cokonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cokonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cokanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cokanaan
m.dh la-mid: cukanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cokanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid biyo ka dhergey ahaan; wabaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cogkanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hadalka odhan kara ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roonaan
(Roonaan-ta)
Roonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roonaan
m.f.dh eeg roon. la-mid: roonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roonaan
f. n., [abstract] improvement; being better off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaagsanaan oo fiicnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roonaan
a: roonaansho (/ha) [vn-m-st]
de: improvement; being better off
lx: roonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: roonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukanaan
(Cukanaan-ta)
Wax cukan ahaan; wabaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukanaan
m.f.dh eeg cukan. la-mid: cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukanaan
f. n., [abstract] state of having drunk its fill (of an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cokanaan; cokani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukanaan
de: state of having drunk its fill (of an animal)
lx: cukanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cukanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkoonaan
m.f.dh eeg arkoon. la-mid: arkoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la arkay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cakiran ahaan; wax jahawareersan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cakisnaan
m.f.dh eeg cakisan². la-mid: cakisnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskanaan
m.f.dh eeg cuskan. la-mid: cuskanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu tiirsaday ama la cuskaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqobnaan
m.f.dh eeg qoqoban. la-mid: qoqobnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala qoqoban ahaan; kala xidhnaan oo labo gaybood kala ahaan. Qoqobnaata aqalku waa asturaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel iska taagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qotoma ahaan; meel dhaqdhaqaaq la'aan iska taagnaan. Dh: gignaan, tigtignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cokanaansho
m.l/dh la-mid: cukanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cokanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax cokan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cokan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: cukan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cokan
der. [adjective] sated with water (of an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cokan
(tilmaame) mid biyo ka soo dhergay; mid wabaxsan. Xoolihii oo cokan ayaan soo maray. Dh: cukan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cokan
a: cukan
de: sated with water (of an animal)
lx: cokan
ps: adj-der
key: cokan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaan
(Canaan-ta)
Hadal kulul oo lagu yiraahdo qof wax ba'shey ama wixii la faray diidey ama isku-laday; xaarxaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaan
f. n. reprimand, scolding, abuse; bad language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaan
-ta: (n) admonishment (adh-moosh-ment); reproof (ri-puruuf)', reprimand (rep-ra-mend); censure (shen-shar); criticism (kiriti-siizim)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANAAN
Rimprovero
Reprimand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canaan
Rimprovero
Reprimand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kulul ula hadlid ama la diririd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaan
de: reprimand, scolding, abuse; bad language
lx: canaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: canaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coocaa
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar carruurtu ciyaarto oo dhuumaalaysiga ka mid ah. Kolka la ciyaarayo waxa la isku qaybiyaa labo kooxood oo is le'eg waxana la kala doortaa goobo. Kooxda ciyaarta bilawda ayaa meel qarsoon xarriijimo ku samaysa, kooxda kalina way raadisaa. Hadday hesho oo ay ku guulayso isku tallaab ayay ku dhigtaa waxayna tidhaa waan cunay, oo waxay carruurtu isku daraan sawaxan iyo qaylo ay guusha ku cabbirayaan, hadday waayaanna waxay ku soo laabmaan goobtii ay ciyaartu ka bilaabantay waxayna halkaa ka caddeeyaan guul daradooda ka dibna waxa hogaamisa kooxdii kale oo geysa goobtii ay ku yaaleen astaamuhu ama xarriijimuhu ka dibna waxa la xusliyaa xarriijimihii oo inta xusul ee ay noqdaan ayaa duq noqota.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coodan
(tilmaame) neef geela oo dhowaan dhashay oo yara adkaaday. Dh: qurbac, nirig, awr.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Corona
Taaj belel
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Corona
Dheeh
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
coróna
s.f. - taaj.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
okoban
(tilmaame) wax la faray oggol oo raali ka ah. Arrinka ma diidanee wuu okoban yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaan
m.l/dh (-aamo, m.l) Koor weyn oo geela loo xiro. la-mid: buudaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodaan
-ta: (magac, dhedig, keli) koorta geela loo xidho midda ugu weyn. Boodaanta geela xidhanee, badhtamaha hilada daaqaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booraan
(Booraan-ta)
God hoos u dheer; uub; lun; hataq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraan
m.dh (-aamo, m.l) God hoos u dheer oo af dhuuban leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booraan
m.dh (-aamo, m.l) God hoos u dheer oo af dhuuban leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booraan
f. n. deep hole; large hole
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booraan
-ta: (n) a large cave (keeyv); ditch (dish); trench (tareenji); cavern (kaaven) ~ bohol, qaxaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraan
-ta: (magac, dhedig, keli) godadka waaweyn, daadadka ama bahaluhu qodeen. Booraan hadimo ha qodin ku dhici doonteena mooyee. Dh: bohol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booraan
de: deep hole; large hole
lx: booraan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: booraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootaan
(Bootaan-ta)
1. Bus; habaas.
2. Meesha buska leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootaan
m.dh 1. Bus; habaas. 2. Meesha buska leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bootaan
m.dh 1. Bus; habaas. 2. Meesha buska leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Bootaan
name: Bootan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bootaan
f. n., (mass n.): dust; dusty place
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bootaan
name-m dust; a dusty place. Lit: he who was born at a dusty place or white-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg boodh.
bootaan -ta: (magac, dhedig, keli) meesha busta leh ee boodhka badan ka kaco. Bootaanta habaaska leh iyo markaan beri ka soo guurrey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaan
(Booyaan-ka)
Hadal badan oo aan duluc lahayn oo layska taxo; daroori; sooyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaan
booyaan¹: m.l 1. Hadal badan oo aan duluc lahayn. 2. la-mid: booyaamid.
booyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay, -aami) Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booyaan
booyaan¹: m.l Hadal badan oo aan duluc lahayn.
booyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay, -aami) Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid. m.f.dh, booyaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booyaan
v. chatter, ramble on
booyaan vl. n. meaningless talk, chatter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaan
(fal) ku dhawaaq cod ujeeddo leh. Aan booyaamo xalay baa hurdada, layla baashiraye.
booyaan: (fal) hadal aan kala joogsi lahayn. Dh: daroori, dhuran, daldalan.
booyaan -ka: (magac, lab, keli) hadal bad ah oo aan nuxur lahayn. Booyaanka badan bannaanka ula bax. Dh: sooyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynaan
(Caynaan-ka)
Labada suun oo muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xiran, oo faraska lagu duwdumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaan
m. n. reins (on a horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynaan
-ka: (n) rein (reeyn); reins ~ xakame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caynaan
magaca loo baxsho wiil laga filayo inuu noqdo taliye iyo hoggaamiye ummadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaan
-ka: (magac, lab, keli) labada xadhig ee muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xidhan oo faraska lagu duduwo. Dh: waftog.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caynaan
Loox ama bir afar-gees ah oo labo dhaban u ballaaran ee toox le'eg tan miisaanka tamaashada oo toobiyaysa qiyaasidda tamaashada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaan
de: reins (on a horse)
lx: caynaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caynaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidnaan
m.f.dh eeg cidan³. la-mid: cidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cignaan
m.f.dh eeg cigan³. la-mid: cignaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
colònia
s.f. - mustacmarad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
colonna
s.f. - udub, tiir; saf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Coofaar
(Coofaar-ka)
Daayeer weyn; daaxuur; muun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coofaar
m.l (-rro m.dh) Lab libaax ama daanyeer, duq ah oo leh bulbul badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
coofaar
m. n. adult male monkey that is patriarch of its group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaar
-ka: (magac, lab, keli) daayeer weyn. Dh: baaxuur, muun, daaxuur, odaybuxuur, coofaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
coofaar
de: adult male monkey that is patriarch of its group
lx: coofaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: muun
key: coofaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cooraaf
m.l Qof aad u dabeecad xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cooraaf
(tilmaame) qofka dabeecadda xun leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubnaan
m.f.dh eeg cuban². la-mid: cubnaansho, cugnaan, cugnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufnaan
m.dh Layiignimo; cumur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufnaan
m.dh Layiignimo; cumur.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cufnaan
Density
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cuf iyo mug is raacsan oo ay walaxi leedahay waxana lagu cabirraa halbeegyada kiiloogaraamyo mitirkii sadexjibaaran (kgm3) waxana lagu xisaabin karaa isle'egtan: cufnaan (cf) = cuf (c) / mugga (m). biyuhu boqol jeer bay ka cufnaan badan yihiin hawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugnaan
m.dh la-mid: Cubnaan; culnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la culay ahaan; culnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culnaan
m.f.dh eeg culan. la-mid: cugnaan, cugnaansho, culnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel cugan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunnaan
m.f.dh eeg cunan. la-mid: cunnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curnaan
m.f.dh eeg curan. la-mid: curnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doocaan
-ka: (magac, lab, keli) malab laga keeni jiray meel la yidhaahdo Doocaan oo Yemen ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonnan
(gabar) Ciddoodii la weyddiistey; la doonay; alkun noqotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonnan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax nin la siiyey ahaansho (gabar).