cunsiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cunsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin. m.f.dh, cunsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunsii
v.caus: feed; make someone eat, cause to eat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsii
(fal) cunto iyo wax la mid ah afka u geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunsii
de: feed; make s.o. eat, cause to eat
lx: cunsii
pd: (cunsiiyey)
ps: v2a=caus
key: cunsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunsiin
(Cunsiin-ta)
(qof, kd.) aan cunno cuneen ama diiddan, inuu cuno yeelsiin, oggolaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsiin
m.f.dh eeg cunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah oo cunno diiddan, inuu wax cuno yeelsiin ama oggolaysiin. Dh: cunsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunis
vl. n. eating, act of eating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunis
-ta: (n) eating (iiting) Ex: cunista iyo cabbidda. the eating and drinking.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunis
de: eating, act of eating
lx: cunis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
xe: Madina stopped eating bananas.
xv: Madina waxay joojisey muus cunistiis.
key: cunis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiis
(Casiis-ka)
Ciso leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiis
m.l 1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casiis
m.l 1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiis
m. n., [abstract] respectability, honor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Casiis
-ka: (n) 1. respectfulness; honored name; good character. 2. one of the names of Allah ~ Al-Casiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Casiis
mid ka mid ah magacda Ilaahay oo la macno ah inuu Eebbe kelidii sharaf iyo awood uu wax ku muquuniyo leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiis
(tilmaame) qof isku kalsoon oo sharaf iyo qaddarin leh. Li: dulli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiis
bw: Arabic
de: respectability, honor
lx: casiis
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
syn: ciso
key: casiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskis
-ka: (magac, lab, keli) «u ~» eeg cuskin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tunsii
f.g2 (-iiyay, iisay) Ku t.: ku tumasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunsii
(fal) dusha ka marsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ursiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsiis
m.l la-mid: cabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunniin
m.l God, dab iyo wixi lamida ciid ku aasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunniin
-ka: (magac, lab, keli) cunitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsiis
m.l la-mid: dugsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tunsiin
m.f.dh eeg tunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax kale dusha ka marsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntiris
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar, haldheeri tirsad. Buntirsi la ima barine bun karsi baa la i baray
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bursitis
(n) inflammation of a sac-like bodily cavity, esp. one located between the joints or at points of friction between to moving structures.
xanuun ah gudaha jiran siiba kuwa u dhexeeya xubnaha meeshay iskaga yimaadan ama ka dhaqaaqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuncunis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cuncunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Fransiis
m. n., loc. France; French man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Fransiis
-ka: (n) 1. France (fraans); Paris is the capital and the largest city 2. Frenchman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Fransiis
de: France; French man
lx: Fransiis
pd: (-ka)
ps: n0-m-loc
key: Fransiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caansiiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg caansiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntaysiin
m.f.dh eeg cuntaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunno siin; wax uu cunno siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciis
(Ciis-ka)
Waran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciis
m.l (-sas m.l) Nooc ka mid ah warmaha waaweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciis
m. n. lance, kind of large spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciis
-ka: (magac, lab, keli) qalab lagu dagaallamo oo ka kooban bir labada dhinac ba laga afeeyay. Cali ciis buu libaaxii beerka ka saaray. Dh: waran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciis
de: lance, kind of large spear
lx: ciis
pd: (-ka Pl: ciisas (ka))
ps: n4-m
key: ciis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niis
m.dh Ciid jilicsan oo aan boor lahayn oo togaggu keenaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niis
-ka: (magac, lab, keli) ciid sida jidhiidha ah oo laga guro dixaha oo inta sibidh lagu daro jaajuur laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siis
m.l la-mid: siin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siis
-ka: (magac, lab, keli) wax siin. Dh: deeq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) C./ka c.: naflayda qaarkood ci' ka dhawaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culis
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, hogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunid
(Cunid-da)
1. Cunno, inta afka la geliyo oo la calaliyo, liqid.
2. Cawryid. kuunyid, ilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunid
m.f.dh eeg cun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunid
vl. n. eating, consumption (of something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunno, afka gelin oo calaalin oo dabadeed liqid. Dh: cunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunid
de: eating, consumption (of s.t.)
lx: cunid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: I take an oath against the eating of meat again.
xv: Waxaan nidir ka maray, hilib dambe cuniddii
key: cunid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curis
m.l (-syo, m.dh) 1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad. 3. la-mid: curin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curis
m.l (-syo, m.dh) 1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curis
-ka: (n) composition (kompozishin), essay (e-see)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curis
-ka: (magac, lab, keli) eeg curin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
curis
إنشاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuski
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale ku tiirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuski
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale ku tiirin. m.f.dh, cuskin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuski
(fal) qof culus amma buka ul, gidaar iyo wixii la mid ah, inuu cuskado ku caawi. Odaygu ma socon karayee ushan u cuski.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cutis
m.l la-mid: cuddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cutis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cutin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunsi
-ga: (magac, lab,keli) toltolashada maro humoyday, duugawday.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunsi
-ga: (n) embezzlement (em-bezel-ment)-, breach of trust; misappropriation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusis
-ta: (magac, dhedig, keli) ka tegid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Units
Halbeegyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax ur leh cid sanka u saarid. 2. U ursii: nafley wax nacsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ursii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1 . Wax ur leh cid sanka u saarid. 2. U ursii: nafley wax nacsiin. m.f.dh, ursiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ursii
v.caus: make (someone) smell (something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursii
(fal) cid kale, sanka wax u saar si uu urtiisa u dareemo. Ursii eyga raadka fakadka asagaa dabageli doona oo ka soo saari doona meel kasta oo uu is ku qariyo e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ursii
de: make (s.o.) smell (s.t.)
initial: u
lx: ursii
pd: (ursiiyey)
ps: v2a=caus
key: ursii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uunsi
(Uunsi-ga)
Dhir laysku dardaray oo udgoon oo la shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunsi
m.l Walxo laysku dardaray oo laysku kariyey, udgoon oo loo qiijiyo in lagu carfiyo jir, dhar ama meel; khumkhum. la-mid: uunsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uunsi
m.l Walxo laysku dardaray oo laysku kariyey, udgoon oo loo qiijiyo in lagu carfiyo jir, dhar ama meel; khumkhum.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UUNSI
(Unsi) S Boswellia rivae Engl. Burseraceae.
S Lannea schweinforthii (Engl) Engl. Anacardiaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uunsi
-ga: (n) aromatic substance made from a mixture of concentrated perfume and incense, that produces a pleasant odor when burned; frankincense (fraangkenseens), incense (in seens) ~ foox, luubaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunsi
-ga: (magac, lab, keli) dhir udgoon oo jaadad badan leh oo ay dumarku shitaan, iskuna udgooneeyaan.
uunsi -ga: (magac, lab, keli) eeg uunsad. uunso: (fal) uunsi shido oo is udgoonee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uunsi
de: incense
initial: u
lx: uunsi
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: uunsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
absiis
-ka: (magac, lab, keli) dhidibka jiifa ee kulannada garaafka. Inta badan absiiska waxa halbeeg looga dhigaa 2 togan ama -2° taban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buliis
m.l la-mid: boliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buliis
m. n. police
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buliis
-ka:(n) 1. police officer (poliis o-fiser)-, cop (kaap)-, constable ~ booliis, boliis 2. police station
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buliis
a: boliis {Eng}
de: police
lx: buliis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: buliis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bungis
m.l la-mid: bunkis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunkis
m.l Baqshad. la-mid: bungis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąbsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iyo wixi lamida nafley af ka siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid. m.f.dh, cabsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cąbsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iyo wixi lamida nafley af ka siin. m.f.dh, cąbsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsii
v. frighten, scare
cabsii v.caus: make someone drink, give something to drink
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsii
-yey say: (v) cause someone to drink; drive someone to drink
cabsii -yay say: (v) frighten (fraayten); alarm (a-laarm); intimidate (intimadeyt); scare (iskeer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniif
(tilmaame) qof ad'adag oo naxariis daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniin
caniin¹: m.l la-mid: ciniin¹.
caniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: ciniin².