cuntasumow
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuntasumow
m.l (daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunto-sumow
m.l (daawo) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnaxumo
-da: (magac, dhedig, keli) niyad u hayn la'aanta cunnada. Dh: cunnaxumi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
consumo
s.m. - idlayn (ta), isticmaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuntamid
(Cuntamid-da)
(u cuntamid) Cunto u noqon kara; u dhigmid; u qalmid; ku habboonaansho; istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntamid
m.f.dh eeg cuntan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntamid
-da: (magac, dhedig, keli) u qalmid; habboonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guntasho
(Guntasha-da)
Gunti xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntasho
m.f.dh eeg gunto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntasho
-da: (magac, dhedig, keli) gunti xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huntasho
(Huntasha-da)
Calallo ama wax la mid ah, toltolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suntasho
m.f.dh eeg sunto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suntasho
-da: (magac, dhedig, keli) sumad u yeelasho. Suntasho la'aan xoolo ha siidayn. Dh: sumdaysasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
centésimo
agg. - boqolaad; santi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnaxumi
-da: (magac, dhedig, keli) niyad u hayn la'aanta cunnada oo qofku kolba wax yar uun oo gaajada ka bi'iya uu cuno. Cunnaxumidu nafaqadarro ayay carruurta u keentaa. Dh: cuntoxumi. Li: cuntabadi, hunguriweyni, cirweyni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunaggubyow
v. feel a hot taste in the throat, feel a stinging tingling in the throat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunaggubyow
de: feel a hot taste in the throat, feel a stinging tingling in the throat
lx: cunaggubyow
pd: (cunaggubyooday)
ps: v3a=intr
key: cunaggubyow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku niyadxumow
v. become disappointed over; get pessimistic about
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_niyadxumow
de: become disappointed over; get pessimistic about
lx: ku niyadxumow
pd: (niyadxumaaday)
ps: v3a=expr
key: ku_niyadxumow