curadxige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadxige
m.l/dh (-gayaal, m.l/dh) Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. la-mid: curadxigeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadxige
-ha: (magac, lab, keli) curadka kan ka yar oo ku dhalasho xiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadxigeen
m.l/dh la-mid: curadxige.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curadxigeen
m. n., [compound] second-born child of the family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadxigeen
-ka: (magac, lab, keli) ilmaha curadka ka daba dhasha ee ka yar. Gabadhayda curad waxa la yidhaa Ceebla', curadxigeenkana Cumar. Wa: curadxigeenno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curadxigeen
a: curadxige (/ha) [n-m]
de: second-born child of the family
lx: curadxigeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: curadxigeen
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
secondogènito
s.m. - curadxigeen.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
curative
(n) an agent that helps overcome a disease and promote recovery,
daawo caawis ka raysashada jirada iyo dedejinta bakusashada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curadnimo
(Curadnima-da)
Curad ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadnimo
m.dh Curad ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curadnimo
f. n., [abstract] state of being the first born
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadnimo
-da: (magac, dhedig, keli) curad ahaan; carruurta reerka kan ugu weyn ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curadnimo
de: state of being the first born
lx: curadnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: curadnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraafiye
m.l/dh (-yayaal, m.dh) la-mid: curraaf¹.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cradle
/kreydhal/ (n) 1. sariirta carruurta, ee lugu ruxi karo. (n) 2. bar-biloowga (asalka wax ka bilaabmaan). (v) 3. gacmaha ku qabasho, sida cunug labada gacmood lugu qaado.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
curare
v.tr. - daweyn; baxnaanin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
curate
/kiyurit/ (n) kaaliye wadaad kaniisadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdin
m.l la-mid: curdan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdin
-ka: (magac, lab, keli) caarada hore ee caleen cusub oo hadda baxday oo aan weli adkaan. Dh: curdan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
curdle
/kerdhal/ (v) burqo-noqosho, soo adkaansho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
curdle
v.tr. and v.i., fadhiisi, gadhoodhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curiye
curiye¹: m.l (-yayaal m.l/dh) (riw.) Qofka wax curiya.
curiye²: m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiimika) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92.
curiye³: m.l (-yayaal, m.l/dh) (naxwe) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curiye
curiye¹: m.l (-yayaal m.l/dh) (riw.) Qofka wax curiya.
curiye²: m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiim.) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92.
curiye³: m.l (-yayaal, m.l/dh) (naxwe) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Curiye
Element
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curiye
m. n., [collective] element {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curiye
-curiyaha: (n) [Chemistry & Physics] element (ele-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curiye
-ha: (magac, lab, keli) qof wax aan horay u jirin soo saara oo allifa. Dh: hindise.
curiye -ha: (magac, lab, keli) walax kimikeedka u yar oo saafi ah goonina isku taagi karta oo aan u kala soocmi karin wax ka sii fudud. Oksijinka iyo haydarojiinku waa curiyeyaal. Wa: curiyeyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curiye
de: element {chemistry}
lx: curiye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: curiye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
curiye
عُنْصُر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuxige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qof jago uga hooseeya cid kale. la-mid: kuxigeen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuxige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qof jago uga hooseeya cid kale. la-mid: kuxigeen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuxige
m. n. second in position; vice, deputy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuxige
-kuxigaha: (n) second-in- command; number two; deputy (dap yuti)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kuxige
Vice
Deputy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuxige
-ha: (magac, lab, keli) qofka qof ka horreeya toos ugu xiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuxige
a: kuxigeen (ka) [n2-m]
de: second in position; vice, deputy
lx: kuxige
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kuxige
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
radice
s.f. - xidid (geed).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cordage
cordage, n.m. - Xadhig.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
courage
/karij/ (n) geesinimo (dhiirranaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
courage
courage, n.m. - Dhiirrigelin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
courage
n., geesinimo, -adi, bili, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Harag ari cukad ka dhigid. la-mid: cokadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukadee
v. tan (goat skin leather)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cukadee
-yey / cukadaysay: (v) tan (toan); convert goat's hide into leather by tanning ~ magdee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukadee
(fal) eeg cukaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukadee
de: tan (goat skin leather)
lx: cukadee
pd: (cukadeeyey)
ps: v2b=
key: cukadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaago
(fal) «u ~» aad uga dhereg. Ka curaago caawaan sidii ceelka kuu dariye.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
curarsi
v.rifl. - isbaxnaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curjiye
-ha: (magac, lab, keli) qayb mishiinka ka tirsan oo hawada ama neefaha isku cadaadiya oo ururiya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gradire
s.m. - rabid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
prodige
prodige, adj. - wax la yaab leh oo la moodo in waxyaabaha dabiiciga ah ku lid tahay
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURXIYE
(Gurhiye) N Chenopodium procerum Moq. Chenopodiaceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
surdité
surdité, n.f. - dhaga la'aan; wax maqal la'aan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tradire
v.tr. - dhagrid, sirid, khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadiige
-ha: (magac, lab, keli) waddo cag ah oon gaaddiidu marin oo inta badan dadka lugaynayaa samaystaan. Wadiigo wadday ku geysaa waddana ceelbay ku geysaa. Dh: wadiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buddhige
(Buddhiga-ha)
Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buddhige
m. n. grave-man, one who places a dead person in a grave
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buddhige
de: grave-man, one who places a dead person in a grave
lx: buddhige
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: buddhige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraddee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) U b.: cid wax siyaada ah siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraddee
v. cause to exceed original state
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraddee
(fal) eu dheeri sii, u biiri, u badi. Caddaalad ku shaqee cidna ha u burradayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraddee
cf: buro + daa
de: cause to exceed original state (e.g., make longer, bigger, more ~ faster)
lx: buraddee
pd: (buraddeeyey)
ps: v2b=tr
key: buraddee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carabine
carabine, n.f. - Bunduq yar; Kaarabiin; Rayfal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo carbuunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daradhig
daradhig¹: m.l 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.
daradhig²: m.dh Sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daradhig
m.l 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daradhig
-ta: (magac, dhedig, keli) sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradire
-ha: (magac, lab, keli) eeg diradiraale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxige
-ha: (magac, lab, keli) miisaaniyadda dawladda iyo wixii la mid ah qaybta ay u sii kala baxdo mid ka mid ah oo la sii qaybshay middood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paradise
/paaradhays/ (n) 1. janno 2. meel raaxo badan (janno adduun ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
paradise
n., janno, -adi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
traduire
traduire, v. - isku badalid laba af; turjumid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhige
-ha: (magac, lab, keli) eeg bud-dhigeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagadhigo
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iyo wixi lamida dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagadhigo
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iyo wixi lamida dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid. m.f.dh, cagadhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagadhigo
(fal) is deji; miyir u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadweyn
m.l Riyaha intooda curada ah.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
curettage
(n) the removal of growths or other material from the wall of a cavity or other surface.
ka soo xuqo soo bixitaanka ama wax yaabo kale gidaarad daldaloolada
jidhka ama meelaha kale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddire
m.l la-mid: diraddirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabadhige
(Kabadhiga-ha)
Qori jilicsan oo kabatolaha loo dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabadhige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qori jilicsan oo kabaha marka la tolayo hoos looga dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabadhige
m. n., [compound] wooden block used by shoemakers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabadhige
-ha: (magac, lab, keli) qof marka uu madaxdiisa ama masuulkiisa arko khalkhala oo isku dhex daata. Dh: kabaside.
kabadhige: -ha: (magac, lab, keli) qoriga kabatoluhu kabaha u dhigo marka uu tolayo. Kaboolihii kabadhigihii baa ka jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabadhige
de: wooden block used by shoemakers
lx: kabadhige
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: kabadhige
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KURAARIYE
(Kurare) May Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suradrare
-ha: (magac, lab, keli) xarig dheer oo saan ka samaysan oo wax lagu raro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
contraddire
v.tr. - isburin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadkabiir
-ka: (magac, lab, keli) dharka waaraadka ah ee mitir labajibbaarkiisu afarta dhinac is le'egyahay halka curadsaqiirku dhinac u dheer yahay. Dh: curadweyne. Li: curadyare. Wa: curadkabiirro.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Curved line
Xarriiq xoodan