cirraw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirraw
(fal) timahaagu ha caddaadaan; cirro yeelo. Dh: cirrayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraw
-ga: (magac, lab, keli) milapy galab ah socdaalid. Dh: carraabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cirrow yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cirrow yeelasho. m.f.dh, cirroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrow
(fal) timo cad yeelo; cirraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirraw
(Mirraw-ga)
Geed aan caleemo lahayn oo geelu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirraw
m.l Geedgaab aan caleen lahayn oo geelu daaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirraw
m. n., [collective] plant species, used as fodder for camels
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirraw
-ga: (magac, lab, keli) geed dhanaan oon qodax iyo caleen lahayn oo geelu daaqo kana baxa xeebta. Geela miirrawga gee.
mirraw -ga: (magac, lab, keli) shiid meel lagu aa'ayo. Mirrawga ka gaabo yuuna ku dakhrine. Dh: dhagaxtuur, shiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirraw
de: plant sp., used as fodder for camels
lx: mirraw
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: mirraw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirraw
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta ay soo marto saxaradu. Dh: walamad, malawad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrayso
(fal) eeg cirraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraaw
f.mg1 (-aabay, -aabtay) Galab meel u socosho. la-mid: carrow (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carraaw
f.mg1 (-aabay, -aabtay) Galab meel u socosho. la-mid: carrow (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrayn
m.f.dh eeg cirree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cirro u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirraw
(fal) nadiif aan xumaan dhex galin ah ahaw; ka soocnaw waxa kale oo dhan. Ka miirraw xumaha iyo dadka xunxunba. Dh: duwanaw.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
birra
s.f. - biir (khamri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraw
m.l Midab cawl ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraw
m.l Midab cawl ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cifra
s.f. tiro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
circa
avv. - qiayaastii, ugu dhowaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirro
(Cirra-da)
Timaha madaxa, garka, kd.; oo caddaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirro
m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirro
m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirro
f. n., (mass n.): gray hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirro
-cirrada: (n) white hairs; gray hairs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirro
-da: (magac, dhedig, keli) timaha madaxa, gadhka iyo wixii la mid ah oo madawga ka taga oo isu beddela caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirro
de: gray hair
lx: cirro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: cirro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cirro
شيب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaw
-ga: (magac, lab, keli) shinbir midab cawlan leh oo ku nool meelaha qarfaha ah ee duurka. Waxa uu leeyahay labo indhood oo waaweyn iyo weji laga cabsado. Caashaqaaga awgii, ciyawgiyo ugaadhiyo, cayayaanka duurkaan, cidladaa la joogaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaw
-ga: (magac, lab, keli) kashifan ama muuqo oo waxaad qarinaysay hala wada arko. Dh: kashif.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mirra
s.f. malmal; murre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjaw
(Carjaw-da)
Sooh adag oo cad oo sida dhalada u dhalaala; wuxuu ku rogan yahay oo xajiyaa oo isu hayaa kalaggoysyada meesha madaxyada lafuhu isaga hor yimaadaan kol, kolna meel gooni ah buu ka baxaa (dhegta, hunguriga cad,...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjaw
m.dh (-wyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Cad yar oo aan hilib iyo laf midna ahayn, nadoocma oo lafaha isku xirta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carjaw
m.dh (-wyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Cad yar oo aan hilib iyo laf midna ahayn, nadoocma oo lafaha isku xirta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carjaw
m. n. cartilage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carjaw
-da: (n) cartilage (kaar-talij), gristle (girii-sal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjaw
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka noolaha, sooh adag ama jilicsan oo dhalaala oo aan laf iyo cad toona ahayn. Wuxuu ku rogan yahay oo xajiyaa oo isu hayaa kalagoysyada iyo meelaha lafuhu isaga yimaadaan. Meelo kale oo gooni ahna way ka baxdaa, sida: dhegta, hunguriga, garabka afkiisa iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carjaw
de: cartilage
lx: carjaw
pd: (-da)
ps: n2a-m
key: carjaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrab
(Carrab-ka)
Oogada nafleyda xubin kamid ah; cad muruq ah oo dhaqdhaqaaq badan oo afka ku jira; hawlihiisa waxaa u weyn: garashada dhadhanka iyo liqidda cunnada iyo kala soocidda codadka hadalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrab
m.l (-bo/-byo, m.dh) 1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrab
m.l (-bo/-byo, m.dh) 1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrab
m. n. tongue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrab
-ka: (n) tongue (taang)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrab
-ka: (magac, lab, keli) cad muruq ah oo xubnaha nafleyda ka mid ah. Waa xubinta wax lagu dhadhamiyo, hadalka na qayb weyn buu ku leeyahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Carrab
Carrabada qaydaha dhexda ka wadaalisma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrab
de: tongue
lx: carrab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: carrab
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
carrab
لسان
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carray
(fal) ciid mari; ciidee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrow
f.mg1 (-raabay, -rowday; -raabi) 1. Wax ciid yeelasho. 2. la-mid: carraaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrow
f.mg1 (-raabay, -rowday; -raabi) 1. Wax ciid yeelasho. 2. la-mid: carraaw. m.f.dh, carroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirad
m.dh Ciil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u dheelliyid, dhinac u dullaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cimran
magac loo baxsho gabadh muuq ahaan buuxda ama badhaadhe loo rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciraab
(Ciraab-ta)
Fasaaxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciraab
m.dh Hadal xigmad badan oo qoto dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciraab
m.dh Hadal xigmad badan oo qoto dheer. cirbad m.dh la-mid: irbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciraab
f. n. eloquence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciraab
-ta: (n) the study of structural relationships in grammar or in a language ~ icraab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciraab
-ta: (magac, dhedig, keli) fasaaxo iyo hadalkarnimo. Dh: fasaaxad.
ciraab -ta: (magac, dhedig, keli) fiiro xasuuseed oo xilli hore wax dhacay uu qofku dib maankiisa uga helo. Dh: ciraabo, xasuus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciraab
de: eloquence
lx: ciraab
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: ciraab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ciraaq
pr. n., loc. Iraq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Ciraaq
(n) Iraq (iraak)-, Baghdad is the capital and largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ciraaq
de: Iraq
lx: Ciraaq
pd: (-da)
ps: n0-loc-f
key: Ciraaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbad
m.dh la-mid: irbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbad
f. n. needle; syringe, injection, shot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirbad
-da: (n) [Pl. cirbado-ha] needle (niidhal); syringe (sariinj) ~ irbad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbad
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo dhuuban oo caaro fiiqan iyo dalool leh, oo inta dun la gesho, wax lagu tolo. Dh: irbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbad
a: irbad {C & S < Arb}
de: needle; syringe, injection, shot
lx: cirbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cirbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cirbad
حُقْنَة، مِحْيَط، إِبْرَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirbar
(Cirbar-ka, Cirbar-ta)
Cirka bartankiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbar
m.l/dh Cirka bartankiisa. la-mid: cirbare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbar
m. n. zenith, center of the sky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbar
-ka: (magac, lab, keli) cirka badhtankiisa, Cirbarka ayay cadceeddu joogtaa. Dh: cirbadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbar
de: zenith, center of the sky
lx: cirbar
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m/f
key: cirbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cirday
magac ama naanays loo baxsho qofka ay indhihiisu sarey u jeedaan oo la moodo in uu cirka eegayo. Waar ninkii Cirday iigu yeedha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirday
(fal) cid kale, caydhi. Dh: cayri, eri, cagaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirmar
-ka: (magac, lab, keli) kor u kacid oo xadkii caadiga ahaa kor u dhaafid; 'sicir' aad u kacid; qiimo aad u badan gaadhid. Cirmarka qiimaha cuntada waxa keenay korodhka baahida. Dh: sixirbarar, hoosudhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax ama qof cirroole ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirree
(fal) cirro u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirrid
(Cirrid-ka)
Hilib ilkaha salkooda - labada fuqba - ku rogan oo aad ugu dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrid
cirrid¹: m.l (-dyo, m.dh) Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.
cirrid²: m.l (cilmiga naflayda) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka.
cirrid³: m.dh la-mid: cirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirrid
cirrid¹: m.l (-dyo, m.dh) Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.
cirrid²: m.l (cilmiga naflayda) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirrid
m. n., [collective] gums (of the mouth)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirrid
-ka: (n) gum (gam); gingiva (jinjiva)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrid
-ka: (magac, lab, keli) cadka adag ee ilkahu ku fadhiyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirrid
de: gums (of the mouth)
lx: cirrid
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
xe: They were laughing. [lit: they were lifting up their gums]
xv: Cirriddadooda bay kor u taageen.
key: cirrid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cirrid
لثة
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cirrus
Sirus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciryar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan xaddi badan cunto ka qaadan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciryar
der. [adjective] having a poor appetite; frugal, sparing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciryar
-aa / ayd: (adj) having poor appetite; not gluttonous; unable to eat much food [opposite of cirwayn]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciryar
(tilmaame) mid hunguri yar; cuntacunis yar, aan wax badan cunin. Sucaad waa gabadh ciryar. Li: cirweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciryar
de: having a poor appetite; frugal, sparing
lx: ciryar
pd: (ciryaraa)
ps: adj-der
key: ciryar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
corral
/korral/ (n) xero (siiba xerada lugu xannaaneeyo fardaha ama lo'da).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraf
m.l (-fiin/-fyo, m.dh) la-mid: curraaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraf
-ka: (magac, lab, keli) dhaqan iyo xeer aan qornayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darraw
(Darraw-ga)
Hoog; inkaar; silic; belaayo; (ama darrow).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraw
darraw¹: m.l la-mid: darraabid.
darraw²: f.g1 (-raabay, -rawday; -raabi) la-mid: darrow²