ereyga

cumaacum

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cumaacum

DHAN
1

-ta: (magac, dhedig, keli) meesha ay calaacasha iyo dhudhunku iska galaan. Wa: cumaacumo.

2

cumaacum -ta: (magac, dhedig, keli) halka ay cagta iyo kubku iska galaan. Wa: cumaacumo.

3

cumaacum -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah lafaha yaryar ee faraha gacmaha iyo lugaha. Wa: cumaacumo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cumaacun

DHAFAN
1

(Cumaacun-ta)

2

Faraha iyo baabbacada; cag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cumaacun

DHAFAN

m.dh (-umo, m.l) 1. Calaacasha iyo dhudhunka meesha ay iska galaan oo jalaqleyda ah. 2. Cagta iyo kubka meesha ay iska galaan; anqaw. 3. Lafaha yaryar ee faraha iyo lugaha middood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cumaacun

DHAFAN

f. n. foot; hand

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cumaacun

DHAFAN

-ta: (n) wrist (rat); hand (haandh) carpus (kaarpas) ~ jalaqley

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cumaacun

DHAFAN
1

cf: addin, cag

2

de: foot; hand

3

lx: cumaacun

4

pd: (-ta)

5

ps: n1-f

6

key: cumaacun

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jaldhaf

DHAABAN
1

(Jaldhaf-ta)

2

Shanqar ka yeerta qofka socona haya kabihiisa, iyo ciddiyaha iyo cumaacumaha nafleyda qaarkeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shiraanshirix

DHAABAN

m.l (-xyo, m.dh) Lafo yaryar oo carjaw ah oo kala goysyada addimada iyo cumaacumta cagta ku yaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Carpus

DHAABAN

Gobolka Cumaacumta

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Metatarsus

DHAABAN

Cumaacum

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shirix

DHAABAN
1

-a: (magacwadareed) lafo yaryar ee kalaggoysyada addimada siiba kuwa cumaacumta cagta ku yaal oo carjawda ah leh; shiraanshirix.

2

shirix-a: (magac, lab, keli) boqon.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shirixshirix

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) lafo yaryar oo kala goysyada laabatooyinka dhexdooda ku yaal siiba kuwa cumaacumta oo carjawda ah. shiriye: magac loo baxsho wiil la filayo in uu noqdo mid dadka ururiya oo shiriya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Culaacul

DHAFANDHAAF
1

(Culaacu-sha)

2

Bahal yar oo dhiigga nuuga: dixirigaa lagu tirshaa, waxayna leedahay oogo jilicsan oo xubno leh; biyahay ku dhex nooshahay (biyaha balliyada); waxay ku dhegdhegtaa oo dhiigga ka nuugtaa kalluunka iyo diinbiyoodka iyo raha iyo dadka laftiisa; waayadii hore, meeshii toobin loo rabo baa la saari jirey oo ay dhiigga ka nuugi jirtey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

culaacul

DHAFANDHAAF

m.dh (-lo, m.l) 1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

culaacul

DHAFANDHAAF

m.dh (-lo, m.l) 1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

culaacul

DHAFANDHAAF

f. n. leech

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

culaacul

DHAFANDHAAF

-ka: (n) bloodsucking worm; leech (liij) ~ kudkude

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

culaacul

DHAFANDHAAF

-sha: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo dhiigga nuugta. Dirxiga ayaa lagu tirshaa, waxay na leedahay oogo jilicsan oo xubno leh. Waxay badanaa ku nooshahay balliyada dhexdooda. Waxay ku dhegdhegtaa oo dhiigga ka nuugtaa noolaha biyahaa ku jira sida diinbiyoodka, kalluunka, raha, iyo dadka iyo xoolaha biyahaa ka cabba.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

culaacul

DHAFANDHAAF
1

de: leech

2

lx: culaacul

3

pd: (/sha)

4

ps: n1-f

5

syn: kudkude

6

key: culaacul

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kumaankum

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo dhawr kun ka kooban. Dh: kumanyaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cumaamad

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: cimmaamad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cumaamad

DHAFANDHAAF

f. n. turban

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cumaamad

DHAFANDHAAF

-da: (n) piece of cloth worn by men as a covering for the head, neck or shoulders; man's shawl ~ cimaamad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cumaamad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) maro leh midabyo kala geddisan oo ay raggu ku qaataan degta ama madaxa ku duubtaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cumaamad

DHAFANDHAAF
1

de: turban

2

lx: cumaamad

3

pd: (-da)

4

ps: n1-f

5

see: cimaamad

6

key: cumaamad

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cumuqcumuq

DHAFANDHAAF

m.dh (-qyo, m.dh) Hadal diidmo aan caddayni ku jirto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

camalxumi

DHAFANDHAAF

m.dh Dabeecad aan wanaagsanayn oo qof yeesho. la-mid: camalxumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

camalxumi

DHAFANDHAAF

m.dh Dabeecad aan wanaagsanayn oo qof yeesho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

camalxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad iyo dhaqanxumi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Camalxumo

DHAFANDHAAF
1

(Camalxuma-da)

2

Dabeecadxumo; carodhowaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

camalxumo

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: camalxumaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

camalxumo

DHAFANDHAAF

f. n., [compound] bad behavior, bad temper

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Camalxumo

DHAFANDHAAF
1

Cattivo carattere

2

Bad character

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

camalxumo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad iyo baaxaalli dadka badhkood leeyihiin oo ah cadho degdeg ah. Dh: cadhoxumo. Li: camalsami.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

camalxumo

DHAFANDHAAF
1

de: bad behavior, bad temper

2

lx: camalxumo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f-cmp

5

key: camalxumo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunnaxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) niyad u hayn la'aanta cunnada oo qofku kolba wax yar uun oo gaajada ka bi'iya uu cuno. Cunnaxumidu nafaqadarro ayay carruurta u keentaa. Dh: cuntoxumi. Li: cuntabadi, hunguriweyni, cirweyni.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cunnaxumo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) niyad u hayn la'aanta cunnada. Dh: cunnaxumi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jamaanjum

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xabagta isku jirta ee aan lakal sifayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kumaankun

DHAFANDHAAF

m.l.t. Tiro ka kooban dhowr kun oo la isu geeyay; tiro aad u badan oo aan go'nayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kumaankun

DHAFANDHAAF

m.l.t. Tiro ka kooban dhowr kun oo la isu geeyay; tiro aad u badan oo aan go'nayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kumaankun

DHAFANDHAAF

num., pl. thousands upon thousands

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kumaankun

DHAFANDHAAF

-ka: (adj) thousands (thaaw-sanzis); thousandth ~ kumanaal

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kumaankun

DHAFANDHAAF
1

de: thousands upon thousands

2

lx: kumaankun

3

pd: (-ka)

4

ps: num-m-pl

5

key: kumaankun

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sumallatume

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) ul geed quwaax oo yeelata taab taako le'eg iyo gadh daab-gudin shabbaha; agab xididxaniinyoodka wananeed lagu garaaco oo naafeeya. Sumallatumuhu wuxu ka mid yahay agabka badi sambiilka qoys miyi laga helo. Dh: tume.

waa la naqliyay ✓