cuf'isjiidad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuf'isjiidad
-ka: (magac, lab, keli) xoog'isjiidadka isku haya walaxaha waaweyn ee uunka. Waa xoogga sababa in ay walxuhu xagga dhulka u soo karaaraan oo ay u soo shalwadaan. Haddii laga baxo cuf'isjiidadka dhulka hawada ayaa la heehaabaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufisjiidad
cufisjiidad¹: m.dh Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira.
cufisjiidad²: m.dh (fiisikis) Ifafaalaha la xiriira xoogga soo jiidashada dhulku uu ku hayo walax kasta oo cuf leh, taalana oogada dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cufisjiidad
Gravity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuf-isjiidad
cuf-isjiidad¹: m.dh Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira.
cuf-isjiidad²: m.dh (fiisikis) Ifafaalaha la xiriira xoogga soo jiidashada dhulku uu ku hayo walax kasta oo cuf leh, taalana oogada dhulka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuf is-jiidad
-ka: (n) gravity (garaaviti) ~ siiba cuf-jiidadka dhulka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhusinraac
m.l (baayoloji) Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhusinraac
m.l (baay.) Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gravitation, Newton's law of
Xeerka Niyuutan ee cuf-isjiidadka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarcuf'isjiidad
-ka: (magac, lab, keli) summadda (g.), karaarka ay la kulanto walax iskeed ugu soo dhex dhacda badada cuf'isjiidadka dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bahisjiidad
Cohesion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindiidad
-ka: (magac, lab, keli) caano biyo ku darsad; badhxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirfiidad
m.dh Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirfiidad
m.dh Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirfiidad
f. n. she-devil, demon, female evil spirit
cirfiidad [feminine] n. bulldozer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bah'isjiid
-ka: (magac, lab, keli) isa soo jiidashada ka dhexaysa xaynatamka dareeraha ee qaabka dhibcaha u yeela dareere khafiif iyo dhumuc yar isku darsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddijiidid
(Ciddijiidid-da)
Cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddijiidid
m.dh la-mid: cagajiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddijiidid
-da: (magac, dhedig, keli) socodka ka cagajiidid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qalaadisjiidad
Adhesion