ereyga

cunnaxumi

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunnaxumi

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) niyad u hayn la'aanta cunnada oo qofku kolba wax yar uun oo gaajada ka bi'iya uu cuno. Cunnaxumidu nafaqadarro ayay carruurta u keentaa. Dh: cuntoxumi. Li: cuntabadi, hunguriweyni, cirweyni.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunnaxumo

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) niyad u hayn la'aanta cunnada. Dh: cunnaxumi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aqi

DHAABAN

(fal) cunnaxumi u dhimo. Dh: caqi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ciidanxumi

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan ciidan ku filan haysan. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof ciidan tayo fiican aan haysan. la-mid: ciidanxumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ciidanxumi

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan ciidan ku filan haysan. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof ciidan tayo fiican aan haysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cunnaddiid

DHAFANDHAAF

m.l 1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. la-mid: cunnaddiidis, cuntaddiid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cunnaddiid

DHAFANDHAAF

m.l 1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. la-mid: cunnaddiidis, cuntaddiid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunnaddiid

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) ilmo, aan cunnada ku fiicnayn oo diida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cuntasumow

DHAFANDHAAF

m.l (daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cufnaan uumi

DHAFANDHAAF

Vapour density

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bunaaxi

DHAFANDHAAF
1

bunaaxi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.

2

bunaaxi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) la-mid: banaaxi².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bunaaxi

DHAFANDHAAF
1

(fal) neef lo' ah, ci dheer samee oo aad u ci. Dibiga bunaaxinaya Khayro badan baa leh.

2

bunaaxi -ga: (magac, lab, keli) lo'da cideeda barwaaqada. Baqar lo' ah banaaxiga gu'gii baydi iyo raaxo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bunnusi

DHAFANDHAAF

(fal) orodsii orod tukubo ah. Bunnusi islaanta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cunaabi

DHAFANDHAAF

m.l (-iyo, m.l) Kuul laga sameeyey xabagta maydiga oo la warshadeeyey oo dumarku qoorta ku xirtaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunaabi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) kuul buurbuuran oo haweenku waayadii hore xidhan jireen. Aynu wada xayaadnee soo xidho cunaabida. Dh: cunnaabi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cunnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg cunan. la-mid: cunnaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunnayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cunto afka gelin oo calalin, dabadeed na liqid. Dh: cuntayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunnays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg cunnayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cunnimo

DHAFANDHAAF

m.dh God, dab iyo wixi lamida duugmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hunnati

DHAFANDHAAF

m.l (-iyo, m.dh) 1. Sun qatar ah. 2. Waxmatare.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hunnati

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) saamayska ama waabayda tan u daran oo aan laga kicin. Dh: kaloolley, hiihiile, geegali.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

uurxumi

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: uurxumo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

uurxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xumaan uurka ku haysi badnaan. Dh: uurxumaan, caloolxumaan. Li: uursami.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aayaxumi

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: aayaxumaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aayaxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg aayaxumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bunnaahi

DHAFANDHAAF
1

bunnaahi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.

2

bunnaahi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) la-mid: banaaxi².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bunnaahi

DHAFANDHAAF

(fal) sida dibida u ci' oo bunnaaxo samee. Dibiyahaw bunnaahi doog daaqdaye. Dh: bunnaaxi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cumaacum

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) meesha ay calaacasha iyo dhudhunku iska galaan. Wa: cumaacumo.

2

cumaacum -ta: (magac, dhedig, keli) halka ay cagta iyo kubku iska galaan. Wa: cumaacumo.

3

cumaacum -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah lafaha yaryar ee faraha gacmaha iyo lugaha. Wa: cumaacumo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunabuur

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh ama daaqa, inta uuna madaxa soo ridin ee uu ubaxiisu soo buurmo. Dalaggu weli waa cunabuur. Dh: dhays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cuntamid

DHAFANDHAAF
1

(Cuntamid-da)

2

(u cuntamid) Cunto u noqon kara; u dhigmid; u qalmid; ku habboonaansho; istaahilid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cuntamid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg cuntan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cuntamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) u qalmid; habboonaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

curyaami

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iyo wixi lamida xannibid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

curyaami

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iyo wixi lamida xannibid. m.f.dh, curyaamin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

curyaami

DHAFANDHAAF

v. cripple

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

curyaami

DHAFANDHAAF
1

-yey / say: (v) disable, damage, or impair the functioning of; cripple (kirippal) Ex: mudaharaad warshadahii curyaamiyey; a strike that crippled the factories

2

curyaami -yey / say: (v) cause someone to lose the use of a limb or limbs

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

curyaami

DHAFANDHAAF

(fal) curyaan ka dhig; xannib.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

curyaami

DHAFANDHAAF
1

de: cripple

2

lx: curyaami

3

pd: (curyaamiyey)

4

ps: v2a=tr

5

key: curyaami

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

minnaxsi

DHAFANDHAAF

qayb minanka faalka ka mid ah oo waa afarta: minshanaad waa naxsi xun min lixaad waa naxsi dabeecad xun mintoddobaadna waa naxsi fudud oo laga kabmi karo waxa intaa ka soo hadhi waa min sicdi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

niyaxumi

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: niyaxumaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sunnaysi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) sunnaysasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

anshaxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanxumi iyo sarriigasho la'aan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

camalxumi

DHAFANDHAAF

m.dh Dabeecad aan wanaagsanayn oo qof yeesho. la-mid: camalxumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

camalxumi

DHAFANDHAAF

m.dh Dabeecad aan wanaagsanayn oo qof yeesho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

camalxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad iyo dhaqanxumi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caqlixumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg caqlixumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ciribxumi

DHAFANDHAAF

m.l Aayo xumi. la-mid: ciribxumo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ciribxumi

DHAFANDHAAF

m.l Aayo xumi. la-mid: ciribxumo. ciribxumo m.dh la-mid: ciribxumi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ciribxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) khaatumada oo cid ka xumaata. Dh: cidhibxumi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cuntaysii

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid cunto siin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caaqibaxumi

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: caaqibaxumo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caaqibaxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) aayatiin la'aan; caaqibaxumo.

waa la naqliyay ✓