cunnamareen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunnamareen
-ka: (n) alimentary canal; digestive tract
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnamareen
-ka: (magac, lab, keli) xubnaha isku rakiban ee cunnadu marto. Dh: dheefshiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunnammareen
(Cunnammareen-ka)
Iskujoogga cunnadu marto (afka taniyo malawadka afkiisa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunnammareen
m.l Dhuun dheer, isku xirta afka iyo caloosha oo gasiinku sii maro markuu caloosha u socdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunnammareen
m. n., [compound] digestive system
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunnammareen
de: digestive system
lx: cunnammareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: dheefmareen
key: cunnammareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnomareen
-ka: (magac, lab, keli) ee cunnamareen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaaree
-yey / cambaareysay: (v) condemn (kon-deem)-, denounce (di-nownsi); criticize (kiriti-zaays)-, stigmatize (stig-matayz) ~ dhaleecee, cambaaree. — Syn: blame, reprehend, censure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirmareen
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid loo adeegsado tegitaanka iyo ka soo laabashada xiddigaha hawada sare ama qofka raaca. Dh: cirjiidheen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunqaaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Weel-caanood dalool yar u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunqaaree
(fal) duunyo aan garaad lahayn ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyamareen
-ka: (magac, lab, keli) dhul godan oo biyaha roobku isugu soo ururaan ama ku soo dindimaan, meesha dhuuxa ah ee biyuhu maraan. Biyamareen baad reerka dejiseen daadkaa qaadiyi see la yeel hadduu roob da'o. Dh: keli, boqon, far, gacan, kannaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunqaareyn
m.f.dh eeg dunqaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunqaareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) duunyo aan garaad lahayn ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawamareen
m. n. trachea, windpipe; respiratory organ
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawamareen
de: trachea, windpipe; respiratory organ
lx: hawamareen
pd: (-ka)
ps: n-m
key: hawamareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaamareen
-ta: (magac, dhedig, keli) yaab iyo argagax. Dh: anfariir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanagaleen
-ka: (magac, lab, keli) xidid xagga mudka ka soo gala candhada iyo naasaha oo ay caanuhu soo maraan. Caanagaleenka ayay hasha qodaxi ka mudday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnawareen
-ka: (magac, lab, keli) xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntin-dareen
m.dh (-no ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanaggaleen
(Caanaggaleen-ka)
Xididdada naasaha iyo candhada oo caanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaggaleen
m.l.u Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanaggaleen
m.l.u Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanaggaleen
m. n., [compound] breasts, udder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanaggaleen
-ka: (n) mammary glands
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanaggaleen
de: breasts, udder
lx: caanaggaleen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: caanaggaleen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanamaceeye
-ha: (magac, lab, keli) eeg caanamacays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guntindareen
m.dh (-no ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntindareen
-ta: (magac, dhedig, keli) nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareenwade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska dareenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bungaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) la-mid: bamgaree.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
chiamare
v.tr. - u yeerid, wacid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cinnamon
/sinaman/ (n) qorfe (geed carfoon oo badanaa shaaha lugu daro).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cinnamon
n., qarfa or karfa, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) la-mid: culaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaabee
v. make heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaabee
-yey / culaabaysay: (v) make heavy; put on weight ~ culaabi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culaabee
de: make heavy
lx: culaabee
pd: (culaabeeyey)
ps: v2b=
key: culaabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaaran
(tilmaame) wax carbuunan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunqaare
m.l 1. Dalool yar oo weel caanoodka loo yeelo. 2. la-mid: dunqaaro (1).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
infamare
v.tr.- dhaleecayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musareen
(Musareen-ka)
(koox: musareenno) labo dabaylood, mid yar iyo mid weyn, oo waqtiga dabboojeyaashu dhacaan, yimaada; dabaylaha wejiinaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareen
m.l (-nno, m.dh) 1. Laba xiddig oo waaweyn oo ka soo baxa cirka dhankiis koofureed. 2. Dabayl sanadka bishiisa koowaad ama labaad ka dhacda woqooyiga Soomaaliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musareen
m.l (-nno, m.dh) 1. Laba xiddig oo waaweyn oo ka soo baxa cirka dhankiis koofureed. 2. Dabayl sanadka bishiisa koowaad ama labaad ka dhacda woqooyiga Soomaaliya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musareen
m. n. dry season wind (blowing in January and February)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musareen
-ka: (magacwadeered) labo dabalood mid yar iyo mid weyn oo yimaadda kolka dabboojiyeyaashu dhacaan, dabaylaha wajiinaha.
musareen -ka: (magac, lab, keli) reenka iyo gu uu waayihiisa ku cabbiro nin gole jiif ah oo mark uu seexanayo guuxa oo xasuus hore nafta ku maaweeliya. Musareen buu xalay doobki gale jiifka ahaa ku waaberiistay. Dh: guux, maaweel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musareen
cf: Wejiine, Jiilaal
de: dry season wind (blowing in January and February)
lx: musareen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: musareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: lambari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambaree
(fal) alaab mid walba nambar gaar ahu yeel. Alaabta ii wada nambaree. Dh: lambaree.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
NAXAREEB
[NAHAREB] Commiphora incisa 03
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
panaméen
panaméen, adj. - reer Baanama ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u qareen
v. defend, take the side of; favor, play favorites
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_qareen
de: defend, take the side of; favor, play favorites
initial: u
lx: u qareen
pd: (qareemay)
ps: v1=expr
key: u_qareen
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ujaajeen
name-m to cry out; yeller, yelper, screamer, screecher, squealer. Cf: Cabaade, Wacwacle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ujaajeen
magac loo baxsho wiil oohin badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unawares
/anawers/ (adv) ogaal-la'aan (kamma').
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badmareen
m.l la-mid: badmar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badmareen
m.l la-mid: badmar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badmareen
-ka -ta: (n) sailor (seey lar); seaman (sii man); mariner ~ badmaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmareen
-ka: (magac, lab, keli) eeg badmaax.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
badmareen
مَلاحٍ، بِحَّارٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: bannee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bannaanee
v. clear (away), empty; permit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanee
(fal) sharciyee oo in la samayn karo oggolow. Dh: oggolow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bannaanee
de: clear (away), empty; permit
lx: bannaanee
pd: (bannaaneeyey)
ps: v2b=tr
see: bannee
key: bannaanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bungareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) bunnaax samayn oo xoog sida dibida ugu ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn. m.f.dh, cambaarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambaaree
v. blame, reprove, condemn
cambaaree v. infect with eczema
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambaaree
-yey / cambaaraysay: (v) condemn (kon-deem); denounce (di-nownsi); criticize (kiriti-zaays) ~ canbaaree. —Syn: blame, reprehend, censure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaaree
(fal) cid kale, wax xun ku dhaleecee. Dh: eedee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaareed
n. phr., genetive: pertaining to ~ intended for a game; related to dramatic acting; concerned with dancing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaareed
de: pertaining to ~ intended for a game; related to dramatic acting; concerned with dancing
lx: cayaareed
ps: np-gen
key: cayaareed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirwareen
(Cirwareen-ta)
Cirboor; qode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirwareen
m.dh Cirboor; qode.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirwareen
f. n., [compound] tornado, cyclone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirwareen
-ka: (n) cyclone (saay-kaloon) ~ leexo, cirboor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirwareen
-ka: (magac, lab, keli) cirboodh; qode.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirwareen
de: tornado, cyclone
lx: cirwareen
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
syn: cirboor
key: cirwareen
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
concimare
v.tr. - digeyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
connaître
connaître, v. - Barasho ama ogaansho, sida qof aad baratay; Garasho; Garatid,
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
consumare
v.tr. - dhammayn, idlayn, isticmaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culaabeyn
(Culaabeyn-ta)
Culaab u yeelid; cuslayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabeyn
m.dh la-mid: culaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunabarar
-ka: (magac, lab, keli) dhuunta cuntadu marto oo xanuun darteed la bararta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraafee
f.mg2 (-feeyay, -feysay) Xiddiga ka faalin. la-mid: curraafi, currafee, currafi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curraafee
f.mg2 (-feeyay, -feysay) Xiddiga ka faalin. m.f.dh, curraafayn la-mid: curraafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curraafee
v. practice astrology, tell fortunes; divine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curraafee
de: practice astrology, tell fortunes; divine
lx: curraafee
pd: (currafeeyey)
ps: v2b=
key: curraafee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmareen
-ka: (magac, lab, keli) qof dhulal badan maray oo dunida kala yaqaan. Dh: dalyaqaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dungarees
/dhangariis/ (n) surweel badanaa jiinis ah oo wata maro ilaa xabadka qarisa oo leh suuman garbaha la gashado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmareen
-ka: (magac, lab, keli) dalyaqaan ama jidyaqaan. Dh: dalmareen. Wa: jidmareenno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Munnaarad
(Munnaarad-da)
1. Kuud dheer oo dushiisa kore habeenkii, iftiin xoog leh laga daaro, oo waxa badda mara habawga ka ilaaliya, goomaha iyo meelaha cabsida ahna u sheega oo uga diga.
2. Tan masaajidka, oo dusheeda laga addimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munnaarad
m.dh (-do, m.l) 1. Kuud kor u dheer oo dusha iftiin ku leh oo xeebaha badaha lagu sameeyo si gaadiidka badaha loogu hago marsooyinka. 2. (dii.) Qudbiga masaajidka ee laga addimo. la-mid: minaarad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
munnaarad
m.dh (-do, m.l) 1. Kuud kor u dheer oo dusha iftiin ku leh oo xeebaha badaha lagu sameeyo si gaadiidka badaha loogu hago marsooyinka. 2. (dii.) Qudbiga masaajidka ee laga addimo. la-mid: minaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
munnaarad
f. n. minaret; lighthouse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munnaarad
-da: (n) lighthouse (laaythaws); beacon (bii'keri) ~ minnaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munnaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhisme qudbad dheer oo dhuuban ah oo masaajidyada laga ag taago aadna loo qurxiyo oo makarafo nadan la dul saaro. Dh: mannaarad.