ereyga

cudur-aqoonsi

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cudur-aqoonsi

DHAN

m.l (daawo) Aqoonsiga cudur oo uu takhtarku ku gaaro: wareysiga bukaanka, astaamaha cudurka iyo baaritaan sheybaar iyo raajo iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cuduraqoonsi

DHAFAN

m.l (daaw.) Aqoonsiga cudur oo uu takhtarku ku gaaro: wareysiga bukaanka, astaamaha cudurka iyo baaritaan sheybaar iyo raajo iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daawo

DHAABAN
1

daawo: m.l la-mid: taawo¹.

2

dąawo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iyo wixi lamida lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. la-mid: dawo.

3

daawo²: f.g3 (-waday, -wadatay) Wax in muddo ah indhaha ku hayn.

4

dąawo²: m.dh (-ooyin, m.l) (daawo) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

raadiyografi

DHAABAN

m.l (-iyo, m.dh) (daawo) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

daawo

DHAABAN
1

daawo: f.g3 (-waday, -wadatay) Wax in muddo ah indhaha ku hayn. m.f.dh,daawasho.

2

dąawo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iyo wixi lamida lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. la-mid: dawo.

3

dąawo²: m.dh (-ooyin, m.l) (daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

raadiyografi

DHAABAN

m.l (-iyo, m.dh) (daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baaritaanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcalooleed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

raadiyografi

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) raajada cuduragoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo falladhaha ekis (x-rays) waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beer-aqoon

DHAFANDHAAF
1

beer-aqoon¹: m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga beeraha aqoon u leh.

2

beer-aqoon²: m.dh Aqoonta cilmiga beeraha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

beer-aqoon

DHAFANDHAAF
1

beer-aqoon¹: m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga beeraha aqoon u leh.

2

beer-aqoon²: m.dh Aqoonta cilmiga beeraha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cudurdaaro

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-rtay, -ratay) Cudurdaar sheegasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cudurdaaro

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-rtay, -ratay) Cudurdaar sheegasho. m.f.dh, cudurdaarasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cudurdaaro

DHAFANDHAAF

(fal) dhalliil jirta sabab u raadi oo cid kale, cudurdaar u sheego. Ninkaa waad ku geftee u cudurdaaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xubno-aqoon

DHAFANDHAAF

f. n., [compound] anatomy

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cudurdaarniin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg cudurdaarid.

waa la naqliyay ✓