cudur-raagay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudur-raagay
m.l (-rro ..., m.dh) (daawo) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudurraagay
m.l (-rro ..., m.dh) (daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ufaayow
m.l.kh Cudur raagay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
long
a., dheer; long in prayer, duca ku raag, -gi; long disease, cudur raagay; you are very long in coming, waad raagtaa; long after, ad., goor dambow; how long is it since? imisaa ka dambeeyay or dambaysay?
long, ad., long ago, beri hore; not long before, ayaamo dhoweyd; ere long, goor dhowba; I will come ere long, goor dhowba waa imaan doonaa; as long as I live, inta aan noolahay; as long as he is virtuous he will be admired, intaas uu wanaagsan yahay waa lala yaabi; all my life long, intaan jiray oo dhan, or intaan noolaa oo dhan, or intaan noolaa oo idil; all day long, maalin oo idil.
long, v.tr., (desire earnestly) ka raag; I long to see him, araggaagi baan ka raagsanahay, or inaan arko waan doonayaa; long for, tabaalaysnaw; he longs for this place, meeshatanuu u tabaalaysanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraafay
(fal) curraafnimo ku shaqayso. Dh: faali, d curraafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarad
-ka: (magac, lab, keli) gef la sameeyay, garawshiinyo iyo wax laga garaabi karo ku sababayn. Dh: raalligelin, garowshiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudurro-faafa
m.dh (daawo) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudurdaar
cudurdaar¹: m.l (-rro, m.dh) Sababta uu qof ka sheego waxa arrin ku kalliftay.
cudurdaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U c.: sababta arrin kalliftay sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudurdaar
cudurdaar¹: m.l (-rro, m.dh) Sababta uu qof ka sheego waxa arrin ku kalliftay.
cudurdaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U c.: sababta arrin kalliftay sheegid. m.f.dh, cudurdaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudurdaar
m. n. excuse, justification; acquittal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cudurdaar
-ka: (n) excuse (ekiskiyuus)-, justification (jas tifikeyshin)', alibi (alabaay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaar
(fal) «u ~» raalligelinta ka aqbal; u saamax; u garaw.
cudurdaar-ka: (magac, lab, keli) sababta uu qof gef ka dhacay u sameeyay, oo badanaa ah mid laga garaabi karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cudurdaar
a: cudaddaar
de: excuse, justification; acquittal
lx: cudurdaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: marmarsiinyo
key: cudurdaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durraamad
(Durraamad-da)
Durraamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durraamad
m.l la-mid: durraamasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraamad
-da: (magac, dhedig, keli) bahal lagu ciyaaro oo la isku maaweeliyo xilliyada firaaqad ah. Durraamad bay ciyaarayaan wiilashii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraaxad
-da: (magac, dhedig, keli) marada lagu dul goglo furaashka ama sariirta. Durraaxadda ka beddel sariirta oo mid nadiif ah saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudurdaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Cudurdaar sheegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudurdaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Cudurdaar sheegasho. m.f.dh, cudurdaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaaro
(fal) dhalliil jirta sabab u raadi oo cid kale, cudurdaar u sheego. Ninkaa waad ku geftee u cudurdaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) curraafnimo ku shaqaysi; curraafays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraafays
-ka: (magac, lab, keli) eeg curraafayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudurdaarid
m.f.dh eeg cudurdaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, gef uu sameeyay, sabab lagu dhaafo u raadin; qof gef sameeyay, saamixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudurrafaafa
m.dh (-rro .., m.dh) (daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudurdaarasho
m.f.dh eeg cudurdaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cudurdaarad.