cunwaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunwaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Magaca la siiyo buug, maqaal iyo wixi lamida oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. la-mid: cinwaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunwaan
m. n. address; title (of book)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunwaan
-ka: (n) address (adarees) ~ ciwaan-ka, adarees
cunwaan -ka: (n) headline (heedh laayn); title (taaytal); heading (heedhing) ~ cinwaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunwaan
de: address; title (of book)
lx: cunwaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: name and address
xv: magac iyo cunwaan
key: cunwaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinwaan
m.l (-nno m.dh) la-mid: cunwaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cinwaan
m. n. adress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cinwaan
-ka: (n) address (adarees) ~ ciwaanka, adarees ~ cunwaan
cinwaan -ka: (n) headline (heedhlaayn)-, title (taaytal); heading (heedhin) ~ cunwaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cinwaan
bw: Arabic
de: address
lx: cinwaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: adrees
key: cinwaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cinwaan
عُنْوَان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunnaan
m.f.dh eeg cunan. la-mid: cunnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunug
cunug¹: m.l (-gyo, m.dh) Ilma yar oo lab, wiil. cunug²: m.dh (-gyo, m.dh) Ilmo yar oo dheddig. cunwaan m.l (-nno, m.dh) 1. Magaca la siiyo buug, maqaal iyo wixi lamida oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. la-mid: cinwaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
RUG GANACSI
Camera di Commercio
Chamber of Commerce
Waa Hay'ad maamusha xiriirka ganacsi ee dhexmara ganacsatada dalka iyo kuwa dibedda, waxaana hawlaheeda ka mid ah inay adduunka ku faafiso waxa dalku ganacsi dibeddeed u dhoofin karo, iyo inay ganacsatada dalka soo gaarsiiso cunwaannada meelaha ay wax u dhoofin karaan, kana keeni karaan. Waxaa intaas u dheer inay hadba abaabusho carwo lagu soo bandhigo dhammaan khayraadka dalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunitaan
m.l Sida gasiinka loo cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunitaan
m.l Sida gasiinka loo cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) wax cunid ama dilidda uu bahalku xoolo, dad, iyo wixii la mid u dishoodo oo hilibkooda cuno. Dh: cunniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunaa
(Cunaa-ga)
Cunto badan cuna; aad wax u cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunaa
m.l C. ah: qof aad u cir weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunaa
m.l C. ah: qof aad u cir weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunaa
m. n. big eater
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunaa
-ga: (n) eater (zzter); big eater
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunaa
-ga: (magac, lab, keli) dugaag ama qof aad wax u cuna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunaa
de: big eater
lx: cunaa
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: cunaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunan
f.mg4 (-unnaa, -unnayd) Wax la cunay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunan
(tilmaame) wax la cunay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaan
(Canaan-ta)
Hadal kulul oo lagu yiraahdo qof wax ba'shey ama wixii la faray diidey ama isku-laday; xaarxaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaan
f. n. reprimand, scolding, abuse; bad language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaan
-ta: (n) admonishment (adh-moosh-ment); reproof (ri-puruuf)', reprimand (rep-ra-mend); censure (shen-shar); criticism (kiriti-siizim)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANAAN
Rimprovero
Reprimand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canaan
Rimprovero
Reprimand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kulul ula hadlid ama la diririd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaan
de: reprimand, scolding, abuse; bad language
lx: canaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: canaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawaan
(Cawaan-ta)
Dadka aan diinta lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaan
m.l (cawaan, m.dh) 1. Dad jaahil ah oo aan diin lahayn. 2. Qof, qof kale hiil iyo hooba la garab taagan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawaan
m.l (cawaan, m.dh) 1. Dad jaahil ah oo aan diin lahayn. 2. Qof, qof kale hiil iyo hooba la garab taagan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawaan
-ka: (n) person who is regarded as irreligious, uncivilized, or unenlightened; pagan (pey-gan); heathen (hii-than) ~ majuusi, diinlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aan waxba ka garanayn xagga sharciga oo jaahil ka ah.
cawaan-ka: (magac, lab, keli) jaadka iyo nooca uu wax yahay. Dh: isir.
cawaan: (tilmaame) qof aan diin haysan ama aanay weli gaadhin. Dh: majuusi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuntan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid. m.f.dh, cuntamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuntan
v. be agreeable, delicious, fit to eat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuntan
- u cuntamin: (v) be acceptable; satisfy (satisfaay) Ex: arrintaas nooma cuntanto; this case isn't acceptable to us
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntan
(fal) (u ~) u qalan; ku habboonaw.
cuntan -ka: (magac, lab, keli) «u ~» u qalmid; ku habboonaan; istaahilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuntan
de: be agreeable, delicious, fit to eat
lx: cuntan
pd: (cuntamay)
ps: v1=
xe: yahay It is unacceptable' [fig]
xv: Waa cuntami la
key: cuntan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuwaaf
m.dh Cunto yar oo khafiif ah oo la cuno inta u dhexeysa waqtiyada rasmiga ah ee wax la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuwaaf
m.dh Cunto yar oo khafiif ah oo la cuno inta u dhexeysa waqtiyada rasmiga ah ee wax la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuwaaf
-ta: (magac, dhedig, keli) cunta fudud oo la cuno maalinta gelinkeeda danbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
funaan
-ka: (magac, lab, keli) meel xaaluf ah ama abaari heshay, daaq ka raadin.
funaan -ka: (magac, lab, keli) xaabka dhulka ku hadha xilliyada abaaraha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunaan
-ka: (magac, lab, keli) socsocod aan ujeeddo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubbaan
m.l.kh C. ah: qof hanti badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubnaan
m.f.dh eeg cuban². la-mid: cubnaansho, cugnaan, cugnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufnaan
m.dh Layiignimo; cumur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufnaan
m.dh Layiignimo; cumur.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cufnaan
Density
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cuf iyo mug is raacsan oo ay walaxi leedahay waxana lagu cabirraa halbeegyada kiiloogaraamyo mitirkii sadexjibaaran (kgm3) waxana lagu xisaabin karaa isle'egtan: cufnaan (cf) = cuf (c) / mugga (m). biyuhu boqol jeer bay ka cufnaan badan yihiin hawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugnaan
m.dh la-mid: Cubnaan; culnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la culay ahaan; culnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culnaan
m.f.dh eeg culan. la-mid: cugnaan, cugnaansho, culnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel cugan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto afka gelin oo calalin, dabadeed na liqid. Dh: cuntayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntayn
m.f.dh eeg cuntee. la-mid: cuntays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curnaan
m.f.dh eeg curan. la-mid: curnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curyaan
(Curyaan-ka)
Qof lugaha wax ka gaareen oo aan fadhiga ka kici karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaan
curyaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.
curyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Qof labada lugood beelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curyaan
curyaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.
curyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Qof labada lugood beelid. m.f.dh, curyaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curyaan
m. n. cripple, handicapped person
curyaan [inchoative] v. become crippled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curyaan
-ka: (n) physically disabled person or one unable to use a limb or limbs; handicap (heendhikaap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaan
(fal) curyaan noqo; naafo noqo; xanniban.
curyaan -ka: (magac, lab, keli) qof labada lugood beelay oo aan kici karin. Ma ogtahay curyaankaba, cago looma waayine, caynkaa waxa loo yidhi, kuwa cararayee ladan, inay ku cibro qaataan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaan
m.f.dh eeg cusub. la-mid: cusayb (3), cusbaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax markaas la sameeyey oo cusub ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslaan
m.f.dh eeg culus. la-mid: culays, cuslaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuslaan
f. n., [abstract] heaviness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuslaan
-ta: (n) the act of being heavy; heaviness (heevines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuslaan
de: heaviness
lx: cuslaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cuslaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cusmaan
name: Osman, Ottoman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cusmaan
a: Cismaan
de: Osman, Ottoman
lx: Cusmaan
ps: name-m
key: Cusmaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sunwaaq
name-m sky God's poison
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunnaan
m.f.dh eeg uuman³. la-mid: uunnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uuman ahaan; wax la abuuray ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubitaan
-ka: (magac, lab, keli) gufayn; awditaan; cubniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax cufan ka dhigitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukanaan
(Cukanaan-ta)
Wax cukan ahaan; wabaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukanaan
m.f.dh eeg cukan. la-mid: cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukanaan
f. n., [abstract] state of having drunk its fill (of an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cokanaan; cokani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukanaan
de: state of having drunk its fill (of an animal)
lx: cukanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cukanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel, cugid oo hogayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaaran
(tilmaame) wax carbuunan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuulnaan
m.f.dh eeg cuulan. la-mid: cuulnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurnaan
m.f.dh eeg cuuran². la-mid: cuurnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funtaano
m.dh la-mid: foontaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
funtaano
f. n. fountain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
funtaano
-da: (magac, dhedig, keli) qalabka biyaha kor u tuura.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
funtaano
de: fountain {It}
lx: funtaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: funtaano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunwayne
-ha: (magac, lab, keli) qof tun weyn leh. tuq: (fal) aad u buuxi, oo tandhaafi. Dh: cabbee, foondhaafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waanwaan
(Waanwaan-ta)
Nabad yar oo ay kala dhigtaan labo qolo oo colaadi dhex taal; heshiis nabadeed oo kummeelgaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waanwaan
m.dh 1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waanwaan
m.dh 1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waanwaan
f. n. truce; preparations