curadkabiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadkabiir
-ka: (magac, lab, keli) dharka waaraadka ah ee mitir labajibbaarkiisu afarta dhinac is le'egyahay halka curadsaqiirku dhinac u dheer yahay. Dh: curadweyne. Li: curadyare. Wa: curadkabiirro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faskabiir
-ka: (magac, lab, keli) safaayadda maydiga, nooca xabagta dhexe ah oo mushaadka na ka yar fasaqiirka na ka weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabaabi'id
-da: (magac, dhedig, keli) cadho hore, meel aan loo qabin kula dhicid; cadho ka bi'id. Dh: cadhaburburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaabid
(Cadaabid-da)
Cadaab ku ridid; kadeedid; saxariirin; naarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaabid
m.f.dh eeg cadaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo saxariirin; dhib gaadhsiin.
cadaabid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay' cadaab ku ridid; naarta geyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camasiir
f. n. large intestine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camasiir
bw: Arabic
cf: mindhicir
de: large intestine
lx: camasiir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: camasiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraacir
m.l la-mid: caraacar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudadaar
-ka: (magac, lab, keli) gef qof sameeyay wixii sababta u ahaa oo loo garaabi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culaabin
(Culaabin-ta)
Culaab u yeelid; culaabeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabin
m.f.dh eeg culaabi. la-mid: culaabeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) culays dulsaarid. Dh: culaysin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo carbuunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdansi
m.l la-mid: curdansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duraabid
m.f.dh eeg duraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursariir
m.l la-mid: bursaaliid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camaajiir
(Camaajiir-ka)
Midab caddaan iyo madow isku dhafan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camaajiir
m.l Midab caddaan iyo madow ama caddaan iyo casaan isugu jira oo ay yeeshaan lo'da iyo riyaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camaajiir
m.l Midab caddaan iyo madow ama caddaan iyo casaan isugu jira oo ay yeeshaan lo'da iyo riyaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camaajiir
m. n., [collective] indistinct spotted color pattern
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camaajiir
-ka: (magac, lab, keli) midab caddaan iyo madow isku jira ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camaajiir
cf: carwaajiis
de: indistinct spotted color pattern of perceptually close colors (e.g., light gray on white, brown on red) found on cloth or livestock;
lx: camaajiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: camaajiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaasiir
m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaasiir
m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaasiir
f. n., pl. evils [pl.] ; radical, member of the opposition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaasiir
-ta: (n) [plural of cunsur] elements
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaasiir
-ta: (magacwadareed) koox wax kharribta oo aan khayr lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaasiir
bw: Arabic
de: evils [pl]; [fig.] radical, member of the opposition
lx: canaasiir
pd: (-ta Sg: cunsur)
ps: n8-f-pl
key: canaasiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carajabid
-da: (magac, dhedig, keli) cadhaburburid; cadhajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cudaddaar
(Cudaddaar-ka)
Arrinta ama sababta qof gef uga dhacay, oo caddaynaya inuusan u kasin ama ay garti tahay; wax laysugu garaabo; marmarsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudaddaar
m. n. justification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cudaddaar
-ka: (n) excuse (ekis-kiyuus); justification (jasti-fikey-shin) ~ cudurdaar, cududaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cudaddaar
bw: cudurdaar
de: justification
lx: cudaddaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: cudur (2), marmarsiinyo
key: cudaddaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curadnimo
(Curadnima-da)
Curad ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadnimo
m.dh Curad ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curadnimo
f. n., [abstract] state of being the first born
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadnimo
-da: (magac, dhedig, keli) curad ahaan; carruurta reerka kan ugu weyn ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curadnimo
de: state of being the first born
lx: curadnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: curadnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadxige
m.l/dh (-gayaal, m.l/dh) Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. la-mid: curadxigeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadxige
-ha: (magac, lab, keli) curadka kan ka yar oo ku dhalasho xiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdadiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar gabay leh oo lagu ciyaaro fadhiga oo keliya, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah shareero iyo daf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraamiir
(Maraamiir-ka)
Kalluun gadiirka u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraamiir
m.l (cilmiga naflayda) Nooc mallaayga gadiirka u eg oo badda Soomaaliyeed ku badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraamiir
m.l (cilmiga naflayda) Nooc mallaayga gadiirka u eg oo badda Soomaaliyeed ku badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraamiir
m. n. medium-sized fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraamiir
-ka: (magac, lab, keli) kalluun gadiirka u eg. Maraamiir baan soo kalluumaystay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraamiir
cf: gadiir
de: medium-sized fish sp. (found in abundance along the coast of Somalia even when other fish are scarce)
lx: maraamiir
pd: (-ka)
ps: n-m
key: maraamiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaabiir
-ta: (magacwadareed) dad xil ahaan cilmi ahaan, diin ahaan ama sharaf ahaan lagu weyneeyo. Shirka waxa iskugu yimid qabaabir. Dh: qammaammur, jabbaabiir; qamaamuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xadaafiir
(Xadaafiir-ta)
1. Dhul kulul oo qafro ah.
2. Dhib; hawkar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadaafiir
m.dh (-ro, m.l) Dhib; hawkar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadaafiir
f. n. hot desert country
xadaafiir [feminine] n. hardship, difficulty; affliction, torment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaafiir
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul kulul oo qarfe ah. Meel xadaafiir ah ayaan soo marnay. Dh: oommane.
xadaafiir-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato badan; tacabka iyo daalka ay hawshu keento. Lugi iney xadaafiir tahaan soo xaqiiqsadaye. Dh: mashaqo, leelleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caradhaban
(Caradhaban-ka)
Nabar oogada ku dhaca, oo dhaawaca, xanuunkiisa hore; xanfaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caradhaban
m.l Xanuun hanfaf leh oo oogada laga dareemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caradhaban
m. n., [collective] sharp pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caradhaban
-ka: (magac, lab, keli) nabar oogada ku dhacay oo dhaawacay, xanuunkiisa hore. Dh: xanaf, xanfaf, hanfaf, caaradhaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caradhaban
de: sharp pain
lx: caradhaban
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: caradhaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabixis
m.l.u la-mid: cuddabbixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quwadjab.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carabaabbi'
-yey / say: (v) help someone to calm down from emotional agitation; relieve, or ease someone's anger; comfort (kam-fort)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqdhabiil
(Fuuqdhabiil-ka)
Dhabiishiisu aad u daran tahay oo aan oggolayn in wax yarina seegaan; qorqode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqdhabiil
m.l.kh (-llo, m.dh) Qof aad u dhabiil badan oo aan oggolayn in ay waxyar dhaafaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuqdhabiil
m. n., [compound] mean ~ interfering person, fussy employer, selfish husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqdhabiil
-ka: (magac, lab, keli) qof dhabiiltankiisu uu aad u daran tahay oo aan oggolayn in wax yarina seegaan ama dhaafaan. Dh: bakhayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuuqdhabiil
de: mean ~ interfering person, fussy employer, selfish husband
lx: fuuqdhabiil
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: fuuqdhabiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąalad-kabniin
m.dh (-do-kabniin, m.l) (daawo) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdandhadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wade, geed iyo wixii la mid ah, curdin ahaan ku dhadhid ama cawdh noqosho.