cuqubee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid nabsiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquulee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax in la helo rajo ka qabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuquulee
v. expect, hope (to receive something)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuquulee
de: expect, hope (to receive s.t.)
lx: cuquulee
pd: (cuquuleeyey)
ps: v2b=
key: cuquulee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) U q.: cid biyo ugu mayrid. la-mid: qabee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) U q.: cid biyo ugu mayrid. m.f.dh, qubayn. la-mid: qabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuqubo
(Cuquba-da)
Eedsiis; hoog; inkaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqubo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn, cid ku dhacda oo kaga timaada nabsi uu galay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuqubo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn, cid ku dhacda oo kaga timaada nabsi uu galay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuqubo
f. n. curse, malediction; misfortune
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuqubo
-cuqubada: (v) a misfortune reaction to an earlier action; backlash punishment (baak laash panashment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqubo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caaqilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuqubo
de: curse, malediction; misfortune
lx: cuqubo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cuqubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo. m.f.dh, cusbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusbee
v. salt something, put salt on, pickle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusbee
-yey / cusbaysay: (v) add season, or sprinkle with salt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbee
(fal) eeg cusbay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusbee
de: salt s.t., put salt on, pickle
lx: cusbee
pd: (cusbeeyey)
ps: v2b=tr
key: cusbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huubee
(fal) huubaha ka dhabaandhab oo ka daadi. Dh: faaruqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquule
(Cuquula-ha)
Waxa qaybta loo lee yahay oo la ogaado oo la sugo; dhabiil; (ama cuquul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquule
m.l Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuquule
m.l Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuquule
m. n. hope, expectation, trust (in receiving something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquule
-ha: (magac, lab, keli) waxa qaybta loo leeyahay oo la ogaado oo la sugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuquule
de: hope, expectation, trust (in receiving s.t.)
lx: cuquule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cuquule
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u qubee
v. bathe ~ wash someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_qubee
de: bathe ~ wash s.o. {C & S}
initial: u
lx: u qubee
pd: (qubeeyey)
ps: v2b=expr
key: u_qubee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Caano, buqbuqo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buqbuqee
v. sour, go sour (of milk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqee
(fal) caano dhay ah iyo kuwa ciir ah isku dar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buqbuqee
de: sour, go sour (of milk)
lx: buqbuqee
pd: (buqbuqeeyey)
ps: v2b=
key: buqbuqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqibee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax caaqibo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqibee
v. assist, help (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibee
(fal) caaqibo u gal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaqibee
de: assist, help (out)
lx: caaqibee
pd: (caaqibeeyey)
ps: v2b=
syn: itataabee
key: caaqibee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cucumber
/kyuukambar/ (n) qajaar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cucumber
n., khiyaar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) la-mid: culaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaabee
v. make heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaabee
-yey / culaabaysay: (v) make heavy; put on weight ~ culaabi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culaabee
de: make heavy
lx: culaabee
pd: (culaabeeyey)
ps: v2b=
key: culaabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqdadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid cuqdad ku beerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuqdadee
v. cause someone to have phobias, inject fear into
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqdadee
(fal) eeg cuqdaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuqdadee
de: cause s.o. to have phobias, inject fear into
lx: cuqdadee
pd: (cuqdadeeyey)
ps: v2b=
key: cuqdadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqubayn
m.f.dh eeg cuqubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqjuqee
(fal) eeg juqjuqay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qulubeen
name-m disturbed, gloomy, depressed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulubeen
magac loo bixiyo wiil dhiblaw ahaa kolkii uu yaraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tugumbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Cid tugumbo la dhicid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Yurubeed
(adj) European (yu-ru-piyan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulqulbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab yar oo loo isticmaalo cabbirka quwadda qulqulka danabka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cube
Saddex jibbaarane
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cube
Saddex jibbaarane
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cube
/kiyuub/ (n) 1. lix-geesle (lix-dhinacle) (n) 2. saddex-jibbaar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cube
cube, n.m. - Walax saddex dhinac leh: saddex jibbaar (4x4x4 = 64)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cucub
(Cucub-ka)
Cubcub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cucub
cucub¹: m.l la-mid: cubcub¹.
cucub²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: cubcub².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cucub
m. n. 'milk skin'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cucub
-ka: (magac, lab, keli) eeg cubcub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cucub
de: 'milk skin'
lx: cucub
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: cubcub
key: cucub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: gufee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: gufee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cufee
v. stuff, plug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cufee
-yey / cufaysay: (v) stop up; insert something as a plug; plug (palaag), staff ~ cub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufee
(fal) eeg cufay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cufee
de: stuff, plug
lx: cufee
pd: (cufeeyey)
ps: v2b=
key: cufee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqle
-ha: (magac, lab, keli) min ka mid ah minanka faalka. Dh: uqle.
cuqle-ha: (magac, lab, keli) qof cadho iyo xumaan badan oo aan cabasho kala joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curub
m.dh (-byo, m.dh) Doog aad u jilicsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Curub
Chapter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curub
-ta: (magac, dhedig, keli) laanta marka ay cusubtahay. Curub ayaan soo jaray. Dh: yurub, curdin. Li: gahayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusub
Kolkaas ama kol dhow la sameeyey; aan hor u jiri jirin; aan duug ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusub
f.mg4 (-sbaa, -sbayd; cuscusub) 1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusub
f.mg4 (-sbaa, -sbayd; cuscusub) 1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho. m.f.dh, cusbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusub
[adjective] new, fresh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusub
-aa / ayd: (adj) new (niyuu) ~ bac ah. —Syn: fresh, novel, newfangled, original, brand new cutub -ka: (n) [Pl. cutubyo-da] chapter (japter); unit (yuunit) ~ cuntub
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cusub
Nuovo
New
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusub
(tilmaame) wax kolkaas ama dhowaan la sameeyay; aan hore u jiri jirin; aan duug ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusub
cf: cusayb
de: new, fresh Opp: duug
lx: cusub
pd: (cusbaa Pl: cuscusub)
ps: adj
key: cusub
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cusub
جديد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cutub
(Cutub-ka)
Cuntub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cutub
m.l la-mid: cuntub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cutub
m.l la-mid: cuntub.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cutub
Chapter
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cutub
m. n. small group of people; handful; military unit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cutub
-ka: (magac, lab, keli) hurin ciidan ah; koox, hormo, cuntub.
cutub -ka: (magac, lab, keli) bul jilicsan oo cad oo laga guro geedka cudbiga. Dh: cudbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cutub
a: cuntub
de: small group of people; handful; military unit
lx: cutub
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cutub
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cuuke
nickname-m one with a protruded Adams apple. Cf: Cawke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuyub
(fal) si aan sidii habboonayd ahayn, u dhig.
cuyub -ka: (magac, lab, keli) alaab iyo wixii la mid ah oo isku curduduuban; aan si wanaagsan u oollin. Arrimuhu cuyubanaa! Li: habaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qeysay) 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qeysay) 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho. m.f.dh, duqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duqee
v. hit, crash, run over; pound, knock; annoy, criticize negatively; attack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqee
-yey / duqeysay: (v) 1. collide (kolaaydhy crash (karaashy make a dent in. 2. bombard (bam-baardh); attack with bombs, shells, or missiles ~ rushee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqee
(fal) madaafiic meel ku garaac.
duqee: (fal) meel ama wax kale, jiidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duqee
de: hit, crash, run over; pound, knock; [ext.] annoy, criticize negatively; attack
lx: duqee
pd: (duqeeyey)
ps: v2b=
xe: The plane crashed into ( ~ attacked) the statue.
xv: Diyaarad baa duqeesey taalladii.
key: duqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guube
(Guuba-ha)
Gube.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guube
m.l Xuub weyn xab ka buuxo oo ka soo horreeya ilmaha dhalashadiisa (geel). la-mid: gube.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guube
m. n. afterbirth, placenta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guube
-ha: (magac, lab, keli) xuub weyn oo xab casi ka buuxo oo ilmaha dhalanaaya iyo madheerta u dhexeeya.