ereyga

cirsoodhac

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cirsoodhac

DHAN

m.l (-cyo, m.dh) (c.fal.) Cuf weyn oo dhadhaab ama macdan ah, kaas oo la mid ah shuhubka; cufkaas isaga oo weyn awgeed uguma burburo gibilka dhexdiisa boor ahaan, laakiin wuxuu soo gaaraa dhulka dushiisa. la-mid: cirkasoodhac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cirkasoodhac

DHAFAN
1

(Cirkasoodhac-a)

2

Shiilmadoobe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cirkasoodhac

DHAFAN

m.l 1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. la-mid: cirsoodhac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cirkasoodhac

DHAFAN

m.l 1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. la-mid: cirsoodhac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cirkasoodhac

DHAFAN

m. n., [compound] unexpected event; something that comes out of nowhere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cirkasoodhac

DHAFAN

-a: (n) something coming without warning; unforeseen (anfoorsiin); unexpected (anikispaktidh)-, fallen from the sky ~ lama filaan

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cirkasoodhac

DHAFAN

-a: (magac, lab, keli) noole yar oo cas oo aan dub lahayn oo biyaha roobku kolkay da'ayaan la arko. Dh: roobladhac, shiilmadoober.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cirkasoodhac

DHAFAN
1

de: unexpected event; s.t. that comes out of nowhere Lit: falls from the sky

2

lx: cirkasoodhac

3

pd: (-a)

4

ps: n2-m-cmp

5

key: cirkasoodhac

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

soodhac

DHAFANDHAAF

m.l (kiim.) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cirboodh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xiisad dabayl ah oo isku duuban oo dhexda ka daloosha oo si xoog badan isugu wareegta. Waxay badanaa kicisaa boodh cirka isku shareera. Dh: cirwareen, qode.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cirdood

DHAFANDHAAF

m.l.u Ugaadh. la-mid: ciddood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cirdood

DHAFANDHAAF

m.l.u Ugaar. la-mid: ciddood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dirsooc

DHAFANDHAAF
1

(fal) qof ama neef xoolo ah halka uu ka soo jeedo daraaddii gooni u saar. Dh: haybsooc.

2

dirsooc-a: (magac, lab, keli) qof ama neef xoolo ah halka uu ka soo jeedo daraaddii gooni u saarid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

foodhac

DHAFANDHAAF
1

-a: (magac, lab, keli) dhul ciiddu kor u soo kacdo oo ay dildillaacdo. Dh: fooc, foorac.

2

foodhac -a: (magac, lab, keli) wax dhulka ka soo baxaya oo ciidda la soo kacaya. Dh: fooc, foorac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biyodhac

DHAFANDHAAF

m.l (-cyo, m.dh) (jooloji) Dhicidbiyood degdeg ah, badanaa waxa sameeya sal dhadhaab adag ee marin webi, oo ufug ah ama tiiro hoosaad deggan, oo dul yaal dhadhaab jilicsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

biyodhac

DHAFANDHAAF

m.l (-cyo, m.dh) (jool.) Dhicidbiyood degdeg ah, badanaa waxa sameeya sal dhadhaab adag ee marin webi, oo ufug ah ama tiiro hoosaad deggan, oo dul yaal dhadhaab jilicsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

biyodhac

DHAFANDHAAF
1

-a: (n) waterfall (woter-fool); cascade (kaas keeydh) biyabax

2

biyodhac: -da: (n) waterfall (wo ter fool); cascade (kaas keeydh); falls (faalis); cataract (kaata rakt) ~ biyadhac

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

soo dhac

DHAFANDHAAF

m.l (kiimika) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Soo dhac

DHAFANDHAAF

Fall-out

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

soo dhac

DHAFANDHAAF

-ay / day: (v) fall down (faal dhaawn); drop or fall freely

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Biyo dhac

DHAFANDHAAF

Waterfall

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qiimodhac

DHAFANDHAAF

-a: (n) devaluation (di-faal-yuweeshin); depreciation (di-piri-shi-yeey-shin) ~ see also [eeg] qiimedhac

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xiisadhac

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka x.: wax rabiddooda dhumin; xiiso wax loo qabay lumin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xiisadhac

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka x.: wax rabiddooda dhumin; xiiso wax loo qabay lumin. m.f.dh, xiisadhicid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xiisadhac

DHAFANDHAAF
1

(fal) ka daal oo xiisihii ha kaa dhammaado.

2

xiisadhac-a: (magac, lab, keli) dhammaanshaha xiise badan oo horay u jiray.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dibbirodhac

DHAFANDHAAF
1

(fal) dhereg ka dib, jimicso oo dibbirada iska rid.

2

dibbirodhac -a: (magac, lab, keli) xaaladda uu qofku dareemo marka uu iska saaro qayb ka mid ah cuntadii ee ay dibbaradii caloosha oo hoos u daadegta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Hir socdaal

DHAFANDHAAF

Travelling Wave

waa la naqliyay ✓