cisil-bukeeye
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CISIL-BUKEEYE
(Esil-bukeye) N Cleome brachycarpa DC. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-buureed
m.l (juqraafi) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilabadeed
m.l (juqraafi) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilabuureed
m.l (juqraafi) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-badeed
m.l (juqraafi) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WISIL-DUUREED
(Wisil-dured) S Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.