ereyga

cudurro-faafa

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cudurro-faafa

DHAN

m.dh (daawo) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cudurrafaafa

DHAFAN

m.dh (-rro .., m.dh) (daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cudurraagay

DHAFANDHAAF

m.l (-rro ..., m.dh) (daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cudur-raagay

DHAFANDHAAF

m.l (-rro ..., m.dh) (daawo) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cudurdaaro

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-rtay, -ratay) Cudurdaar sheegasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cudurdaaro

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-rtay, -ratay) Cudurdaar sheegasho. m.f.dh, cudurdaarasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cudurdaaro

DHAFANDHAAF

(fal) dhalliil jirta sabab u raadi oo cid kale, cudurdaar u sheego. Ninkaa waad ku geftee u cudurdaaro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cudurdaarad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) gef la sameeyay, garawshiinyo iyo wax laga garaabi karo ku sababayn. Dh: raalligelin, garowshiinyo.

waa la naqliyay ✓