhaqso ah u cabbdi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurquri
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore si dhaqso ah u cabbdi. m.f.dh, qurqurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurquri
v. drink off in one draught
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurquri
-yey / say: (v) swig (isweeg); gulp (goolp); especially drink liquid in great gulps
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurquri
fal) dareere si degdeg ah oo aan neefsasho lahayn u cab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurquri
de: drink off in one draught
lx: qurquri
pd: (qurquriyey)
ps: v2a=tr
key: qurquri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcurrey
m.dh Shimbir qoolleyda u eg kana yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curcurrey
m.dh Shimbir qoolleyda u eg kana yar. curdan m.l 1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. la-mid: cardun, curdin, curdun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burburid
(Burburid-da)
Burbur noqosho; jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburid
m.f.dh eeg burbur². la-mid: bururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburid
-da: (magac, dhedig, keli) kala jajabid, kala daadad sida dhisme ama maamul. Burburidda shirka boqorkaa sababay.
burburid-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar la dheelayo ama wacdi iyo wax sheeg diini ah ama qasiido nebi ammaan ah ku qiirood. Burburid buu ku dhowaaday sheekhu. Dh: jibbood, muxubbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burburin
(Burburin-ta)
Wax burbursan ka dhigid; jejebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburin
m.f.dh eeg bururi. la-mid: burburis (2), bururin, bururis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburin
vl. n. ruining, ravaging (of a country)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burburin
-ta: (n) the act of destroying, smashing , mashing or crumbling into pieces ~ jajabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburin
-ta: (magac, dhedig, keli) waxa aan jirin ka dhigid sida dhisme ama maamul. Burburinta guryaha dawladda amartay. Dh: baabi'in.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburin
de: ruining, ravaging (of a country)
lx: burburin
pd: (-ta Pl: burburimo (/ha))
ps: vn1-f
key: burburin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburis
m.l 1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. la-mid: burburin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburis
-ka: (magac, lab, keli) burburin ku samayn sida dhisme ama maamul. Burburiska guryaha shirci darradu ilaa berri bay socon.
burburis-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar la dheelayo, wacdi iyo wax sheeg diini ah ama qasiido nebi ammaan ah ku qiirood. Dh: muxubood, jibbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursi
m.l la-mid: burbursasho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BURBURSI
[BURBURSI] Carphalea glaucescens 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carcarti
-da: (magac, dhedig, keli) billawga dhaawac ama nabar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
courbure
courbure, n.f. - Qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubcubid
m.f.dh eeg cubcub². la-mid: cubcub¹ (4), cucubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuncunid
(Cuncunid-da)
Meel oogada kamid ah oo cuncunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuncunid
m.f.dh eeg cuncun³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuncunid
vl. n. itching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuncunid
-da: (magac, dhedig, keli) meel oogada ka mid ah, xajiin darteed xoqniin doonid. Dh: cuncunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuncunid
de: itching
lx: cuncunid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: cuncunid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuncunis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cuncunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo carbuunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusburid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» cusbur u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurcuur
m.l Socoshada gaar ah haweeney gaboobtay oo butucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durdurid
(Durdurid-da)
Sida durdur ama webi ama il biyo ah u qolqolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdurid
m.f.dh eeg durdur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durdurid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, qulqulid oo dhulka dul socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durdurin
(Durdurin-ta)
Ordid culus sida orodka geela; baabbacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdurin
durdurin: m.f.dh eeg durduri. la-mid: durduris.
dųrdurin: m.f.dh eeg dųrduri. la-mid: dųrduris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durdurin
vl. n. running ~ galloping (e.g., of camels), stampede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durdurin
-ta: (vn) 1. running (raning); galloping (gaalaping) ~ durduro, baabacayn, faclayn. 2. ku durduri -yey/say: (v) run over by galloping or knock down by cantering. Ex: rati baa carruutii ku durduriyey; a camel knocked down the children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durdurin
-ta: (magac, dhedig, keli) oradka uu sameeyo geelu oo ay dhereg oo farxadi ku jirto, samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durdurin
de: running ~ galloping (e.g., of camels), stampede
lx: durdurin
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: durdurin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduris
durduris: m.l la-mid: durdurin.
dųrduris: m.l la-mid: dųrdurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduris
-ka: (magac, lab, keli) orodka geela kolka uu dhergo ee si aan habaysnayn uu cagaha dhulka ula dhaco oo orod iyo boodbood isku daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furfurid
(Furfurid-da)
Waxyaalo badan oo xirxiran ama gunguntan, midba mar furid ama wada furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furfurid
m.f.dh eeg furfur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furfurid
vl. n. solution {mathematics}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furfurid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo badan oo xidhxidhan ama gunguntan, midba mar furid ama wada furid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furfurid
de: solution {mathematics}
lx: furfurid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: furfurid
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Furfuris
Solution