ciyaalasuuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaalasuuq
-a: (magac, lab, keli) qof suuq ku koray oo dhaqankiisu wanaagsanayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyaala suuq
(n) 1. street child. 2. mischievous youngster or child; urchin (erjin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaballeef
(tilmaame) dabadhillif; ciyaalasuuq. Kaballeef kafatan ma dhibo.
kaballeef -ka: (magac, lab, keli) qof liidnimo darteed wax kasta oo dadnimada ku xun u hoggaansama. Dh: kabaqaad.
kaballeef -ka: (magac, lab, keli) qof mid kale midiidin u ah oo weligii daba socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraaf
-ka: (magac, lab, keli) qof xumo raadsi ah qof macna la'aan habeenkii warwareega. Dh: ciyaalasuuq.
qarraaf -ka: (magac, lab, keli) raadsiga falal xunxun. Dh: xumoraadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camaalaq
-a: (magac, lab, keli) kharribaad iyo laaqista wax la qaban doono.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyaal_1
bw: Arabic
de: children
hm: 1
lx: ciyaal
pd: (-ka)
ps: n1-m-col
syn: carruur
key: ciyaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyaal_2
de: act of crying out rw: ci
hm: 2
lx: ciyaal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: ciyaal_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuug
-ga: (magac, lab, keli) cunug naaska jaqa oo aan wali hooyadii ka go'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanashub
-ka: (magac, lab, keli) kolka qof madaxnimo loo caleemo saarayo oo caano dusha lagaga shubo iyada oo la naawilayo in uu noqdo mid barwaaqo horseeda. Dh: caleemasaar. Li: casilaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaabuuq
-a: (magac, lab, keli) dhiciska riyaha ee aan shinkiisu dhamaan. Dh: qaarbuucle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cardaduuq
(fal) jejebi oo baabi'i. Dh: cardaaduq.
cardaduuq-a: (magac, lab, keli) eeg cardaaduq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaargud
-ka: (magac, lab, keli) si heello loo soo tunto oo loo soo ciyaaro, meel degaanka ka fog u gudid. Dh: cayaargud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarsan
(tilmaame) mid dheelsan; mid cayaarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cayaarsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciyaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cayaarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarsii
(fal) ciidan, koox iyo wixii la mid ah, gaardisii. Dh: cayaarsii, dheelsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faylasuuf
m.l (-fyo, m. dh) Nin cilmiga falsafada yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faylasuuf
m.l (-fyo, m.dh) Nin cilmiga falsafada yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faylasuuf
m. n. philosopher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylasuuf
-ka: (magac, lab, keli) ninka yaqaan cilmiga falsafadda. Falasuuf haddaad tahay anna farsama yagaan baan ahay. Wa: faylasuufyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faylasuuf
bw: Arabic
de: philosopher
lx: faylasuuf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: faylasuuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalasho
m.dh la-mid: callaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyaalnimo
(Ciyaalnima-da)
Ciyaal ahaan; carruurnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaalnimo
m.dh Ciyaal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyaalnimo
f. n., [abstract] childhood, childishness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyaalnimo
-ciyaalnimada: (n) 1. childhood (jaayldhi huudh) ~ carruurnimo. 2. childish act
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaal ahaan, dhaqanka carruurta yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyaalnimo
cf: carruurnimo
de: childhood, childishness
lx: ciyaalnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: ciyaalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarsiin
m.dh la-mid: cayaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, koox iyo wixii la mid ah, gaardisiin. Dh: dheelsiin, cayaarin, ciyaarsiis.
ciyaarsiin-ta: (magac, dhedig, keli) dheeldheelsiin oo maaweelin. Dh: dheeldheelsiin. ciyaarsiis -ka: (magac, lab, keli) cayaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarsiis
m.l la-mid: cayaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama walax inta ay noqon karto maanka ka cabbirasho oo qaddar aan la hubin u malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaarasho
(Siyaarasha-da)
1. Siyaaro ugu tegid; booqasho.
2. Qof dhintay xus u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaarasho
m.f.dh eeg siyaaro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) siyaaro ugu tegid; booqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaquud
-da: (magac, dhedig, keli) dadka gala hayjadaha iyo reeraha magaalada weyn ku dhaw ee dhaqaalohooda iyo noloshooduba ku xidhan tahay. Dh: baal'agar, jilbalaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabfaquuq
midabfaquuq¹: m.l Yasidda iyo qiimadilka, qof lagu sameeyo midabkiisa awgiis. la-mid: midabtakoor¹.
midabfaquuq²: f.g1 (-qay, -qday) Cid midabkeeda ku takoorid. la-mid: midabtakoor².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midabfaquuq
midabfaquuq¹: m.l Yasidda iyo qiimadilka, qof lagu sameeyo midabkiisa awgiis. la-mid: midabtakoor.
midabfaquuq²: f.g1 (-qay, -qday) Cid midabkeeda ku takoorid. m.f.dh, midabfaquuqid. la-mid: midabtakoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midabfaquuq
m. n., [compound] racism; racist
midabfaquuq v. discriminate on racial grounds, segregate by race