ciribtiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribtiran
ciribtiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax jiritaankiisa baaba'ay noqosho.
ciribtiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax jiriitaankiisa baaba'ay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribtiran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax jiritaankiisa baaba'ay noqosho. m.f.dh, ciribtirmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribtiran
(tilmaame) wax la dabargooyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribtirnaan
m.f.dh eeg ciribtiran². la-mid: ciribtirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribtirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabargo'naan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciribtir
(Ciribtir-ka)
La wada tirtiro oo aan wax ka harin; dabargoyn; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribtir
ciribtir¹: m.l Baabi'inta jiritaanka nafley ama wax kale. la-mid: ciribtirid.
ciribtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax jiritaankiisa baaba'ay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribtir
ciribtir¹: m.l Baabi'inta jiritaanka nafley ama wax kale.
ciribtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax jiritaankiisa baaba'ay ahaansho. m.f.dh, ciribtirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribtir
v., [compound] eradicate, eliminate, exterminate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciribtir
-ka: (n) abolition (abalishin) baabi'in-ta. —Syn: extermination, eradication
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciribtir
Estinguere
To extinct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribtir
(fal) dabarjar oo waxba ha ka reebin.
ciribtir -ka: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo baabi'inta wax hore u jiray. Dh: dabargoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribtir
de: eradicate, eliminate, exterminate
lx: ciribtir
nt: ciribtir (-ka) [vn2-m]
pd: (ciribtiray)
ps: v1=cmp
key: ciribtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribtirid
m.f.dh eeg ciribtir². la-mid: ciribtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribtirid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigibtiran
(tilmaame) mid jactadka iyo qalqallooca laga bi'iyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabba'
baabba'¹: m.l 1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. la-mid: baabbi'id.
baabba'²: f.mg1 (-'ay, -'day; -bbi'i) 1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iyo wixi lamida oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabba'
baabba'¹: m.l 1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar.
baabba'²: f.mg1 (-'ay, -'day; -bbi'i) 1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iyo wixi lamida, oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan. m.f.dh, baabbi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribtirmid
m.f.dh eeg ciribtiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribtirmid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibibtiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: dhibiibtiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibibtiran
(tilmaame) qof dhaawac qaba oo daawo iyo xanaano qaba. Dh: dhibiibitiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: catiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ciiltira
magac loo baxsho gabadh kolkii ay dhalatay hooyadeed ay ka baxday dulmi ay dareemaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriirin
m.dh la-mid: ciriiryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirtiran
La tirtiray; baabba'san.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirtiran
der. [adjective] wiped, clean; erased; removed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtiran
(tilmaame) la tirtiray, la masaxay.
tirtiran: (tilmaame) xasuuqan, dad la laayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirtiran
de: wiped, clean; erased; removed
initial: t
lx: tirtiran
pd: (tirtirnaa)
ps: adj-der
key: tirtiran
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
christian
/kiris-shan/ (n) kiristaan (qof masiixi ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Christian
n., Kiristan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibxiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Geel wax dhudhunka la isga xirey ahaansho. 2. Xoolo iyo ilmo dhumay wax duco loo akhriyay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilibxiran
der. [adjective] tied by the front leg (camel); prevented from wandering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilibxiran
de: tied by the front leg (camel); prevented from wandering
lx: jilibxiran
pd: (jilibxirnaa)
ps: adj-der
key: jilibxiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibiibtiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dhibiibtiray ahaansho. la-mid: dhibibtiran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibiibtiran
Comp. adj., (ie. n., adj.): cured from a hemorrhage, prevented from a loss of blood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiibtiran
(tilmaame) dhaawac loo gurmaday oo xanaanaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibiibtiran
de: cured from a hemorrhage, prevented from a loss of blood
lx: dhibiibtiran
pd: (dhibiibtirnaa)
ps: adj-cmp
key: dhibiibtiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigibtirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid jactadka iyo qalqallooca laga bi'iyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribla'aan
m.dh Ciribdambeed xumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aayola'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caaqibo xumaan. Dh: cidhibxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibitiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la israaciyay ahaansho (qof dhaawac ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibibtirnaan
m.dh la-mid: dhibiibtirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibibtirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dhaawac ku yaal, daawayn oo xanaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiibitiran
(tilmaame) qof gurmad loo fidiyay oo wax dhibiibitira la siiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Weel, wax la catiray ahaansho. la-mid: cartiran, catireysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
catiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Weel, wax la catiray ahaansho. m.f.dh, catirnaan. la-mid: cartiran, catireysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciriiri
(Ciriiri-ga)
Meel (ama aqal ama wax kale) waxa ku gudajira aan si fiican u qaadin ee ka yar, kayaraanteeda; mugyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriiri
ciriiri¹: m.l 1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. la-mid: cariiri¹.
ciriiri²: f.g/mg1/2 (-ryay,-riday/risay;-ryi) 1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. la-mid: cariiri².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciriiri
ciriiri¹: m.l 1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. la-mid: cariiri.
ciriiri²: f.g/mg1/2 (-ryay,-riday/risay;-ryi) 1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. m.f.dh, ciriiryid. la-mid: cariiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciriiri
m. n. (adj.): narrow and cramped area; closeness, crowding; bustle; difficulty; crowded, dense, tight,
ciriiri v. crowd something ~ someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciriiri
-ga: (n) narrowness (naarow nes)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciriiri
Strettezza
Tightness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriiri
-ga: (magac, lab, keli) eeg cidhiidhi.
ciriiri: (tilmaame) aan faalal ahayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ciriiri
ضيق
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
critica
s.f. - dood, muran, naqdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iltiran
Aan meel bannaan lahayn; wada shakaran; buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iltiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax si fiican u buuxa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iltiran
der. [adjective] full up; blank, featureless (country)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iltiran
(tilmaame) aan meel bannaan lahayn. Dh: buux, budh, daf. Li: madhan, faaruq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iltiran
de: full up; blank, featureless (country)
lx: iltiran
ps: adj-der
key: iltiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiritan
-ka: (magac, lab, keli) eeg xidhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirin
m.f.dh eeg biriiri. la-mid: biriiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biritaan
-ka: (magac, lab, keli) huritaanka dab yar. Dh: daaritaan, shiditaan, bidhitaan. Li: demitaan.
biritaan -ka: (magac, lab, keli) eeg bidhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbiran
Cabbirkiisa la ogaadey; la cabbiray; beegan; miisaaman; qiyaasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la cabbiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la cabbiray ahaansho. m.f.dh, cabbirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbiran
der. [adjective] measured
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbiran
(adj) measured (mesharidh); sized (sayzid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiran
(tilmaame) la cabbiray; cabbirkiisa la ogaaday. Dh: beegan, miisaaman, qiyaasan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbiran
de: measured
lx: cabbiran
ps: adj-der
key: cabbiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax caro haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax caro haysa ahaansho. m.f.dh, carbisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbisan
der. [adjective] trained, exercised, taught; tamed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbisan
-aa / ayd: (adj) trained (tareeynidh); coached (koojid); prepared (piri-peeridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbisan
(tilmaame) qof ama bahal la rabbeeyay. Libaaxani waa mid carbisan. Dh: rabbaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbisan
de: trained, exercised, taught; tamed
lx: carbisan
pd: (carbisnaa)
ps: adj-der
key: carbisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariirin
m.dh la-mid: ciriiriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariirin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale ama meel, cidhiidhi ka dhigid. Dh: cidhiidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catiiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la catiiray ahaansho (sariir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ciiltire
magac loo baxsho wiil dhashay xilli reerka ama hooyadii dhib gardarro ah ay dareemaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbixin
m.f.dh eeg cirbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribla'
m.l/dh (-'yo, m.dh) Dhurwaagu marka uu aad u duqoobo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
civilian
/siviliyan/ (adj) shacab ah (rayid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyitaan
-ka: (magac, lab, keli) samaynta ci'da lafteeda.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Critical
Qirinqiir
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Critical
Qiirqiir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
critical
/kritikal/ (adj) 1. ceeb raadis badan (cillad raadin) (adj) 2. heer xun (heer khatar ah) (adj) 3. naqdisan (faallo iyo fikradba laga bixiyey).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Laf, wax la dariiray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digiiran
(Digiiran-ka)
Shinbiro dibadjoog iyo gurijoogba leh oo aan dhab u duulin; midabkoodu waa beymadow (lafcir) xarriiqo iyo dhibco yaryar oo cadcadi ku dhafan yihiin; (ama digirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digiiran
m.l.u Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. la-mid: digirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digiiran
m.l.u Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. la-mid: digirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digiiran
m. n. guinea-fowl, partridge, pheasant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digiiran
-ka: (n) pheasant (fesant); guinea fowl (gini-fowl); partridge (paar-tarij)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digiiran
a: dagiiran
de: guinea-fowl, partridge, pheasant
lx: digiiran
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: digiiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firitaan
-ka: (magac, lab, keli) timo iyo wax la mid ah, saqaf ama wax kale ku kala saarid. Dh: firniin, fidhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gigtiran
La gigtiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gigtiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la gigtiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gigtiran
der. [adjective] laid out, spread, displayed