coodhcoodhin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coodhcoodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qallafsan oo isku jactadsan ka dhigid. Li: sigibtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coodhcoodhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg coodhcoodhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coodhcoodh
-ka: (magac, lab, keli) jidhka dadku marka uu gaboobo ee uu isku rooro qaabka uu noqdo; jidh, harag, iyo wixii la mid ah, oo cudur ama dayac dartiis u googgo'a. Dh: hoodhhoodh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coodhcoodhitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax coodhcoodhay ka dhigitaan. Dh: hoodhhoodhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhmoodhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u humoobid oo calal noqosho. Dh: moormoorid, humoobid.
moodhmoodhid-da: (magac, dhedig, keli) xoog u bislaasho oo jilayc aan loo baahnayn noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhfoodh
-ka: (magac, lab, keli) kibir ka badbadin ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhoodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) orod kolba dhinac loo weecdo oo la mitmitiligo. Dh: jarjarid, madhmadhoodhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhmoodh
(fal) duugaw oo wax aad u humoobay noqo. Go'yahaw moodhmoodh ku kalaan kaa iibsdaye. Dh: moormoor. Li: cusbaw.
moodhmoodh: (fal) muudhmuudh oo aad u bisay! dhaaf.
moodhmoodh-ka: (magac, lab, keli) bislaanshaha xaddhaafka ah ee cuntada. Hilibku waa hore ayuu bislaadoo moodhmoodh ayuu ku dhaw yahay: Dh: muudhmuudh. Li: qaydiin, caydhiin.
moodhmoodh -ka: (magac, lab, keli) humoobid mannaanakh ah. Shamiis moodhmoodh ah ayaad gashan tahay. Dh: calal, hun.
moodhmoodh-a: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ciyaarta fataatiirta oo goobaabin looga dhigo ciyaarta fataatiiraha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhoodhi
(fal) baydhbaydh oo qof ku eryanaya toos hawgu cararine u weecweeco. Madhoodhi oo baxso yaan lagu qabane. Dh: jarjar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhi
-ga: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo bashbash ku hadhadal. Boodhaadhiga rahaa lagu gam'aa gellin barwaageedkiiye. Dh: foodhaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) sida odaybaxuurka u socosho. Dh: iscoofaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coorcoorid
m.f.dh eeg coorcoor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhoodhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madhoodhin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xood oodan
Closed curve
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coorcoorsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax coorcoor yeeshay ahaansho (jir nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowdhgowdhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan aad loo calalin ama si fiican loo axadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhacaydhiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo irmaan oo qof haysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolaxgooddin
m.dh la-mid: falaxgooddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolaxgooddin
-ta: (magac, dhedig, keli) si kibir iyo isqaadqaad ah u hanjabid.