cunnammareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunnammareen
(Cunnammareen-ka)
Iskujoogga cunnadu marto (afka taniyo malawadka afkiisa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunnammareen
m.l Dhuun dheer, isku xirta afka iyo caloosha oo gasiinku sii maro markuu caloosha u socdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunnammareen
m. n., [compound] digestive system
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunnammareen
de: digestive system
lx: cunnammareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: dheefmareen
key: cunnammareen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunnamareen
-ka: (n) alimentary canal; digestive tract
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnamareen
-ka: (magac, lab, keli) xubnaha isku rakiban ee cunnadu marto. Dh: dheefshiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnomareen
-ka: (magac, lab, keli) ee cunnamareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiidan
(Xiidan-ka)
(Badanaa: Xiidmo)
1. Dhuunta cunnadu marto, inteeda u dhexaysa caloosha iyo afka saxaradu ka baxdo.
2. Cunnammareenka intiisa yaryar oo caloosha (godanta) iyo qabsinnada u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiidan
xiidan¹: m.l 1. Dhuunta cunnadu marto, inteeda u dhexaysa caloosha iyo afka saxaradu ka baxdo. 2. Cunnammareenka intiisa yaryar oo caloosha (godanta) iyo qabsinnada u dhexaysa.
xiidan²: m.l (cilmiga naflayda) Qaybta ka midka mindhicirka weyn ee lafdhabarleyda ee u dhexaysa siikamka iyo malawadka. Shaqada ugu weyn ee uu qabtaana waxa weeye ka soo nuugista macaadinta iyo biyaha hadhaaga cuntada aan la dheefshiidin ee soo dhaafta mindhicirka yar, taas oo marka dambe noqota saxarro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiidan
xiidan¹: m.l 1. Dhuunta cunnadu marto, inteeda u dhexaysa caloosha iyo afka saxaradu ka baxdo. 2. Cunnammareenka intiisa yaryar oo caloosha (godanta) iyo qabsinnada u dhexaysa.
xiidan²: m.l (cilmiga naflayda) Qaybta ka midka mindhicirka weyn ee lafdhabarleyda ee u dhexaysa siikamka iyo malawadka. Shaqada ugu weyn ee uu qabtaana waxa weeye ka soo nuugista macaadinta iyo biyaha hadhaaga cuntada aan la dheefshiidin ee soo dhaafta mindhicirka yar, taas oo marka dambe noqota saxarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheefmareen
de: digestive system
lx: dheefmareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: cunnammareen
key: dheefmareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyammareen
(Biyammareen-ka)
Tog yar ama weyn oo la sameeyey ama iska samaysmay oo dhuuxiisa biyuhu maraan; far; gacan; kanaal; keli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyammareen
m.l (-nno, m.dh) Jeex; tog; kanaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyammareen
m.l (-nno, m.dh) Jeex; tog; kanaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyammareen
m. n., [compound] canal, channel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyammareen
de: canal, channel
lx: biyammareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyammareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawammareen
m.l Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawammareen
m.l Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawammareen
-ka: (magac, lab, keli) labada dhuumood ee hunguriga ku yaal tan ay maraan hawada ama ay kasoo baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanammaceeye
(Caanammaceeya-ha)
Geed meygaagga u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanammaceeye
m.l Geed maygaagga u eg oo lagu culo haamaha iyo dhiilaha iyo wixi lamida. la-mid: caanammacays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanammaceeye
m. n., [collective] plant species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanammaceeye
de: plant sp.
lx: caanammaceeye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: caanammaceeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badmareen
m.l la-mid: badmar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badmareen
m.l la-mid: badmar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badmareen
-ka -ta: (n) sailor (seey lar); seaman (sii man); mariner ~ badmaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmareen
-ka: (magac, lab, keli) eeg badmaax.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
badmareen
مَلاحٍ، بِحَّارٍ
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaaree
-yey / cambaareysay: (v) condemn (kon-deem)-, denounce (di-nownsi); criticize (kiriti-zaays)-, stigmatize (stig-matayz) ~ dhaleecee, cambaaree. — Syn: blame, reprehend, censure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirmareen
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid loo adeegsado tegitaanka iyo ka soo laabashada xiddigaha hawada sare ama qofka raaca. Dh: cirjiidheen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmareen
-ka: (magac, lab, keli) qof dhulal badan maray oo dunida kala yaqaan. Dh: dalyaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunqaaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Weel-caanood dalool yar u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunqaaree
(fal) duunyo aan garaad lahayn ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safmareen
-ka: (magac, lab, keli) xanuun si sahlan ugu dhaca qof ama dad. Duray safmareen ah baa carruurtii ku dhacay: Dh: safmar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyamareen
-ka: (magac, lab, keli) dhul godan oo biyaha roobku isugu soo ururaan ama ku soo dindimaan, meesha dhuuxa ah ee biyuhu maraan. Biyamareen baad reerka dejiseen daadkaa qaadiyi see la yeel hadduu roob da'o. Dh: keli, boqon, far, gacan, kannaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadmareen
-ka: (magac, lab, keli) meel dhulka kale ka hoosaysa oo marka roob da'o biyuhu ku soo quiqulaan. Lama dego daadmareenka. Dh: dix, biyomareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunqaareyn
m.f.dh eeg dunqaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunqaareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) duunyo aan garaad lahayn ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawamareen
m. n. trachea, windpipe; respiratory organ
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawamareen
de: trachea, windpipe; respiratory organ
lx: hawamareen
pd: (-ka)
ps: n-m
key: hawamareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaamareen
-ta: (magac, dhedig, keli) yaab iyo argagax. Dh: anfariir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanagaleen
-ka: (magac, lab, keli) xidid xagga mudka ka soo gala candhada iyo naasaha oo ay caanuhu soo maraan. Caanagaleenka ayay hasha qodaxi ka mudday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnawareen
-ka: (magac, lab, keli) xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanaggaleen
(Caanaggaleen-ka)
Xididdada naasaha iyo candhada oo caanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaggaleen
m.l.u Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanaggaleen
m.l.u Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanaggaleen
m. n., [compound] breasts, udder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanaggaleen
-ka: (n) mammary glands
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanaggaleen
de: breasts, udder
lx: caanaggaleen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: caanaggaleen
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guntindareen
m.dh (-no ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntindareen
-ta: (magac, dhedig, keli) nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareenwade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska dareenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadimmareen
(Kaadimmareen-ka)
Xididka kaadihaysta ka baxa oo kaadida dibadda u saara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadimmareen
m. n., [compound] urethra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadimmareen
de: urethra
lx: kaadimmareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kaadimmareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntin-dareen