cirroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroole
(Cirroola-ha)
(qof) cirro leh; madaxu caddaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirroole
m. n. old man, gray-haired man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirroole
-cirroolaha: (n) white-haired or grey-haired person, especially an old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirroole
-ha: (magac, dhedig, keli) qof cirro leh oo ay timaha madaxu cad yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirroole
de: old man, gray-haired man
lx: cirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cirroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroole
(Jirroola-ha)
Bukaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirroole
m. n. sick person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirroole
-jirroolaha: (n) unhealthy person; unwholesome person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka bugtaan iyo jirro qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirroole
de: sick person
lx: jirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jirroole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtigawrac
(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigawrac

barbaar
(fal) carruur qaanqaadh noqo; xooggaaga xilligi lagu intifaaci lahaa gaadh. Buraale wuu barbaaray oo cirkaa oo shaadhiyo nigis loo geliyey. Dh: hanaqaad, kor, weynow.
barbaar -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo aan da'weyneyn; nin hanaqaaday oo xila'irmaanays ah, fil yar, nin dhallin yar. Barbaar balwad bartay bartii ma yaqaan.
barbaar -ta: (magacwadareed) da'yarta soo koraysa. Barbaarey, barbaar caafimaadey, baaqa nabadda Soo raac. Dh: dhallinyaro. Li: cirroole, waayeel, duq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadodays
-ka: (magac, lab, keli) xilliga haweenka da' weyni awgeed dhiigga caadadu uga joogsado. Caadadays carruur ugu dud male, cirroolena ciidan ugu dud male. Dh: dhaqmaati, sunnagoys, dhalmadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruur
-ta: (magacwadareed) dhasha yaryar ee aadamaha. Dh: ciyaal, dhallaan, ubad. Li: cirroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaal
-ka: (magacwadareed) carruurta yaryar. Dh: carruur, ciyaal, dhallaan. Li: cirroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayeel
-ka: (magac, lab, keli) qof da' jooga ama garaad iyo odaynimi la bidayo. Kor waayeel waa wada indho. Dh: cirroole. Li: carruur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka biraha ka ganacsada. Baaldi bir ka samaysan baa biroolaha ka soo iibsaday.
biroole -ha: (magac, lab, keli) qof curyaan ah oo ku booda labo ulood oo bir ah, intuu labada kilkilo gashado dhexdana labada gacmood kaga qabsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirroob
inch. v. become gray-haired
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirroob
-ay / cirrowday: (v) become white haired or gray haired; become old ~ duqoow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirroob
de: become gray-haired
lx: cirroob
pd: (cirroobay)
ps: v1=inch
key: cirroob
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIINOOLE
(Ennole) S, N? Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiroole
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: miiraale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroobid
(Cirroobid-da)
Cirro yeelasho; cirro ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirroobid
m.f.dh eeg cirrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cirro yeelasho; cirro ka soo bixid. Rag cirroobay baa nagu jiree geela noo celiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixiroole
m.l la-mid: sixirrow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixiroole
-sixiroolaha: (n) magician (ma-ji-shin); sorcerer (soor-sasar); wise man; wizard (wizadh) ~ saaxir, sixirrow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixiroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka baaba. Dh: falalow, sixirrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradiroole
-ha: (magac, lab, keli) eeg diradiraale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirjirroole
(Jirjirroola-ha)
Geeldhugeeye, roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirjirroole
m.l 1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirjirroole
m.l 1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirjirroole
m. n. chameleon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirjirroole
-jirjirroolaha: (n) chameleon (kamiilyari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirjirroole
-ha: (magac, lab, keli) noole yar oo kolba meesha uu joogo isku ekaysiiya. Dh: maskaxgeel-kalabax, roor, geeldhugeeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirjirroole
de: chameleon
lx: jirjirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jirjirroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirro
(Cirra-da)
Timaha madaxa, garka, kd.; oo caddaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirro
m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirro
m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirro
f. n., (mass n.): gray hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirro
-cirrada: (n) white hairs; gray hairs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirro
-da: (magac, dhedig, keli) timaha madaxa, gadhka iyo wixii la mid ah oo madawga ka taga oo isu beddela caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirro
de: gray hair
lx: cirro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: cirro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cirro
شيب
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carool
Catena
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Circle
Goobo
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
circle
goobo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
circle
/serkal/ (n) 1. goobo (v) 2. goobayn (goobo ku samayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
circle
n., goobo, -adi, goobaabin, -ti; make a circle, goobee, goobaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax ama qof cirroole ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirree
(fal) cirro u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cirrow yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cirrow yeelasho. m.f.dh, cirroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrow
(fal) timo cad yeelo; cirraw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirroo
hirroo! -da: (magac, dhedig. keli) eray lagu yidhaahdo qofka lagu orinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroole
(Baroola-ha)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroole
m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baroole
m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroole
m. n. fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroole
-ha: (magac, lab, keli) jaad kalluun ah, jaad mallay ah. Baroole baddii ka soo baxay, barbaar ugu qayli leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroole
de: fish sp.
lx: baroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: baroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof biyo dhaamiya oo dadka ka iibsha. 2. Baabuur boyaad saarantahay oo biyo lagu qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof biyo dhaamiya oo dadka ka iibsha. 2. Baabuur boyaad saarantahay oo biyo lagu qaado.
biyo-saar m.l (-ryo, m.dh) (baay.) Habka dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyoole
m. n. water-man, water owner (one who possesses water)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyoole
-biyoolaha: (n) a man who sells or delivers water to customers; water man
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyoole
de: water-man, water owner (one who possesses water)
lx: biyoole
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: biyoole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagoole
-ha: (magac, lab, keli) qof ama wax lugo uu ku joogsado aan lahayn; qof naafo ah oo cagaha aan ku socon karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirboor
(Cirboor-ta)
Xiisad dabayl ah oo isku duuban oo dhexda ka daloosha oo si xoog badan isugu wareegeysa iyadoo labadeeda madax mid dhulka ku haysa midna kor iyo cirka ku tog yahay; waxay badanaa kicisaa boor (leexo) lig ah oo cirka mudaya; cirwareen; qode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirboor
m.dh Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. la-mid: cirwareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirboor
m.dh Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. la-mid: cirwareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirboor
f. n. cyclone, hurricane, tornado
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirboor
-ka: (n) cyclone (saay-kaloon)-, whirlwind ~ leexo, cirwareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirboor
-ka: (magac, lab, keli) eeg cirboodh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirboor
de: cyclone, hurricane, tornado
lx: cirboor
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: cirwareen
key: cirboor
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
circolo
s.m. - wareeg; naadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirdood
m.l.u Ugaadh. la-mid: ciddood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirdood
m.l.u Ugaar. la-mid: ciddood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirdoox
m.dh Roobdoon geed la fuulayo oo suuratul Huud la akhrinayo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
corolle
corolle, n.f. - Qaybta hoose ee ubaxa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
corrode
/korrowdh/ (v) baabi'in (dhammaansho uu sababo fal-gal kiimiko).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
girofle
girofle, n.f. - dhagayare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkoole
-ha: (magac, lab, keli) qof aan ilko lahayn. Dh: aflaw, afloo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
irreale
agg. - xaqiiqada ama runta ka fog.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JIMOOLE
Panicum pinifolium 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JIMOOLE
C Panicum pinifolium Chiov. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jirroon
name-f generous, kindly and happy
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RIMOOLE
(Rimole) C Commiphora oddurensis Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIMOOLE
(Timole) N Eragrostis papposa (Roem. & Schult.) Steud. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XINOOLE
(Henole) N Phyla nodiflora (L) Greene. Verbenaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Birboore
nickname; name-m blacksmith, ironsmith
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURDOOLE
(Burdole) C Pterodiscus purpureus Chiov. Pedaliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadoole
-ha: (magac, lab, keli) kaniico weyn oo goobaha biyuhu fadhiistaan ku dhalata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin caanaha ka ganacsada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanoole
m. n. milkman, milk vendor; mammal
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAANOOLE
(Anole) N Ephedra alte C.A.Mey. Ephedraceae.
S Gardenia volkensii K.Schum. Rubiaceae.
S Saba comorensis (DC.)Pichon. Apocynaceae.
S Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
S Commiphora erosa Vollesen. Burseraceae.
S Tragia gallabatensis Prain. Euphorbiaceae.