curadxigeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadxigeen
m.l/dh la-mid: curadxige.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curadxigeen
m. n., [compound] second-born child of the family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadxigeen
-ka: (magac, lab, keli) ilmaha curadka ka daba dhasha ee ka yar. Gabadhayda curad waxa la yidhaa Ceebla', curadxigeenkana Cumar. Wa: curadxigeenno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curadxigeen
a: curadxige (/ha) [n-m]
de: second-born child of the family
lx: curadxigeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: curadxigeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadxige
m.l/dh (-gayaal, m.l/dh) Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. la-mid: curadxigeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadxige
-ha: (magac, lab, keli) curadka kan ka yar oo ku dhalasho xiga.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
secondogènito
s.m. - curadxigeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuxigeen
m.l la-mid: kuxige.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuxigeen
m.l la-mid: kuxige.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuxigeen
-ka: (magac, lab, keli) qof masuul ah, qofka ku xiga oo kolkuu maqan yahay si sharci ah u sii haya jagadiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadweyn
m.l Riyaha intooda curada ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabxigeen
-ka: (magac, lab, keli) inta dabka ugu xigta ee u dhaw. Aloolku waa haylaan dabxigeen ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xigeen
n. phr., [expression] next to; deputy, assistant, vice-
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku xigeen
-ka: (n) deputy (dipyuti)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KU-XIGEEN
Vice
Deputy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_xigeen
de: next to; [ext.] deputy, assistant, vice-
lx: ku xigeen
pd: (-ka)
ps: np-expr
key: ku_xigeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhigeen
-ka: (magac, lab, keli) qofka ugu xiga nasab ahaan qof waxyeelo cidkale soo gaadhsiisay oo dhintay ama dhawaacmay. Dh: buddhige.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbixiyeen
m.l la-mid: cirbaxeen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirbixiyeen
-ka: (n) astronaut (aastaronoot) ~ cirbaxeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkaalxigeen
-ka: (magac, lab, keli) askari derejadiisu tahay saajin illaa saddex-xadhigle. Wa: saraakiilxigeenno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarkaal xigeen
n. phr. private
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarkaal_xigeen
de: private
initial: s
lx: sarkaal xigeen
ps: np
see: sarkaal kuxigeen
key: sarkaal_xigeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraddee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) U b.: cid wax siyaada ah siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraddee
v. cause to exceed original state
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraddee
(fal) eu dheeri sii, u biiri, u badi. Caddaalad ku shaqee cidna ha u burradayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraddee
cf: buro + daa
de: cause to exceed original state (e.g., make longer, bigger, more ~ faster)
lx: buraddee
pd: (buraddeeyey)
ps: v2b=tr
key: buraddee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyee
(fal) eeg caadiyay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cardigan
/kadhigan/ (n) funaanad ama meesojaako suuf ah oo hoos guluusyo ku leh, xabadkana ka furan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cardigan
/kardhigan/ (n) funaany hoos galluus ku leh, korny ku furung.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cardigan
cardigan, n.m. - Jubbad balawar
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
curative
(n) an agent that helps overcome a disease and promote recovery,
daawo caawis ka raysashada jirada iyo dedejinta bakusashada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraddeyn
(Buraddeyn-ta)
(u buraddeyn) Dheeri siin; u badin; u burin; buraddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraddeyn
m.f.dh eeg buraddee. la-mid: buraddeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) u burin oo u badin; wax siyaado ah hoos u siin. Buraddeynta dadka ha barin.
buraddeyn -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) dheeri siin, u biirin, u badin. Caddaalad ku shagee oo burraddeyn qofna ha siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabiyee
f.g/mg2 (-yeeyay, -yeysay) 1. (f.mg) Af Carbeedka ku hadlid. 2. (f.mg) Carab is macnayn. 3. (f.g) la-mid: carabee. la-mid: carabee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carabiyee
v. write ~ say in Arabic; do something in Arabic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabiyee
(fal) Carabi ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carabiyee
de: write ~ say in Arabic; do s.t. in Arabic
lx: carabiyee
pd: (carabiyeeyey)
ps: v2b=tr
key: carabiyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbaxeen
m.l (-nno m.dh) Qof aqoon u leh duulinta ama hoggaaminta dayaxgacmeedka. la-mid: cirbixiyeen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirbaxeen
m.l (-nno m.dh) Qof aqoon u leh duulinta ama hoggaaminta dayaxgacmeedka. la-mid: cirbixiyeen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirbaxeen
-ka: (n) astronaut (aastaronoof) ~ cirbixiyeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbaxeen
-ka: (magac, lab, keli) aaladda ama qofka cirka sare u baxa. Dh: cirmareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbexeen
m. n., [compound] astronaut
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbexeen
a: cirbaxeen
de: astronaut
lx: cirbexeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: cirbexeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curadnimo
(Curadnima-da)
Curad ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadnimo
m.dh Curad ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curadnimo
f. n., [abstract] state of being the first born
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadnimo
-da: (magac, dhedig, keli) curad ahaan; carruurta reerka kan ugu weyn ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curadnimo
de: state of being the first born
lx: curadnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: curadnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) la-mid: dheddigee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaddigee
v. make feminine; circumcise (a girl); bear female offspring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddigee
(fal) gabadh yar xalaalee oo baarada ka goo. Inanta dhaddigee oo fircoonina ha ku samayn. Dh: gud.
dhaddigee: (fal) ilmo dhedig dhal. Dh: dhedigee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaddigee
de: make feminine; circumcise (a girl); bear female offspring
lx: dhaddigee
pd: (dhaddigeeyey)
ps: v2b=tr
see: dheddigee
key: dhaddigee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradiree
(fal) dad isku dir.
diradiree: (fal) ciyaar oo sida dameeraha u biqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaxireen
m.l (-nno, m.dh) la-mid: biyaxir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaxireen
m.l (-nno, m.dh) la-mid: biyaxir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyaxireen
m. n., [compound] dam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyaxireen
-ka: (n) dam (dhaam); embankment (em baangk-ment); dike ~ biyoxireen, biyoxidh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyaxireen
a: biyaxidheen ~ biyoxireen
de: dam
lx: biyaxireen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyaxireen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabiyeyn
m.dh eeg carabiyee. la-mid: carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Carabi ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh yar xalaalayn oo baarada ka jarid. Dh: gudid.
dhaddigeyn -ta: (magac, dhedig. keli) dhedig badan oon lab ku jirin dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Dad wax isaga sheegid si ay u coloobaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diraddiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Dad wax isaga sheegid si ay u coloobaan. m.dh, diraddirayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraddiree
v. set people against each other, stir up conflict
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraddiree
de: set people against each other, stir up conflict
lx: diraddiree
pd: (diraddireeyey)
ps: v2b=
key: diraddiree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraatikeen
(Faraatikeen-ka)
(cudur) ilmasideenka oo madaxa keena ama soo wada dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraatikeen
m.l Keenidda ilmasidka geelu foodda soo muujiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraatikeen
m. n., [compound] complication in childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraatikeen
-ka: (magac, lab, keli) cudur sababa ilmasideenku inuu soo dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraatikeen
de: complication in childbirth
lx: faraatikeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: faraatikeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsul xigeen
m.l (-nno, m.dh) (taar.) Ninka ku xiga qunsulka (arrimaha qunsulliyadda).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunsul-xigeen