cuquule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquule
(Cuquula-ha)
Waxa qaybta loo lee yahay oo la ogaado oo la sugo; dhabiil; (ama cuquul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquule
m.l Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuquule
m. n. hope, expectation, trust (in receiving something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquule
-ha: (magac, lab, keli) waxa qaybta loo leeyahay oo la ogaado oo la sugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuquule
de: hope, expectation, trust (in receiving s.t.)
lx: cuquule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cuquule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquulee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax in la helo rajo ka qabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuquulee
v. expect, hope (to receive something)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuquulee
de: expect, hope (to receive s.t.)
lx: cuquulee
pd: (cuquuleeyey)
ps: v2b=
key: cuquulee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquul
(Cuquu-sha)
Cuquule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquul
m.dh.w eeg caqli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuquul
f. n., pl. elders, wise men
cuquul [feminine] n., pl. types of intelligence, kinds of wisdom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuquul
-cuquusha: (n) 1. influential members of a family, tribe, or community ~ caaqil 2. [plural of caqli-ga] intellects (intal-lektis) ~ maskax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquul
-sha: (magac, dhedig, keli) wax yar oo dhabiilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarraysimo
(Jarraysima-da)
Qof ama meel wax ka filad; cuquule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunguriyee
cf: cuquulee, damac
de: long for in vain; be tempted
lx: hunguriyee
pd: (hunguriyeeyey)
ps: v2b=tr
key: hunguriyee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuquul_1
de: elders, wise men
hm: 1
lx: cuquul
pd: (/sha Sg: caaqil)
ps: n8-f-pl
key: cuquul_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuquul_2
de: types of intelligence, kinds of wisdom
hm: 2
lx: cuquul
pd: (/sha Sg: caqli)
ps: n8-f-pl
key: cuquul_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqle
-ha: (magac, lab, keli) min ka mid ah minanka faalka. Dh: uqle.
cuqle-ha: (magac, lab, keli) qof cadho iyo xumaan badan oo aan cabasho kala joojin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUULE
(Kule) NFD Acacia edgeworthii T. Anders. Mimosaceae.
NFD Acacia turnbulliana Brenan. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buquul
m.l la-mid: baqal¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buquul
f. n., pl. mules
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buquul
de: mules Sg: baqal
lx: buquul
pd: (/sha)
ps: n8-f-pl
key: buquul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid nabsiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquulayn
(Cuquulayn-ta)
Dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquulayn
m.f.dh eeg cuqulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala dhabiilid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUSKUULE
(Buskule) N Zygophyllum decumbens Del. Zygophyllaceae.
N Fagonia socotrana (Balf.F) Schweinf Zygophyllaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuguule
-ha: (magac, lab, keli) shimbir af dhuuban go dhoor dheer madaxa ku leh oo si gaar ah u ciya guu… guu. Guuguulihiiyow haddaad gu'ga u ooyeyso, abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kalee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuuxuule
nickname; name-m (onomatopoeic). Lit: the one who was born with a whooping cough
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yurqudle
m.l (-layaal, m.l/dh) Waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yurqudle
-ha: (magac, lab, keli) waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuqjuuqle
-ha: (magac, lab, kali) xayawaan xoorka la bah ah oo kooxo u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuul
f.mg1 (-uulay, -uushay) Wax hullaab ku qarin (qof).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUUL
(Gul) May Schizachyrium kelleri (Hack) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uqle
-ha: (magac, dhidig, keli) min ka mid ah minanka faalka. Haddii la dhigo oo uu soo hadho wuxuu u daran yahay nin daranyo hayso. Nin wax haystana wadkii weeyaan. Dh: cuqleh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqul
buqul¹: m.l (-llo, m.dh) Haruub yar oo dhallaanka caanaha lagu siiyo; dhoqol.
buqul²: m.dh Dhiil yar oo caanaha loogu shubo dhallaanka; dhoqol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buqul
f. n. small vessel, receptacle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqul
-ka: (magac, lab, keli) dhiil yar oo caanaha lagu shubto ama lagu liso. Buqul caano laguugu shub. Dh: aagaan.
buqul -ka: (magac, lab, keli) dhiisha furka lagu aabbudho. Burge iyo waxaa ii arrimin buqulkii gaabnaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buqul
a: bukur
de: small vessel, receptacle
lx: buqul
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: buqul
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUULE
(Bule) S,C Dasysphaera robecchii Lopr., Amaranthaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cuuke
nickname-m one with a protruded Adams apple. Cf: Cawke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duule
(Duula-ha)
1. Habaar-qabe; lala-tage; alla-qaad.
2. Ku colka duullaanka ah kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duule
duule: m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhibaato badan, dhallin yar.
dųule: m.l (-layaal, m.l/dh) Col; qof dųulaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duule
m. n. aggressor, attacker, invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duule
ama Duulaan, wiil dhashay xilli uu aabihii duullaan tegayay ama ku maqnaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo mid duula oo cadawga weerara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duule
de: aggressor, attacker, invader
lx: duule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuule
(Fuula-ha)
1. Docda fardaha laga fuulo.
2. Kan fuulaya ama fuula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuule
m. n. rider, horseman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuule
-ha: (magac, lab, keli) dhinaca ama docda fardaha laga fuulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuule
de: rider, horseman
lx: fuule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fuule
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guule
name-m giver of victory; God (pagan name)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqle
m.l la-mid: Muqlay; muqlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqle
m. n. resin producing tree species; resin of such a tree
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUQLE
(Muglai) C, NFD, 0g, May, S Boswellia microphylla Chiov. Burseraceae.
C, N Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.
N Commiphora trucata Engl. Burseraceae.
C Boswellia rivae Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqle
-ha: (magac, lab, keli) cudur shilin la yidhaa oo xoolaha ku dhaca oo ay dhici karto in shilin qaniintayi sababto, Dh: shilin, shilinow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqle
a: muqlay
de: resin producing tree sp.; resin of such a tree
lx: muqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: muqle
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nuque
nuque, n.f. - Tunka; luqunta gadaasheeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuqul
m.l (-llo, m.dh) Sawir ama koobi laga sameeyo qoraal asal ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuqul
m.l (-llo, m.dh) Sawir ama koobi laga sameeyo qoraal asal ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuqul
m. n. copy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuqul
-ka: (n) copy (koopi), photocopy (footokaapif, duplicate (duu-pilikeeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuqul
-ka: (magac, lab, keli) qoraal koobbi ah oo mid kale laga minguuriyay. Dh: niqil, koobbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuqul
bw: Arabic
de: copy
lx: nuqul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: nuqul
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quale
agg. e pron. kee, tee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quble
(Qubla-ha)
1. Roob aan kicinna dhabna u di'in.
2. Neef tuman oo aan wax rimin; malloolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quble
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. la-mid: qoble. Roob muddo dheer da'a oo aan biyo badan lahayn. 2. Neef lab oo la dhufaanay; mallooli. 3. Neef aad u caato ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quble
m. n. soft, steady rain
quble m. n. castrated ~ impotent animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quble
-ha: (magac, lab, keli) lab xiniinyaha laga qu tumo ama laga saaro oo aan goodh ahayn. Dibi que quble ah ayaa beerta lagu godaa. Dh: mallooli, bohon. Li: qoodh.
quble-ha: (magac, lab, keli) roob aan si buuxda u di'in. Roobku waa quble oo weli aad uma curan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuse
m.l (-sayaal, m.l/dh) Qof biyaha inta quusa muddo badan ku jiri kara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuse
m. n. diver, frogman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quuse
-quusaha: (n) diver (dhaay-ver) ~ tiinbade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuse
-ha: (magac, lab, keli) qof biyaha intuu dhex muquurto muddo badan ku jiri kara
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuse
de: diver, frogman
lx: quuse
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: quuse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suqul
(Suqu-sha)
Gooryaan yaryar oo dadka iyo duunyadaba caloosha ka gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suqul
m.dh Habaas; firo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suqul
f. n. tiny intestinal worm species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suqul
-sha: (magac, dhedig, keli) gooryaan yaryar oo duunyada iyo dadka caloosha ka gala, gooryaan calooleed. Dh: dulun.
suqul -sha: (magac, dhedig, keli) isha hadhuudhka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suqul
cf: gooryaan
de: tiny intestinal worm sp.
initial: s
lx: suqul
pd: (/sha)
ps: n-f
key: suqul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uquun
-ka: (magac, lab, kali) wax la cuno. Uquunkii buu iga hor joogsaday. Dh: urquun, quud.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Uurle
enceinte (femme).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
uvule
uvule, n.m. - hilib-dalqe.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buulle
nickname-m hut owner, nestler; lit: hut owner or he who lives in a nest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulle
-ha: (magac, lab, keli) qof buul iyo dhogor jirkiisu ku rogantahay. Dh: timo, duf, dogor. buulle: magac ama naanays loo baxsho wiil timo weyn oo buul u eg leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Couple
Sidig
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
couple
/kapal/ (n) 1. labo (laba qof ama laba-shay). (n) 2. lammaane (laba qof oo is-qaba ama wada socda) (n) 3. dhawr (xoogaa).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Couple
Dhawr
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
couple
couple, n.m. - Laba qof ama laba shay (Nin iyo Naag).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cuddle
/kadhal/ (v) hab-siin (qof ama wax hab la sliyo, ama kor loo qaado oo xabadka la saaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culuun
m.dh 1. la-mid: cilmi. 2. w. cilmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culuun
f. n., pl. subjects; sciences
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culuun
-ta: (n) science (saaynis); natural science; scientific knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culuun
-ta: (magacwadareed) aqoonta guud ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culuun
de: subjects; sciences
lx: culuun
pd: (-ta Sg: cilmi (ga))
ps: n8-f-pl
key: culuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqaal
m.dh.w eeg caaqil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqaal
-ka: (magac, lab, keli) oday dhaqameed.
cuqaal-sha: (magacwadareed) dad wax garad ah oo ay talo ka go'do.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cuqayl
name-m wise, intelligent
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuqubo
(Cuquba-da)
Eedsiis; hoog; inkaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqubo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn, cid ku dhacda oo kaga timaada nabsi uu galay.