ciso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciso
(Cisa-da)
1. Xurmo; sharaf; maamuus; cis.
2. Dhiigga haweenka bishiiba kol ka yimaada; xayl; caado, dhibaad; dhibaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciso
m.dh 1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. la-mid: cis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciso
f. n., [abstract] respect, honor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciso
-cisada: (n) honor (oon er); esteem; respect ~ ixtiraam, cisayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciso
-da: (magac, dhedig, keli) xurmo; sharaf; maamuus; cis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciso
de: respect, honor
lx: ciso
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
syn: casiis
key: ciso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisho
-da: (magac, dhedig, keli) waqti ka kooban maalin iyo habeenkeed. Dh: maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiis
(Casiis-ka)
Ciso leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciseyn
(Ciseyn-ta)
Ciso u yeelid; xurmayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunad
(Muunad-da)
1. Magac; sharaf; ciso; xurmo.
2. Sida wax u eg yihiin.
3. Qurux; midab-wanaag; (ama muuno).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiis
m.l 1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.

casiisad
m.dh 1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casiis
m.l 1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mensturation
Ciso keen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciseyn
-ta: (n) honor (oon er); the act of feeling or showing respect ~ ixtiraam, ciso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caado
-da: (magac, dhedig, keli) wax muddo dheer lagu soo dhaqnaa oo tixgelin iyo qaddarin mudan. Caado la gooyaa cadho Allay leedahay.
caado -da: (magac, dhedig, keli) dhiig dumarka ka yimaada xubinta taranka, bishii ba mar. Waxa uu ka socdaa muddo toddobaad lagu qiyaaso oo ay cibaadooyinka badhkood ka reebban yihiin. Dh: ciso, xayd, dhibaad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
règle
règle, n.f. - xukumid (sida wuxuu xukuma gobol)
règles - ciso; caado; dhiigga naagaha ku yimaada
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiis
bw: Arabic
de: respectability, honor
lx: casiis
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
syn: ciso
key: casiis
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ciò
pron. waxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cis
(Cis-ka)
Ciso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cis
m.l la-mid: ciso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cis
m. n., [abstract] respect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cis
(fal) karaamay, ixtiraam; xushmay; cisay; cisee.
cis -ka: (magac, lab, keli) karaamo; ixtiraam; xushmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cis
a: cees
de: respect
lx: cis
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: cis
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
iso
pref. - hor kabe fasirkiisu yahay la mid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
caso
s.m. - xaal, arrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caso
magac loo baxsho gabadh aad u casayd xilligii ay dhalatay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ciao
inter. - nabaday!
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cibo
s.m. cunno, cunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cifo
f.mg3 (-ftay, -fatay) Hanti luntay ama baabba'day beddelkooda helid. la-mid: cif, cig, cigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cifo
(fal) dhereg oo dibbiro daraaddeed, neeftuur. Dh: xifo.
cifo: (fal) (la ~) la daalaadhac; dhibaato la mudo.
cifo-da: (magac, dhedig, keli) dhereg xaddhaaf ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) la-mid: cifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cigo
v. acquire a replacement for something lost ~ destroyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigo
(fal) erey duco ah oo la macne ah, 'cawilcelin Rabbi ha ku siiyo'. Dh: barwaaqow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cigo
a: cifo
de: acquire a replacement for s.t. lost ~ destroyed
lx: cigo
pd: (cigtay)
ps: v3b=
key: cigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cijo
m.dh la-mid: ciddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cijo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ciddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisi
-ga: (magac, lab, keli) sharaf iyo sumcad wanaagsan. Dh: sharaf, cisi, karaamo, ciso-da: (magac, dhedig, keli) dhiigga caadada ah ee dheddigga badhkood ka yimaadda. Dh: xayd, xayl, caado, sunne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiso
(Jisa-da)
Abaalmaris; mutays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiso
m.dh Abaal marinta uu ka mutaysto qof fal uu sameeyey. la-mid: jisad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiso
m.dh Abaal marinta uu ka mutaysto qof fal uu sameeyey. la-mid: jisad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiso
f. n. reward, payment in gratitude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiso
-jisada: (n) reward (ri woordh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiso
(fal) samayso hoy. Dh: dhiso.
jiso-da: (magac, dhedig, keli) abaalgud iyo same-celin. Dh: jisad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiso
a: jisad
bw: Arabic
cf: abaalmari
de: reward, payment in gratitude
lx: jiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid. m.f.dh, lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liso
v. milk for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liso
(fal) xoolo caano ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liso
de: milk for oneself
lx: liso
pd: (listay)
ps: v3b=
key: liso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiso
(Qisa-da)
1. Sheeko; taariikh.
2. Wax dhacay; war.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiso
m.dh 1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiso
m.dh 1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiso
f. n. story, recounting a tale, news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiso
-qisada: (n) story (istoori) ~ sheeko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiso
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko dhacday oo yaab leh. Dh: sheeko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiso
bw: Arabic
de: story, recounting a tale, news
lx: qiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qiso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
riso
s.m. - bariis; qosol.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
viso
s.m. - weji.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
chiuso
agg. - xiran, daboolan, aaburan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid kaalmo weyddiisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciirso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid kaalmo weyddiisasho. m.f.dh, ciirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciirso
v. rely on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciirso
-ciirsaday / ciirsatay: (v) ask for emergency assistance or support
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirso
(fal) «u ~» dhibaato ku haysa darteed, cid kale irko; kaalmo ka raadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciirso
de: rely on
lx: ciirso
pd: (ciirsaday)
ps: v3a=
key: ciirso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
Cristo
s.m. - Nebi Ciise (diinta Masiixi).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àcido
agg. - dhanaan. s.m. asid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bison
/bayson/ (n) loo-gessy oo buul bathyng oo arly Ameerika luku helaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka c.: cabsi dareemid. la-mid: cabsoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka c.: cabsi dareemid. m.f.dh, cabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabso
v. fear, be afraid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabso
-cabsaday / cabsatay: (v) be afraid or frightened of; fear (fiyar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabso
(fal) qof cabsanaaya noqo; halista soo socota dareen. Illaahay ka cabso. Dh: baqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabso
de: fear, be afraid
lx: cabso
pd: (cabsaday)
ps: v3a=
xe: Dont be afraid!
xv: Ha cabsan!
key: cabso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canso
-da: (magac, dhedig keli) mid aan garaad badan lahayn. Doqon iyo cansaad tahay, naftu diidday baad tahay. Dh: doqon, nacas.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
casco
s.m. - koofiyad bir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casho
(Casha-da)
1. Cunnada fiidkii (habeenkii) la cuno; xeraad; fiidimo.
2. Maalin iyo habeen; 24 saac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casho
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cunto habeenkii la cuno. 2. Maalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casho
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cunto habeenkii la cuno. 2. Maalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casho
f. n. dinner, supper, evening meal
casho [feminine] n. day, full day (24 hour period)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casho
-cashada: (n) supper (sapar), dinner (diin-er)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casho
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada fiidkii la cuno. Dh: xeraad.
casho-da: (magac, dhedig, keli) maalin iyo habeenkeeda; 24ka saac. Dh: cisho.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
casho
يَوْمٍ، عَشَاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casow
f.mg3 (-saaday, -saatay) Wax cas noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casow
f.mg3 (-saaday, -saatay) Wax cas noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casow
inch. v. become red, get reddish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casow
(fal) wax cas noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casow
a: casoow
de: become red, get reddish
lx: casow
pd: (casaaday)
ps: v3a=inch
key: casow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cesho
f.g3 (-shaday, -shatay) 1. Qof, wax laga qaatay ama uu baxshay, mar labaad dib u qaadasho. 2. Wax in ay lumaan ama hallaabaan ka ilaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cesho
f.g3 (-shaday, -shatay) 1. Qof, wax laga qaatay ama uu baxshay, mar labaad dib u qaadasho. 2. Wax in ay lumaan ama hallaabaan ka ilaalin. m.f.dh, ceshasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cesho
v. keep, get, hold something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cesho
-ceshaday / ceshatay: (v) take something back; draw back or in; retract (ri-tarakt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cesho
(fal) wax kaa baylahaya ama kaa cararaya, xajiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cesho
de: keep, get, hold s.t. for oneself
lx: cesho
pd: (ceshaday)
ps: v3a=tr
key: cesho
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cèsso
s.m. - musqul.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
chilo
pref. - horkabe tilmaamaya kun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cibro
(Cibra-da)
Cibaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cibro
m.dh la-mid: cibaaro.