cirtaalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaalin
m.dh la-mid: cirtaallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: cirtaallee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirtaallo
(Cirtaalla-da)
(waran, gamuun, gantaal, kd.) riddo kor loo rido; xagga cirka loo gano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaallo
m.dh (-ooyin, m.l) Tuuryo kor loo gamo oo meel fog la gaarsiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirtaallo
vl. n., [compound] throwing ~ shooting upwards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallo
-da: (magac, dhedig, keli) waran, gantaal ama gamuun iyo wixii la mid ah oo xagga cirka loo gano ama loo tuuro. Ifiso cirtaallo ah ayaan riday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirtaallo
de: throwing ~ shooting upwards
lx: cirtaallo
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: cirtaallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirtaallayn
(Cirtaallayn-ta)
Xagga cirka u ganid; kor u ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaallayn
m.f.dh eeg cirtaallee. la-mid: cirtaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga cirka u ridid; kor u ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallay
(fal) saray u rid; kor u tuur. Dh: cirtaallee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax, kor u gamid. la-mid: cirtaali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirtaallee
v., [compound] throw upwards, shoot upwards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallee
(fal) cirka u gan ama u tuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirtaallee
de: throw upwards, shoot upwards
lx: cirtaallee
pd: (cirtaalleeyey)
ps: v2b=cmp
key: cirtaallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalin
1. (Caalin-ka) Cilmi badan yaqaan; aqoon dheer leh, (ama caalim).
2. (Caalin-ta) (is-caalin) caasha dhiibasho si dhibyari loogu bireeyo; isdhiibid; dagaallamid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalin
caalin¹: m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
caalin²: m.f.dh eeg caali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalin
m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof Muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalin
m. n. scholar, scientist, learned person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caalin
name-m learned (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caalin
-ka: (n) scholar (skolar); expert (ekis-peert); erudite (eryo-daayt); learned person in Islam ~ aqoon-yahan, caalim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caalin
magac afka Carabiga ka soo jeeda oo loo baxsho wiil loo rajaynayo ama Eebbe loo baryayo in uu noqdo qof aqoon badan leh, gaar ahaan ta diinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is caasha dhiibid si hawlyari loogu gawroco; isdhiibid si dagaalla'aan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalin
bw: Arabic
de: scholar, scientist, learned person
lx: caalin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caalin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
certain
/sertan/ (adj) 1. hubaal (adj) 2. qaar; qaarkood.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
certain
/sertan/ (adj) 1. ly hupy, hupaal eh. 2. goony eh. Only certain people know about the winner.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
certain
certain, adj. - Hubaal; Xaqiiq; Shaki la'aan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
certain
a., (sure) la hubaa; certain news, war la hubo; it is certain, waa dhab, waa run, waa la hubaa; be certain, hub; make certain, dhabay, kaga dhabee, rumay, run la hubaa sheeg.
certain, a., (some one) hebel, wax ba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaalin
(Ilaalin-ta)
Raacid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalin
m.f.dh eeg ilaali.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalin
-ta:(n)l. the act of watching protection (pro-tak-shen); surveillance (sarveeylansi) ~ ilaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) amaan sugid. Dh: waardiyayn, eegid, dhawrid.
ilaalin -ta: (magac, dhedig, keli) eegid iyo fiiro foojignaani weheliso.
ilaalin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo raacid; xoolo jirid. Dh: raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Itaalid
(Itaalid-da)
(ku itaalid) Le'ekaysiin; ka badin la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalid
m.f.dh eeg itaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ku tuntuunsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha wax ku raamsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraadin
(Caraadin-ta)
Boorrin; tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraadin
m.f.dh eeg caraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale tirtirsiin. Dh: boorrin, tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cigaalid
(Cigaalid-da)
Riddo dheer, ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigaalid
m.f.dh eeg cigaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) qalab iyo sharraxaad kale wax ku qurxin. Dh: shaqlid. cigaalid -da: (magac, dhedig, keli) riddo dheer, ridid. Cigaalida warmaha aad baan u aqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'sicir', aad u kicin; qiimo aad u sarreeya gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarin
m.dh la-mid: cayaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ciyaarsiin. Dh: dheelsiin, madaddaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarin
m.dh la-mid: feeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxin
(Fitaaxin-ta)
Wax fitaaxsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxin
m.f.dh eeg fitaaxi. la-mid: fataaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidsan ka dhigid oo ballaadhin; kala jiidid. Dh: fitaaxis, fidin, ballaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hiraab siin; suxuur siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraacin
m.f.dh eeg hiraaci². la-mid: haraacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraacin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, mawjado iyo qalqallooc u yeelid. Dh: haraacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaanin
m.f.dh la-mid: irmaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ama kuwo caano leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaajin
(Istaajin-ta)
Fadhi ka kicin; joojin; taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaajin
m.f.dh eeg istaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax jiifa, sare u joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) istuhun inaad dadka ugu xoolo badan tahay ama aad ugu fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitaabin
(Jitaabin-ta)
Baxnaanis; imtixaan; (ama tijaabin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabin
m.f.dh eeg jitaabi. la-mid: jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrabid. Dh: tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miitaali
m.l la-mid: miisaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sitaacin
m.f.dh eeg sitaaci. la-mid: sitaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) faras sitaac u xidhid oo ku qurxin. Sitaacinta badan farduhu way ku qurux badnaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carraabin
(Carraabin-ta)
1. Galab, wax meel u kaxayn, meel u dirid.
2. (marti) inay hoyato u diidid oo iska gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabin
m.f.dh eeg carraabi. la-mid: carraabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, galabnimo kaxayn oo xeradoodii ku hoyn.
carraabin -ta: (magac, dhedig, keli) marti, in ay kuu hoyato u diidid oo isdhaafin. Dh: carraabis. Li: bariin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraafin
m.dh la-mid: curraafeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curyaamin
(Curyaamin-ta)
Curyaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaamin
m.f.dh eeg curyaami. la-mid: curyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) curyaan ka dhigid. Dh: curyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) caansiirin iyo silcin waxsiin iyo wax qabad lala daaho. Dh: gasacin, caansiirin, silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miryaadin
m.dh la-mid: maryaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagid
m.f.dh eeg cirbataag². la-mid: cirbataag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagid
-da: (magac, dhedig, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbataagsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cirtaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtigaajis
-ka: (magac, lab, keli) xoolo kalkoodii galay oo aroorka looga baajiyo, saadaal roob oo cirka ka muuqata awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayntaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) xoog u ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyntaarin
m.f.dh eeg ceyntaari. la-mid: ceyntaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka hasha wax diiddan la sasabayo si loo liso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirkasawir
m. n., [compound] aerial photograph
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirkasawir
de: aerial photograph
lx: cirkasawir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: cirkasawir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirtaagid
m.f.dh eeg giirtaag².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirtaagan
m.l (tiirotaagan, m.l) (jooloji) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiirtaagan
m.l (tiirotaagan, m.l) (jool.) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiirtaagan
Stalagmite
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabjalqin
m.f.dh eeg carrabjalqi. la-mid: carrabjalqis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-itaan
de: -ing [GERUND] Makes a masculine noun of Declension 2 from a Conjugation 1 verb
lx: -itaan
ps: vn2-m-suf
xe: inspection
xv: baaritaan
key: -itaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalin
bąalin: m.f.dh eeg bąali². la-mid: bąalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid. m.f.dh, bitaamid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
caabin
resistance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caacin
m.f.dh eeg caaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadin
(magac, dhedig, keli) eeg caadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafin
m.f.dh eeg caafi. la-mid: caafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafin
-ta: (magac, dhedig, keli) caafimaad siin. caafiya: magaca loo bixiyo gabadh dhalashadeedii lagaga bogsaday dhibaato qoyska dhex taallay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajin
(Caajin-ta)
1. Baahi ama rabitin ama jacayl wax loo qabey, wax deeqa siin; dhergin.
2. Celin, joojin, hakin, qabasho.