cunbuufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunbuufo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg canbuufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuufo
-da: (magac, dhedig, keli) canka oo neef laga buuxsho oo la buuro.
canbuufo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun adhiga daanka gudihiisa iyo gawsaha kaga dhaca oo neefku daaqii uu calaliyay ama calanaqsaday canka ugu buuranto oo uu liqi kari waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbuulo
(Canbuula-da)
Badarka la kariyo isagoo iniinihii nool nool yihiin; garow; koronkor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbuulo
f. n. boiled whole grains, eaten as cereal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbuulo
-canbuulada: (n) cooked grain especially sorghum (soor-gam) or maize (mayz) ~ cambuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuulo
-da: (magac, dhedig, keli) badarka la kariyo isaga oo iniinihii noolnool yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbuulo
a: cambuulo {C & S}
de: boiled whole grains, eaten as cereal
lx: canbuulo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: canbuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjuufo
(fal) cid kale, ciddida farta iyo ta suulka ku wada qabo oo dubkiisa aad ugu xanuuji. Dh: qanjiidhi.
canjuufo -da: (magac, dhedig, keli) qanjiidho ku dhejin oo ku xanuuni. Dh: qandhuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Candhuufo
(Candhuufa-da)
Biyabbiyood layiig ah, badanaana xoor cad wata oo qanjirrada afka ka yimaada; calyo; (ama candhuuf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhuufo
m.dh la-mid: candhuuf¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candhuufo
f. n., (mass n.): saliva, spit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
candhuufo
-candhuufada: (n) saliva (salaayva)-, spit (ispiit)-, spittle (ispe-tal) ~ calyo, candhuuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhuufo
-da: (magac, dhedig, keli) dareeraha afka ka yimaadda ee ay qanjidhadu sameeyaan. Dh: candhuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candhuufo
cf: calyo
de: spit, saliva
lx: candhuufo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: candhuufo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tunbuuryo
-tunbuuryada: (n) -da: (n) fist (fis-ti); a blow made with the fist ~ tantoonyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunuuf
-ta: (magac, dhedig, keli) meesha ay iska galaan gidaarka iyo jiingaddu. Dunuufka adkee yaanay dabayshu jiingadda qaadine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uduufo
(Uduufa-da)
Wax kasta intiisa liidata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uduufo
m.dh Wax kasta intiisa liidata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
uduufo
f. n. (adj.): useless by-product; waste; worst; useless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufo
-da: (magac, dhedig, keli) wax kasta intiis u liidata ee an faa'iido lehayn. Ha inoo soo qaadin uduufada ee ka soo xul naqwada. Li: naqwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uduufo
de: useless by-product; waste; [atr.] worst; useless
initial: u
lx: uduufo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: uduufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbuu
-da: (magac, dhedig, keli) geedgaab yar oo ka baxa dooxooyinka oo bixiya miro kuuskuusan oo kubadda teniska legle'eg oo carruurtu ku ciyaarto. Dh: xanbuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuul
-sha: (magac, dhedig, keli) qodaxda galoolka sarmaanta ama galoolka ee xagga danbe u buurbuuran oo kolka ay curdiga tahay la cuno. Aabbahayba qaad iyo ma cunin qodax canbuuleede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbuur
(Canbuur-ka)
Gashi haweenku qaataan oo googgaradda qariya; kurdad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbuur
m. n. frock, dress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbuur
-ka: (n) woman's dress; gown (gaawn)-, frock (frook) ~ cambuur, kurdad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuur
-ka: (magac, lab, keli) gashi haweenku qaataan oo googoradda qariya. Dh: toob, kurdad, kordad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbuur
de: frock, dress
lx: canbuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: cambuur
key: canbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusburo
f.mg3 (-rtay, -ratay) Cusbur marsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusburo
v. paint oneself up, dye oneself with henna
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusburo
(fal) cusburka is mari. Aroosad baad tahaye cusburo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusburo
de: paint oneself up, dye oneself with henna
lx: cusburo
pd: (cusburtay)
ps: v3b=
key: cusburo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruufo
m.l la-mid: duruuf (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbuqo
(Hunbuqa-da)
Ulaha iyo laablaabka tolmada xuni, maryaha u yeesho; canyayuub; qonbor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunbuqo
f. n. patch-work, clumsy sewing, bad tailoring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbuqo
-da: (magac, dhedig, keli) laablaabka tolmaha xumi u yeelo maryaha. Dh: canyayuub, qonbor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunbuqo
a: humbuqo
de: patch-work, clumsy sewing, bad tailoring
lx: hunbuqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hunbuqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunburo
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan badda ku nool oo libaax badeedka hareer socda inta badan. Dh: honbobboro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubuuro
m. n., pl. graves, tombs; cemetery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qubuuro
-qurbuuraha: (n) graveyard (gareeyv-yaadh); cemetery (sama-tari) ~ qabuuro, xabaalo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qubuuro
de: graves, tombs; cemetery Sg: qabri
lx: qubuuro
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: qubuuro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbulo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qunbulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunbuur
-ka: (magac, lab, keli) dacawada keeda. lab. Tunbuur baa dabin ku dhacay. Dh: dacow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuulo
m.dh Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambuulo
m.dh Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambuulo
-cambuulada: (n) cooked grain, especially sorghum (soar-gam) or maize (meyz) ~ canbuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuulo
-da: (magac, dhedig, keli) badar garow-karis ah oo aan la budayn. Dh: canbuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantuugo
(Cantuuga-da)
(cunno) Afka muggi; inta afku mar qaado; maggaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantuugo
m.dh (-ooyin, m.l) Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantuugo
m.dh (-ooyin, m.l) Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantuugo
f. n. bite, mouthful, gulp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantuugo
-cantuugada: (n) mouthful (mow-th-fuul)-, gulp (gol-p)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugo
-da: (magac, dhedig, keli) afka muggii oo cunto ama cabitaan ah. Cunto, sharaab iyo wixii la mid ah, intii hal mar afka lagu qaadi karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantuugo
cf: maggaabo
de: bite, mouthful, gulp
lx: cantuugo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cantuugo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuuno
f.g3 (-ntay, -natay) Badeeco carbuun ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbuuno
f.g3 (-ntay, -natay) Badeeco carbuun ka bixin. m.f.dh, carbuunasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbuuno
v. reserve for oneself; put a deposit on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbuuno
carbuuntay I carbuunatay: (v) put aside for yourself; reserve for yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuuno
(fal) wax lagu heshiiyey kala iibsigooda, sii curaaro oo qiimihiisa badh sii bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbuuno
de: reserve for oneself; put a deposit on
lx: carbuuno
pd: (carbuuntay)
ps: v3b=
xe: Can I reserve four places?
xv: Afar meelood ma carbuunan karaa?
key: carbuuno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunabuur
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh ama daaqa, inta uuna madaxa soo ridin ee uu ubaxiisu soo buurmo. Dalaggu weli waa cunabuur. Dh: dhays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbuuqo
(Sanbuuqa-da)
Sanka intiisa hore oo jilicsan; sandaal (ama sanburuq, sanbuuq).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbuuqo
f. n. tip of the snout, soft part of an animal's nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbuuqo
-sanbuuqada: (n) nose (nows); snoot (isnuut); schnozzle ~ sambuuqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbuuqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sanbuuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbuuqo
a: sambuuqo
de: tip of the snout, soft part of an animal's nose
initial: s
lx: sanbuuqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sanbuuqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tunburyo
(Tunburya-da)
Tantoonyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tunburyo
f. n. punch given with the bottom of the fist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunburyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tantoomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tunburyo
cf: tantoonyo
de: punch given with the bottom of the fist
initial: t
lx: tunburyo
pd: (/da)
ps: n-f
key: tunburyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunburso
(fal) yunbudhso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buunbuuni
v. exaggerate, blow out of proportion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buunbuuni
-yey / say: (n) exaggerate (igzaajireeyt); overstate (oovar isteeyt); inflate, magnify ~ ka bad-badi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunbuuni
(fal) hadal ama war sidii uu ahaa si ka duwan oo ka badan oo balballaadhin ah u gudbi ama u sheeg, ku dardar. Warka waa buunbuuniyey oo been badan baa ka buuxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buunbuuni
cf: buun
de: exaggerate, blow out of proportion
lx: buunbuuni
pd: (buunbuuniyey)
ps: v2a=pl
key: buunbuuni
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buunbuuni
مبالغة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuuro
f.g3 (-rtay, -ratay) Hanti, cashuur ka baxsasho. la-mid: cashuuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canshuuro
v. pay a tax on something; ransom, redeem something (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuuro
(fal) badeecad aad sidato, canshuur ka bixi. Dh: cashuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canshuuro
a: cashuuro
de: pay a tax on s.t.; ransom, redeem s.t. (for oneself)
lx: canshuuro
pd: (canshuurtay)
ps: v3b=tr
key: canshuuro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunagubyo
-da: (magac, dhedig, keli) halac yar oo cunaha laga daareemo, kolka wax hah leh la cuno ama la cabbo. Sharaabki maanta cunaggubyo ayuu reebay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnaxumo
-da: (magac, dhedig, keli) niyad u hayn la'aanta cunnada. Dh: cunnaxumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandhuufo
(Qandhuufa-da)
Far iyo suul ciddiyohooda oo xoog wax loogu qabto oo loogu xanuujiyo; qanjaruufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhuufo
qandhuufo¹: m.dh Far iyo suul ciddiyahooda oo xoog meel qof jirkiisa ka mid ah loogu qabto si loo xanuujiyo. la-mid: qanjaruufo¹.
qandhuufo²: f.g3 (-ftay, -fatay) 1. Far iyo suul ciddiyahooda cid ku xanuujin. 2. Cid hoos ugu baaqid. la-mid: qanjaruufo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandhuufo
f. n. pinch
qandhuufo v. pinch, nip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandhuufo
-qandhuuftay / qandhuufatay: (v) pinch (pinj) or nip (nip) with the thumb and a finger ~ qan-jaruufo
qandhuufo -da: (n) pinching with the thumb and a finger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhuufo
(fal) cid kale, qanjiidhi.
qandhuufo-da: (magac, dhedig, keli) eeg qandhuuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunso
(fal) mintid ama ku dadaal. Kutuntuunso shaqadaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunguguro
-da: (magac, dhedig, keli) wax sheeka carruureedda lagaga sheekeeyo oo ah bahal qof jeexii ah oo hadba qofkuu doono codkiisa isku yeeli kara. Xunguguro uga sheekee caruurta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhso
(fal) si kuudad iyo kadalloob u dhexaysa u fadhiiso, kadalloobso. Yunbudhso dabka dushiisa. Dh: yuxduudso, kumbudhso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunburuurso
(fal) kuudadso oo si yumbudh ah u fadhiiso. Halkaa yunburuurso inta aan kuu imanayo. Dh: kuudadso, kadalloobso.