cuf is-jiidad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuf is-jiidad
-ka: (n) gravity (garaaviti) ~ siiba cuf-jiidadka dhulka
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufisjiidad
cufisjiidad¹: m.dh Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira.
cufisjiidad²: m.dh (fiisikis) Ifafaalaha la xiriira xoogga soo jiidashada dhulku uu ku hayo walax kasta oo cuf leh, taalana oogada dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cufisjiidad
Gravity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuf'isjiidad
-ka: (magac, lab, keli) xoog'isjiidadka isku haya walaxaha waaweyn ee uunka. Waa xoogga sababa in ay walxuhu xagga dhulka u soo karaaraan oo ay u soo shalwadaan. Haddii laga baxo cuf'isjiidadka dhulka hawada ayaa la heehaabaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuf-isjiidad
cuf-isjiidad¹: m.dh Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira.
cuf-isjiidad²: m.dh (fiisikis) Ifafaalaha la xiriira xoogga soo jiidashada dhulku uu ku hayo walax kasta oo cuf leh, taalana oogada dhulka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gravity
/graaviti/ (n) 1. cuf is-jiidad, siiba cuf-jiidadka dhulka (n) 2. ahmiyad (culayska iyo khatarta arini leedahay). e.g. He realized the gravity of the situation.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bahisjiidad
Cohesion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuris-jiilaal
m.l 1. (botani) Habaynta qaybaha ruqurka ubaxa, gaar ahaan laacayaasha iyo malaacayaasha. 2. (cilmiga naflayda) Xaalad firfir-cooni la'an ah oo ay xayawaanka qaarkii gelaan xilliyada abaartu dheeraato iyo kulaylka. Waxa kale oo hoos u dhaca quudashada, neefsiga iyo dhaqdhaqaaqaya-da kale ee jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuris-jiilaal
m.l 1. (botani) Habaynta qaybaha ruqurka ubaxa, gaar ahaan laacayaasha iyo malaacayaasha. 2. (cilmiga naflayda) Xaalad firfircooni la'an ah oo ay xayawaanka qaarkii gelaan xilliyada abaartu dheeraato iyo kulaylka. Waxa kale oo hoos u dhaca quudashada, neefsiga iyo dhaqdhaqaaqayada kale ee jidhka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kayd cufisjiidad
Gravitational potential
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddijiidid
(Ciddijiidid-da)
Cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddijiidid
m.dh la-mid: cagajiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddijiidid
-da: (magac, dhedig, keli) socodka ka cagajiidid.