culnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culnaan
m.f.dh eeg culan. la-mid: cugnaan, cugnaansho, culnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel cugan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuulnaan
m.f.dh eeg cuulan. la-mid: cuulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ulan ahaan. ulniin -ka: (magac, lab, keli) wax ulan ka dhigid. Dh: ulitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubnaan
m.f.dh eeg cuban². la-mid: cubnaansho, cugnaan, cugnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufnaan
m.dh Layiignimo; cumur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufnaan
m.dh Layiignimo; cumur.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cufnaan
Density
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cuf iyo mug is raacsan oo ay walaxi leedahay waxana lagu cabirraa halbeegyada kiiloogaraamyo mitirkii sadexjibaaran (kgm3) waxana lagu xisaabin karaa isle'egtan: cufnaan (cf) = cuf (c) / mugga (m). biyuhu boqol jeer bay ka cufnaan badan yihiin hawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugnaan
m.dh la-mid: Cubnaan; culnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la culay ahaan; culnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunnaan
m.f.dh eeg cunan. la-mid: cunnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curnaan
m.f.dh eeg curan. la-mid: curnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulnaan
m.f.dh eeg hulan. la-mid: hulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid hulan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulnaan
m.f.dh eeg lulan². la-mid: lulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lulan ahaan: laadlaadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulnaan
m.f.dh eeg xulan. la-mid: xulnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugnaansho
m.l/dh 1. la-mid: cubnaan. 2. la-mid: culnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culnaansho
m.l/dh la-mid: culnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuulnaansho
m.l/dh la-mid: culnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawlnaan
m.f.dh eeg cawlan. la-mid: cawllanaan, cawllanaansho, cawlnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawlnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cawllanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukanaan
(Cukanaan-ta)
Wax cukan ahaan; wabaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukanaan
m.f.dh eeg cukan. la-mid: cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukanaan
f. n., [abstract] state of having drunk its fill (of an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cokanaan; cokani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukanaan
de: state of having drunk its fill (of an animal)
lx: cukanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cukanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel, cugid oo hogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurnaan
m.f.dh eeg cuuran². la-mid: cuurnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulnaan
m.f.dh eeg kuulan. la-mid: kuulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la kuulay ahaan; indhakuulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuulnaan
m.dh la-mid: tųurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulnaan
(tilmaame) wax tuulan ahaan; tuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culan
Culay lagu culay; (ama cugan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la culay ahaansho. la-mid: cugan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la culay ahaansho. m.f.dh, culnaan. la-mid: cugan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culan
der. [adjective] cleaned by heat and smoke (of a milk-vessel)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Culan
name-f pure; good hearted one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Culan
magac loo baxsho gabadh laga filaayo niyad fiicni iyo daacadnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culan
(tilmaame) weel la culay; lagu qalwiyey maygaag. Dhiisha tii culan, ku shub caanaha. Dh: cugan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culan
a: cugan
de: cleaned by heat and smoke (of a milk-vessel)
lx: culan
pd: (culnaa)
ps: adj-der
key: culan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunaa
(Cunaa-ga)
Cunto badan cuna; aad wax u cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunaa
m.l C. ah: qof aad u cir weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunaa
m.l C. ah: qof aad u cir weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunaa
m. n. big eater
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunaa
-ga: (n) eater (zzter); big eater
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunaa
-ga: (magac, lab, keli) dugaag ama qof aad wax u cuna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunaa
de: big eater
lx: cunaa
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: cunaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunan
f.mg4 (-unnaa, -unnayd) Wax la cunay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunan
(tilmaame) wax la cunay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaan
(Bulaan-ka)
Hadal badan oo isku darmay oo aan kala qeexnayn; hugun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaan
bulaan¹: m.l 1. Cod weyn aan ereyadiisu sugnayn oo dad badan oo isku mar hadlaya sameeyaan. 2. la-mid: bulaamid.
bulaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dad badan oo isku mar hadlaya codweyn oo aan ereyadiisu sugnayn sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulaan
bulaan¹: m.l 1. Cod weyn aan ereyadiisu sugnayn oo dad badan oo isku mar hadlaya sameeyaan. 2. la-mid: bulaamid.
bulaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dad badan oo isku mar hadlaya codweyn oo aan ereyadiisu sugnayn sameyn. m.f.dh, bulaamid .
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulaan
v. babble, speak jibberish, talk nonsense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulaan
-ka: (n) noisy sounds of a chattering crowd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal hugun ah oon kala caddayn. Meesha bulaan ayaan maglayee wax jooga ma arag. Dh: hadaaq, hugun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulaan
de: babble, speak jibberish, talk nonsense
lx: bulaan
pd: (bulaamey)
ps: v1=
key: bulaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaan
(Calaan-ka)
Aan korin; cilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof garaadkiisu aad u yaryahay. 2. Cilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof garaadkiisu aad u yaryahay. 2. Cilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaan
m. n. dwarf, midget
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaan
-ka: (n) mentally or physically retarded or disabled person; cretin (kiriiten)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka u dhaqma si aan habboonayn ama garashadiisu naqan tahay. Dh: doqon, nacas, dabbaal.
calaan -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo aan u korin sidii caadiga ahayd ama aad u gaaban. Dh: cilin, calaanberi, coon.
calaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo aan u korin sidii caadiga ahayd. Dh: cilin. calaanberi-ga: (magac, lab, keli) eeg calaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaan
de: dwarf, midget
lx: calaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: calaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaan
(Canaan-ta)
Hadal kulul oo lagu yiraahdo qof wax ba'shey ama wixii la faray diidey ama isku-laday; xaarxaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaan
f. n. reprimand, scolding, abuse; bad language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaan
-ta: (n) admonishment (adh-moosh-ment); reproof (ri-puruuf)', reprimand (rep-ra-mend); censure (shen-shar); criticism (kiriti-siizim)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANAAN
Rimprovero
Reprimand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canaan
Rimprovero
Reprimand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kulul ula hadlid ama la diririd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaan
de: reprimand, scolding, abuse; bad language
lx: canaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: canaan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CILAAN
(Elan) NFD, S, C, May Lawsonia inermis L. Lytheraceae.
S Cadaba sp. Capparidaceae.
S Combretum contractum Engl. Combretaceae.
S Terminalia brevipes Pampan. Combretaceae.
N Flueggea leucopyrus Willd. Euphorbiaceae.
N Flueggea virosa (Willd.) Voigt. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaan.
cilaan -ka: (magac, lab, keli) geed caleemaad laga sameeyo xinaha. Dh: xinne, cillaan.
cilaan-ta: (magac, dhedig, keli) gabadha aan qaab lahayn ee jidhkeedu dhamaystirnayn. Dh: culaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culaab
(Culaab-ta)
Baariga hoos u dhacaya oo wax waliba ku hayaan waxa sida, jiidashada dhulka daraaddeed; culays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaab
m.dh Culayska shey leeyahay; miisaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culaab
m.dh Culayska shey leeyahay; miisaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaab
f. n. weight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaab
-ta: (n) weightiness; heaviness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Culaab
Peso
Weight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaab
-ta: (magac, dhedig, keli) baariga hoos u dhaca oo wax waliba waxay dul saaran yihiin ku hayaan. Waxa arrintan keena, falgalka jiidashada ee uu dhulku leeyahay.
culaab-ta: (magac, dhedig, keli) culayska aad sido ee ka badan tankaaga. Dh: culays, miisaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culaab
cf: culays
de: weight
lx: culaab
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: culaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cullan
-ka: (magac, lab, keli) sabab daraaddeed. Sacaan cullankii, ceelka ugu dhacay, ha i camcamiyee, ha iga celinina.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuntan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid. m.f.dh, cuntamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuntan
v. be agreeable, delicious, fit to eat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuntan
- u cuntamin: (v) be acceptable; satisfy (satisfaay) Ex: arrintaas nooma cuntanto; this case isn't acceptable to us
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntan
(fal) (u ~) u qalan; ku habboonaw.
cuntan -ka: (magac, lab, keli) «u ~» u qalmid; ku habboonaan; istaahilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuntan
de: be agreeable, delicious, fit to eat
lx: cuntan
pd: (cuntamay)
ps: v1=
xe: yahay It is unacceptable' [fig]
xv: Waa cuntami la
key: cuntan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
funaan
-ka: (magac, lab, keli) meel xaaluf ah ama abaari heshay, daaq ka raadin.
funaan -ka: (magac, lab, keli) xaabka dhulka ku hadha xilliyada abaaraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulaan
(Gulaan-ka)
Geed xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaan
m.l 1. Geedgaab caleemo dhanaan, daranta la bah ah, oo geelu daaqo. 2. Neef ama qof hagaas noqday oo korriimadii ka xumaatay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gulaan
m. n., [collective] plant species, grazed by camels and other livestock
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GULAAN
(Gulan) N,C Salsola foetida Del. Chenopodiaceae.
N Sasola forskalii Schweinf. Chenopodiaceae.
N Salsola frutescens Pall. Chenopodiaceae.
N, C Salsola pycnophylla Brenan. Chenopodiaceae.
N Suaeda micromeris Brenan. Chenopodiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaan
-ka: (magac, lab, keli) awrka qoodha ah ee marka uu qooqo aan doobta soo ridin ee guuxa. Dh: goreyciil. Li: doob.
gulaan -ta: (magac, dhedig, keli) geed madow oo ka baxa dhulka biyaha leh oo xooluhu siiba geelu daaqo oo daran ama dhannaan uu ka helo.
gulaan -ta: (magac, dhedig, keli) hilib doqonnimo oo qofka fuula.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gulaan
de: plant sp., grazed by camels and other livestock
lx: gulaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gulaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulaan
m.l/dh Hul dheer oon salkiisu muuqan, bahalladuna galaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaan
-ka: (magac, lab, keli) hul dheer oon salkiisu muuqan, bahalladuna galaan.