cishqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cishqi
m.l la-mid: caashaq¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cishqi
m. n. love, falling madly ~ deeply in love
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cishqi
-ga: (n) love (laav); liking (laayking); affection (a fak shin), romance (ro-maans); fondness (foonnes); endearment (indiyarment) ~ jacayl, caashaq, xubbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cishqi
-ga: (magac, lab, keli) kalgacal; jacayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cishqi
bw: Arabic
de: love, falling madly ~ deeply in love
lx: cishqi
pd: (-ga)
ps: n0-m
key: cishqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaq
caashaq¹: m.l 1. la-mid: cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl. 2. la-mid: caashaqid.
caashaq²: f.g1 (-qay, -qday) 1. Qof mid kale oo cayntiisa ka duwan kalgacal qoto dheer u hayn. 2. Ku c.: markab, baabuur, xoolo iyo wixi lamida meel wejigooda ku aaddin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caashaq
caashaq¹: m.l la-mid: cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl.
caashaq²: f.g1 (-qay, -qday) 1. Qof mid kale oo cayntiisa ka duwan kalgacal qoto dheer u hayn. 2. Ku c.: markab, baabuur, xoolo iyo wixi lamida meel wejigooda ku aaddin. m.f.dh, caashaqid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
love
/lav/ (n) jacayl (cishqi).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caashaq
-a: (n) love (laav) ~ jacayl, cishqi —Syn: affection, devotion, fondness, infatuation, romance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jacayl
-ka: (n) love (Zuav); like (laayk); affection (a-fak shin), devotion (di-voowshin), fondness (foon-nes), infatuation (infaaju-weey-shin); endearment (indiyar-ment) ~ jecayl, caashaq, cishqi -ga, xubbi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jecayl
-ka: (n) love (laav); liking (laayking); affection (afak-shin), devotion (divoowshin), fondness (foonnes), infatuation (in faaju-weey-shin); endearment (in-diyar-ment) ~ jacayl, caashaq, cishqi-ga
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xubbi
-ga: (n) love (laav); like (laayk); affection (a fak-shin), devotion (di voow shin), fondness (foonnes), infatuation (infaaju-weey-shin); endearment (in-diyar-ment) ~ jacayl, jecayl, caashaq, cishqi-ga,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisi
-ga: (magac, lab, keli) sharaf iyo sumcad wanaagsan. Dh: sharaf, cisi, karaamo, ciso-da: (magac, dhedig, keli) dhiigga caadada ah ee dheddigga badhkood ka yimaadda. Dh: xayd, xayl, caado, sunne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashi
(Cashi-ga)
(xoolo) caato iyo tabaryari, cunnaxumo ama uraaddarro ka yimaada; caal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashi
cashi¹: m.l Cudur xoolaad ka dhasha deriskunoosha oo cad iyo caano yareeyaan ku rido.
cashi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Xoolo cudur deriskunool ka dhasha oo ay la cad iyo caano yareeyaan ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashi
m.l Cudur xoolaad ka dhasha deriskunoosha oo cad iyo caano yareeyaan ku rido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashi
m. n., [abstract] debility, weakness (in livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashi
(fal) xoolo, cudurka cashigu ha kugu dhaco.
cashi-ga: (magac, lab, keli) caato iyo tabarli'i.
cashi -ga: (magac, lab, keli) xanuun dhogor madoobaad iyo duuf leh oo ku dhaca xoolaha, adhiguna aad ugu sii nugul yahay. Waa xanuun nooluhu la foolxumaado, calooshu na weynaato kolka uu daaq iyo biyo isku dheellitiran waayo. Cashi iyo hayaan wada socdaa, ceelka wada yaalle. Dh: caal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashi
cf: caal, itaaldarro
de: debility, weakness (in livestock)
lx: cashi
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: cashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cishe
(Cisha-ha)
1. Habeenka bilawgiisa; fiid.
2. Salaadda kolkaas la tukado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cishe
m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cishe
m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cishe
m. n. early evening; time of evening prayer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cishe
-cishaha: (n) evening prayer performed by Muslims
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cishe
-ha: (magac, lab, keli) salaadda xilliga fiidka la tukado. Cishe ayuu soo tukanayaa aabbahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cishe
-ha: (magac, lab, keli) milayga habeenka bilawgiisa. Dh: fiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cishe
de: early evening; time of evening prayer
lx: cishe
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: cishe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisho
-da: (magac, dhedig, keli) waqti ka kooban maalin iyo habeenkeed. Dh: maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) C./ka c.: naflayda qaarkood ci' ka dhawaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fisqi
m.l Falal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn. la-mid: fisiq, fusqi, fusuq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fisqi
m.l Falal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn. la-mid: fisiq, fusqi, fusuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fisqi
m. n., [collective] sexual depravity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fisqi
-ga: (n) wrongdoing; corruption; evil-doing; demoralization; immorality; depravity ~ fusqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fisqi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fisiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fisqi
bw: Arabic
de: sexual depravity
lx: fisqi
pd: (-ga)
ps: n-m-col
see: fusqi
key: fisqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Risqi
(Risqi-ga)
1. Wixii wax laga dheefo oo dhan.
2. Calaf; dhuuni; dheef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
risqi
m.l 1. Quudka dadku ku noolaan karo. 2. Saamiga qof nolosha ku leeyahay. la-mid: risiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
risqi
m.l 1. Quudka dadku ku noolaan karo. 2. Saamiga qof nolosha ku leeyahay. la-mid: risiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
risqi
m. n., [collective] livelihood; daily bread; lot, share, divine providence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
risqi
-ga: (n) living (Hiving); subsistence (sab-sis-tansi); food (fuudh) ~ see [eeg] risiq, quud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
risqi
-ga: (magac, lab, keli) eeg risiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
risqi
bw: Arabic
cf: calaf, dheef, kadab, quud
de: livelihood; daily bread; lot, share, divine providence
lx: risqi
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: risqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashri
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tahliil ku firdhin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashri
v. sprinkle someone ~ something with holy water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashri
-ga: (magac, lab, keli) eeg cashar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashri
de: sprinkle s.o. ~ s.t. with holy water
lx: cashri
pd: (cashriyey)
ps: v2a=tr
key: cashri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbi
(fal) cid kale, daba gal oo wax yar ka danbee; cagta cagta u saar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cishiimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ceshiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cishiino
(Cishiina-da)
Ceshiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cishiino
m.dh la-mid: ceshiimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cishiino
f. n. returned item, something brought back; herding
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cishiino
a: ceshiimo
de: returned item, s.t. brought back; herding
lx: cishiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cishiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishiic
m.l la-mid: bashiic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bishkil
(Bishkil-ka)
Tigin ama qori yar oo wax lagu shakaro, lagu adkeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishkil
bishkil¹: m.l (-llo, m.dh) Qori yar oo xalleefsan mayrax iyo wixi lamida oo dalool yar la agu gufeeyo. la-mid: bishil¹.
bishkil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Tigin ama qori yar oo wax ku shakarid, ku adkayn. la-mid: bishil².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bishkil
m. n. wedge, plug, stopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishkil
-ka: (magac, lab, keli) qori yar oo meelaha daldaloola la dhexgesho si dhaqdhaqaaqa loo bi'iyo. Qoryo ama caagag yaryar oo bishkil ah qaado. Dh: jikir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bishkil
a: bishil
cf: tigin
de: wedge, plug, stopper
lx: bishkil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bishkil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashari
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tahliil ku firdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashari
(fal) cashar u qor oo ku saydhi; u ducee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashrin
m.f.dh eeg cashri. la-mid: cashris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashrin
-ta: (magac, dhedig, keli) quraan iyo ducooyin, alwaax ku qorid, ka dibna xoolo ama dad buka ku bilbilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashris
m.l la-mid: cashrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dabagalid oo wax yar ka danbayn. Dh: cidhbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidhbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciishoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciishoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid. ciishood m.l eeg ciishoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciishoo
(fal) ciil iyo xumaan dareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciishow
v. provoke resentment toward someone; be irritated with someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciishow
de: provoke resentment toward s.o.; be irritated with s.o.
lx: ciishow
pd: (ciishooday)
ps: v3a=intr
key: ciishow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirshin
-ka: (magac, lab, keli) cirka ama xagga sare. Cirshinkuu ka yeedhaa gunburi caawaduu di'iye. Dh: cirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashaqi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhar iyo wixi lamida biyo ku dhex ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ficishi
-ga: (magac, lab, keli) qof wax kugu sameeyey oo inaad ka goosato kugu xanbaara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fushuqi
f.g2 (-iyay, -isay) Maro si jugayn ah u dhiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hishiin
-ta: (n) the act of agreeing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hishiis
-ka: (n) 1. agreement (agriiment); settlement (satel-ment); deal (diil), 2. pact (paakt); contract (kon trakt) ~ mucaahado, caqdi. —Syn: accord, compact, conciliation, reconciliation. (See also heshiis)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishiin
m.l la-mid: mashiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mishiin
Machine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mishiin
m. n. machine, motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mishiin
-ka: (n) machine (mashiin); engine (en jin); motor (mootar) ~ mashiin, matoor-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mishiin
-ka: (magac, lab, keli) biro la isku geeyey kuna shaqeeya saliid iyo shidaal si uu tamar iyo dab u dhaliyo. Dh: matoor, mashiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mishiin
a: mashiin {Eng}
de: machine, motor
lx: mishiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mishiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqid
m.f.dh eeg caashaq². la-mid: caashaq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeclaanshaha qotada dheer ee cid ama wax loo qabo.
caashaqid -da: (magac, dhedig, keli) doonni ama markab, dekedda ku soo xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cishiinee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: ceshiimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cishiinee
(fal) eeg ceshiinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mishiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) hab yaraysi ah oo inta ay dumarku wejiga ururiyaan qandhuuftana ay miciyada iyo dhoolasha dhexdooda ay ka ceshedaan. Dh: mashiiqsad.