cudurrada galmada
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudurrada galmada
m.dh (daaw.) (C.G.) Cudur kasta oo la isugu gudbiyo galmada ama isutagga ragga iyo dumarka. C. g.du waxay ka koobanyihiin: eydiska, xabbadda (waraabow), jabtada, herbiska cawrada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinjirrageed
m.l (-yo, m.dh) (daawo) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eydhis
m.l (daawo)(AIDS) Cudur uu keeno fiirus wuxuuna ku yimaadaa fiiruska oo baabi'ya qaybhoosaad ka mid ah unugyada “linfosaytis” la yiraahdo taaso keenta hoos u dhicid difaaca jirka. E.ku, sida badan, wuxu ka mid yahay cudurrada galmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holac-kaadimareen
m.l (-cyo .., m.dh) (daawo) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabto
jabto¹: m.dh Cudur ku dhaca xubnaha dhalmada iyo kaadida: waxaa ka yimaada malax iyo carun, waana lays qaadsiiyaa. la-mid: jabti.
jabto²: m.dh (daawo) Cudur ka mid ah cudurrada galmada waxaana keena baktiiriyada loo yaqaan “Neisseria gonorrhoeae” wuxuu ku dhacaa xubnaha cawrada ee ragga iyo dumarkaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
linfogaranuloomo
m.dh (-mooyin, m.l) (daawo) Cudur ka mid ah cudurrada galmada oo uu keeno kalaamiidiya; wuxuuna ku badanyahay dalalka cimilada kulul leh. Nabarka ugu horreya oo ku dhaca (cawrada) xubnaha galmada waxa weheliya qanjirbararsarcada, xididdada liinfada ee ku yaal xubnaha galmada way xirmi karaan taas oo keenta adkaansho maqaarka meeshaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabow
waraabow¹: m.l Cudur xun oo laysku qaadsiiyo isu tegidda ragga iyo dumarka ama lala dhasho; xabbad.
waraabow²: m.l (daawo) Cudur muddo dheer oo ka mid ah cudurrada galmada, waxaana keena baktiiriyuunka “trepopnema pallidum” oo jirka ka gala meel dhawac ah.
waraabow³: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Waraabe noqosho. 2. Wax hilib badan cuna noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cinjirrageed
m.l (-yo, m.dh) (daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eydhis
m.l (daaw. AIDS) Cudur uu keeno fiirus wuxuuna ku yimaadaa fiiruska oo baabi'ya qaybhoosaad ka mid ah unugyada 'linfosaytis' la yiraahdo taaso keenta hoos u dhicid difaaca jirka. E.ku, sida badan, wuxu ka mid yahay cudurrada galmada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
holackaadimareen
m.l (-cyo .., m.dh) (daaw.) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jabto
jabto¹: m.dh Cudur ku dhaca xubnaha dhalmada iyo kaadida: waxaa ka yimaada malax iyo carun, waana lays qaadsiiyaa. la-mid: jabti.
jabto²: m.dh (daaw.) Cudur ka mid ah cudurrada galmada waxaana keena baktiiriyada loo yaqaan 'Neisseria gonorrhoeae' wuxuu ku dhacaa xubnaha cawrada ee ragga iyo dumarkaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
linfogaranuloomo
m.dh (-mooyin, m.l) (daaw.) Cudur ka mid ah cudurrada galmada oo uu keeno kalaamiidiya; wuxuuna ku badanyahay dalalka cimilada kulul leh. Nabarka ugu horreya oo ku dhaca (cawrada) xubnaha galmada waxa weheliya qanjirbararsarcada, xididdada liinfada ee ku yaal xubnaha galmada way xirmi karaan taas oo keenta adkaansho maqaarka meeshaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabow
waraabow¹: m.l Cudur xun oo laysku qaadsiiyo isu tegidda ragga iyo dumarka ama lala dhasho; xabbad.
waraabow²: m.l (daaw.) Cudur muddo dheer oo ka mid ah cudurrada galmada, waxaana keena baktiiriyuunka 'trepopnema pallidum' oo jirka ka gala meel dhawac ah.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CUDURRADA SHAQADA
Malattie professionali
Occupational diseases
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudurka ameebada
n. phr. amoebal disease
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cudurka_ameebada
de: amoebal disease
lx: cudurka ameebada
ps: np
key: cudurka_ameebada
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudurka malaryada
n. phr. malaria
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cudurka_malaryada
de: malaria
lx: cudurka malaryada
ps: np
key: cudurka_malaryada
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GUNNADA JAGADA
Indennità di carica
Responsibility allowance
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gurada raandada
Cufadda raandada. Duleelka middidu ka gudubto isla markaana dufulka laga raandeeyey looxu soo galo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudurka caloosha
n. phr. stomach disease
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xukumidda talaabada
pace judgement