culid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culid
(Culid-da)
Culay ku nadiifin; qoryo udgoon baa inta dab la gesho iyagoo kulul, weelka gudihiisa lagu ridaa oo lagu aabburaa oo lagu rogrogaa, si jeermigu qiiqaas iyo uumigaas ugu dhinto: (ama cugid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culid
m.f.dh eeg cul. la-mid: cugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culid
-da: (magac, dhedig, keli) culay ku nadiifin; cugid; culis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuulid
m.f.dh eeg cuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulid
-da: (magac, dhedig, keli) darbid iyo iskudubbaridid. Dh: abaabulid, ulis.
ulid-da: (magac, dhedig, keli) qiiq ku shidid; weel iyo wax la mid ah buukhuurin. Dh: ulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulid
m.f.dh eeg bul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulid
-da: (magac, dhedig, keli) bul ka dhigid maydha, xaskul iyo waxii la mid ah, feedhfeedhid ama tumid. Dh: bulis.
bulid-da: (magac, dhedig, keli) cunid wax laguu yareeyey. Bulid horey ku joogtaye, baahi may qabine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubid
(Cubid-da)
Meel daloosha cub ku gufeyn; gufeyn; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubid
m.f.dh eeg cub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubid
-da: (magac, dhedig, keli) meel daloosha, gufayn; awdid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudid
-da: (magac, dhedig, keli) garbadduubid; xoog ku qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufid
-da: (magac, dhedig, keli) gufayn oo wax cufan ka dhigid. Dh: cufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugid
m.dh la-mid: Cubid; culid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar cusub oo billaabmi doonta, ciyaartoyda kala safan doonta kala doorad. Dh: cubtan.
cugid-da: (magac, dhedig, keli) weel caano lagu shubanayo, culid. Dh: hogayn, culid, cugitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culis
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, hogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunid
(Cunid-da)
1. Cunno, inta afka la geliyo oo la calaliyo, liqid.
2. Cawryid. kuunyid, ilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunid
m.f.dh eeg cun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunid
vl. n. eating, consumption (of something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunno, afka gelin oo calaalin oo dabadeed liqid. Dh: cunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunid
de: eating, consumption (of s.t.)
lx: cunid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: I take an oath against the eating of meat again.
xv: Waxaan nidir ka maray, hilib dambe cuniddii
key: cunid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulid
(Fulid-da)
1. (xoolo) meesha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen kategid, ka noqosho.
2. (arrin) meel marid; dhaboodid; dhaqan gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulid
m.f.dh eeg ful.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulid
-da: (magac, dhedig, keli) geel ka noqosho adoo biyo wata ama waraabshay xoolahii. Xooluhu way cabbeen oo fulid bay u dhaqaaqeen. Dh: fulis.
fulid-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo lagu jiray, dhaboobid oo dhaqangelid. Dh: meelmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulid
m.f.dh eeg hul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulid
-da: (magac, dhedig, keli) qodid oo dheerayn, fogayn; hulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulid
(Lulid-da)
1. Caano ruxid oo subag ka soo saarid.
2. Wax lalmada ka dhigid; laallaadin; raaricin.
3. Ruxid; gilgilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulid
m.f.dh eeg lul². la-mid: lulniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulid
-da: (n) wavering (weeyvaring); swing (iswing) ~ raaricin, laalaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u wadhaamin oo u dhaqdhaqaajin. Laantu way jabaysaaye lulidda ka daa. Dh: ruxid, lulis.
lulid-da: (magac, dhedig, keli) wax lalmanaya ka dhigid; meel soo sudhid. Dh: laadlaadin, raaricin.
lulid -da: (magac, dhedig, keli) caano iyo wixii la mid ah, ruxruxid oo subag kala bixid. Dh: lulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xulid
(Xulid-da)
1. Wax badan, kuwa ugu fiican soo soocid; doorid.
2. Dhir badan ama wax u eg, dhexmarid;
3. Tog kor u raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulid
m.f.dh eeg xul². la-mid: xul¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulid
-da: (magac, dhedig, keli) tog ama dix kor u marid oo saray u qaadid. Xulidda dixda waxa kuu dhaama waddo inaad doondoonato. Dh: xulis.
xulid-da: (magac, dhedig, keli) wax badan inta u fiican ka soocasho. Xulidda xulka qaranku wakhti bay qaadataa. Dh: doorid, xulis.
xulid -da: (magac, dhedig, keli) dhir badan oo duud ah dhexjibaaxid. Xulidda kaymuhu way halis badan tahay. Dh: mushaaxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yulid
-da: (magac, dhedig, keli) 'xoolo' isku didin oo wada eryid. Xooluhu kolkay soo fulaan yulidda ka ilaali. Dh: ulid; bullis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deebin
(Deebin-ta)
Deeb ku culid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cul
f.g1 (-ulay, -ushay) Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. m.f.dh, culid. la-mid: cug.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
disinfettare
v.tr. culid, jeermitirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugad
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar billaabmi doonta, ciyaartoyda ka qaybgali doonta kala doorasho calmasho. Dh: cubtamid, cugtamid, doorasho.
cugad -ka: (magac, lab, keli) weel cusub ama mid hore oo la nadiifinayo, cugay ku samayn. Dh: culid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogays
-ka: (magac, lab, keli) hilibka ama cunnada kale ee hogga lagu dubo. Dh: duban.
hogays -ka: (magac, lab, keli) gorof iyo wixii la mid ah, culid.
hogays -ka: (magac, lab, keli) urta udgoon ee gorfaha la hogeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogeysi
-ga: (magac, lab, keli) culidda weel caano lagu maalo. Dh: hogaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulmid
(Bulmid-da)
Wax bulmay noqosho; sii gurmid; sii rifmid; shiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulmid
m.f.dh eeg bulaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulmid
vl. n. decay, decomposition, deterioration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulmid
-da: (magac, dhedig, keli) bul iyo shaash noqosho. Xiggu bulmidda wuu ku fiican yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulmid
de: decay, decomposition, deterioration rw: bulan
lx: bulmid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: bulmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalid
m.f.dh eeg caal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caal ku dhacay oo buka ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfid
m.f.dh eeg calaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheefsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calwid
(Calwid-da)
Calow noqday; miirnimadii ka ba'day; dhooboobid; qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwid
m.f.dh eeg calow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawlid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cawl ah, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubmid
m.f.dh eeg cuban¹. la-mid: cugmid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cuboid
Sedjibeke
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cudbid
Conduct ion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudhid
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka oo xadhig ama wax la mid ah lagu giijiyo si uu barar u yeesho.
cudhid-da: (magac, dhedig, keli) dareenka in wax qofka haya, sida kaadi ama mantag, aanu isku celin karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugfid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ordaya ama ciyaaraya lug hor dhigid. Dh: qonfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugmid
m.dh la-mid: cubmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Culimo
magac loo baxsho gabadh laga filayo inay aqoon u lahaato cilmiga diinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culimo
-da: (magac, dhedig, keli) dad aqoon leh, gaar ahaan cilmiga Diinta.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cupide
cupide, adj. - Hunguri weynaan; waa hunguri weyn yahay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
curled
a., maroorsan, soohan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curmid
m.f.dh eeg curan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curqid
(Curqid-da)
Muruqyada curuq ka garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curqid
m.f.dh eeg curuq². la-mid: curuq¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curqid
vl. n. muscle stiffness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curqid
-da: (magac, dhedig, keli) isgelidda muruqyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curqid
de: muscle stiffness rw: curuq
lx: curqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: curqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudid
(Cuudid-da)
Cayaarta cuudka cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudid
m.f.dh eeg cuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta cuudka ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurid
m.f.dh eeg cuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmid
m.dh la-mid: dulmiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmid
-da: (magac, dhedig, keli) dulan iyo gardarro kula dhaqmid dadka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duulid
(Duulid-da)
1. Hawada dhexdeeda marid sida haadka iyo dayuuradaha; haadid; lalid; heehaabid.
2. Col badani, inuu soo dagaallamo oo cid wax soo yeelo, u bixid; xarbi aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duulid
duulid: m.f.dh eeg duul². la-mid: duulis.
dųulid: m.f.dh eeg dųul². la-mid: dųulis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulid
vl. n. flight, act of flying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulid
-da: (n) flight (falaayt); the act of flying ~ duulis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulid
-da: (magac, dhedig, keli) marka noole taagnida ka kaco ama uu duulo. Aboodigu waa shinbir duulid badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulid
de: flight, act of flying
lx: duulid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: duulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulid
(Fuulid-da)
Korid; tafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulid
m.f.dh eeg fuul. la-mid: fuulis², fuullimaad, fuulmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuulid
vl. n. boarding, act of getting on a vehicle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha uga bixid; dushiisa korid. Dh: fuulis, koris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuulid
de: boarding, act of getting on a vehicle
lx: fuulid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: fuulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulfid
(Gulfid-da)
Guluf ku duulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfid
m.f.dh eeg guluf². la-mid: guluf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulfid
-da: (magac, dhedig, keli) guluf ku duulid; weerar weyn ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulid
(Guulid-da)
1. Habeen ceel iyo aroor ku dhixid.
2. Bajin; cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulid
m.f.dh eeg guul³. la-mid: guul¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulid
-da: (magac, dhedig, keli) is gargaarsi; is kaashi. Guuliddu waxay fududaysaa hawl aan keli la qaban karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmid
(Kulmid-da)
Meel isugu imaansho; ururid; isgaarid; shirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmid
m.f.dh eeg kulan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho. Dh: shirid.
kulmid-da: (magac, dhedig, keli) marka falaadho (ilays, kul, kaah) oo barbarro u wada socda, wax ay isku soo duwaan ama ay soo dhexmaraan ee ay meel ku kulmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuulid
(Kuulid-da)
(indho) indhakuul marin, ku qurxin, ku madoobeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulid
m.f.dh eeg kuul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.