coofle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Coofle
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay lahaa yix ama timo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofle
-ha: (magac, lab, keli) ninka timaha aan dayactirin ee aan jarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Coofley
(Coofley-da)
Shinbir-badeed cad oo dabaal badan oo wadajir isu raacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coofley
m.dh 1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
coofley
f. n. white sea bird species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofley
-da: (magac, dhedig, keli) shinbirbadeed cad oo dabbaal badan oo wadajir isu raacda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
coofley
de: white sea bird sp.
lx: coofley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: coofley
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
corolle
corolle, n.f. - Qaybta hoose ee ubaxa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cosoble
name: Osoble
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cosoble
name-m fresh, new. Cf: Cosob, Cosobo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cosoble
magac loo baxsho wiil qurux badan oo lagu metaalay daaq dhowaan baxay oo araggana u qurxoon. Waxa kale ee loo baxshaa wiil xilli barwaaqo ah dhashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cosoble
de: Osoble
lx: Cosoble
ps: name-m
key: Cosoble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Coof
(Coof-ka)
Timo aan la dhawrin ee iska baxa sida bulbusha libaaxa iyo daayeerka; baabbul; gas; shaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coof
m.l Timo aad u baxay oo aan laga shaqayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
coof
m.l Timo aad u baxay oo aan laga shaqayn. coofley m.dh 1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
coof
m. n. tangled hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coof
-ka: (magac, lab, keli) timo aan la dhawrin oo aad u baxa oo isku marma sida bulbusha libaaxa iyo daayeerka. Dh: hoolif, baabbul, gas, bulbul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
coof
de: tangled hair
lx: coof
pd: (-ka Pl: coofaf (ka))
ps: n4-m
key: coof
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cool
/kuul/ (adj) 1. qaboow-yar (adj) 2. deggan (xasillan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cool
a., qabow.
cool, v.tr., (make cool) qabowji; v.i., (grow cool) qabow; v.r., qaboojiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boofe
-ha: (magac, lab, keli) faan cidi isbuunbuuniso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codle
m.l (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo dabayl xoog lihi afka ka soo baxdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codle
m.l (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo dabayl xoog lihi afka ka soo baxdo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
còlle
s.m. - buur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
colle
colle, n.f. - Koolo, Xabag.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
collé
collé, adj. - Taageere.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gofle
-ha: (magac, lab, keli) xanuun ku dhaca cirridka; ilkaha iyo hunguriga oo lagu daaweeyo geedka la yidhaahdo geedbey. Gofle ayaa wiilka ku dhacay ee geedbey ii keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moole
(Moola-ha)
Aqallada miyiga jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moole
m.l (-layaal, m.l/dh) Aqallada miyiga jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moole
m. n. nomadic hut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moole
-ha: (magac, lab, keli) aqallada miyiga jaad ka mid ah. Agal moole ah ayaan seexday.
moole-ha: (magac, lab, keli) bir mishiin la geliyo oo biraha kale lagu jaro ama bir af leh lagu soofeeyo. Dh: mool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moole
cf: miyi
de: nomadic hut
lx: moole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: moole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noole
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noole
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iyo wixi lamida.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noole
-noolaha: (n) living being; creature (ki riijar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noole
-ha: (magac, lab, keli) makhluuqaadka intooda naf ama nololi ku jirto. Dh: nafley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid oof ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofee
(fal) cid kale, oof ku ridid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oogle
nickname; name-m to kindle, to light a fire; to drive, to urge on; high flames; early dawn. Lit: troublesome or he who was born early in the morning or at dawn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Oogle
magac loo baxsho wiil quruxdiisa lala yaabay oo ay hooyadii u arkaysay in uu la mid yahay kaaha dabka ka baxa kolka la ololiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofe
(Soofa-ha)
Qalab birlab ah oo korka gan wax xagta ku leh, oo birta iyo wixii la mid ah oo adag lagu sinsimo ama lagu afeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Qalab bir ka samaysan oo korka gano wax xagta ku leh oo birta iyo wixi lamida lagu simo ama lagu afeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Qalab bir ka samaysan oo korka gano wax xagta ku leh oo birta iyo wixi lamida lagu simo ama lagu afeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofe
m. n. knife-sharpener, whetstone
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soofe
nickname-m sharpener, whetstone, grindstone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofe
-soofaha: (n) file (faayl); sharpener (shaar-piner)', hone (hoone), whetstone (wit-istoori)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofe
-ha: (magac, lab, keli) qalab birlab ah oo korka gan wax xagta ku leh, oo birta iyo wixii la mid ah oo adag lagu simo ama af loogu yeelo ama lagu soofeeyo. Soofe mari gudinta. Dh: Lisin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Soofe
Qalabka birta ama looxa lagu xaquuqo ee leh xanaf wax hoosha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofe
cf: sikhile
de: knife-sharpener, whetstone
initial: s
lx: soofe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: soofe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
coddle
/kodhal/ (v) koolkoolin (shuushaamin).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Coffee
Bun
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
coffee
/koofi/ (n) bun (kafee).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
coffee
n., (berry) bun, -ki; coffee husks, qashir or qashar, -ki, qahwa, -ihi; coffee pot, ibriiqa qahwa ah; Arabic coffee, jemelad, -di; coffee shop, maqaayad, -di; coffee house keeper, maqaawi, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
coffre
coffre, n.m. - armaajo adag; Kabadhka yar: Sanduuq weyn oo adag oo lacagta iyo dahabka iwm lagu rito ama lagu qaato.
coffre-fort - Khasnad; Anmaan ah; Badqaba.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
comble
comble, n.m, - buuxa heerka ugu sarreeya.
les combles - Saqafka; dedka (sida sagafka guryaha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Coobbe
(Coobba-ha)
Xididdada surka, kan ugu weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coobbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Cunaha awrka ee buufsima marka gulguloonayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
coobbe
m. n. jugular vein
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coobbe
-ha: (magac, lab, keli) inta dhuunta iyo gadhka u dhaxaysa; xididdada surka, kan ugu weyn ama labada jiqlood iyo booca; booca labadiisa barbar iyo xididada mara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
coobbe
cf: xidid
de: jugular vein
lx: coobbe
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: coobbe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cookie
/kuuki/ (n) buskud.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cooled
Qabowsan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cooler
/kuular/ (n) qaboojiye
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cooler
Qaboojiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coolli
m.l/dh Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Coolli
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo cayilan oo sida daruurta biyaha leh buuxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coolli
-ga: (magac, lab, keli) daruur isku cufan oo biyo culus xanbaarsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Coombe
Waadi bcraf
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Couple
Sidig
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
couple
/kapal/ (n) 1. labo (laba qof ama laba-shay). (n) 2. lammaane (laba qof oo is-qaba ama wada socda) (n) 3. dhawr (xoogaa).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Couple
Dhawr
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
couple
couple, n.m. - Laba qof ama laba shay (Nin iyo Naag).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
doodle
/dhuudhal/ (v) 1. feegaarid, falaadid (n) 2. feegaar, falaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodle
-ha: (magac, lab, keli) ninka foodda ku leh timo ka weyn inta caadiga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxle
m.l (-layaal, m.l/dh) Wadaad joogto ahaan u fooxiya.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jooqle
nickname-m elegance, finery, splendor. Cf: Mardaadi, Maruudi, Xarrago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jooqle
magac ama naanays loo baxsho qurux badan ama ay ka muuqdaan saansaanyihii xarrago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moofee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: muufee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moofee
v. bake flat bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moofee
(fal) moofo ku bislee. Qooshka adkee oo innoo moofee. Dh: muufee, moofay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moofee
de: bake flat bread
lx: moofee
pd: (moofeeyey)
ps: v2b=tr
key: moofee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noodle
/nuudhal/ (n) baasto dheer-dheer oo laga sameeyo bur, biyo iyo ukun oo badanaa maraqa lugu dhex cuno.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
poodle
/puudhal/ (n) eeyaha nooc ka mid ah oo dhogor badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rooble
name: Roble
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rooble
name-m rain-maker; he who was born at a rainy seaon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rooble
magac loo bixiyo wiil dhasha xilli roob da'ayo ama waqtiga guga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rooble
de: Roble Lit: rain man
lx: Rooble
ps: name-m
key: Rooble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn. m.f.dh, soofayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofee
v. sharpen (with a whetstone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofee
-yey / soofeysay: (v) file (faayl)-, sharpen (shaarpen); hone (hoon); rasp (raasp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofee
(fal) af u yeel. Dh: afee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofee
de: sharpen (with a whetstone)
initial: s
lx: soofee
pd: (soofeeyey)
ps: v2b=tr
key: soofee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XOOBLE
(Hobble) C.N Cardiospermum corindum L. Sapindaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhle
wiil ku dhashay meel boodh iyo siigo leh ama wiil midabkiisu madaw iyo casaan isku jira yahay oo boodhka u eg.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
booklet
/buuklet/ (n) buug yer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqolle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof lab ah. 2. Nin aad u fiican. la-mid: boqollow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolle
-ha: (magac, lab, keli) aadame lab. Bogolle ninkii dilaa bogol buu bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoole
m.l Socod la socdo waqtiga qorraxdu aad u kulushahay. la-mid: baqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagoole
-ha: (magac, lab, keli) qof ama wax lugo uu ku joogsado aan lahayn; qof naafo ah oo cagaha aan ku socon karin.