ciribdambeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribdambeed
m.l Waxa nasiib u noqda ee qof noloshiisa ku dambeyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciribdanbeed
(Ciribdanbeed-ka)
Waxa arrini waa danbe keento ama ku dhammaato; aayatiin; cirib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribdanbeed
m. n., [compound] result; destiny, fate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribdanbeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidhibdanbeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribdanbeed
de: result; destiny, fate
lx: ciribdanbeed
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: ciribdanbeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) waxa arrini ku dhamaato. Dh: aayatiin, ciribdambeed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirib danbeed
-ka: (n) effect (i fakt); result (rizalt) consequence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayatiin
m.l (-nno, m.dh) Xaalad xumaan ama samaan leh oo ay cidi ku dambeyso; ciribdambeed. la-mid: aayo¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirib
m.dh (-rbo m.l) 1. Cagta dadka meesha ugu damabeysa oo adag ee u dhexaysa raysmagaadhada iyo boqonta. 2. Ciribdambeed. la-mid: cidhib¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribla'aan
m.dh Ciribdambeed xumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaatimo
m.dh Sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku dambeeyaan; ciribdambeed. la-mid: khaatumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayatiin
m.l (-nno, m.dh) Xaalad xumaan ama samaan leh oo ay cidi ku dambeyso; ciribdambeed. Tusaale: Arrinta aad waddo aayatiinkeeda ma fiicna ee ka joog! la-mid: aayo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirib
m.dh (-rbo m.l) 1. Cagta dadka meesha ugu damabeysa oo adag ee u dhexaysa raysmagaadhada iyo boqonta. 2. Ciribdambeed. la-mid: cidhib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaatimo
m.dh Sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku dambeeyaan; ciribdambeed. la-mid: khaatumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribbeel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) Nafley ama wax kale jiritaankooda baabi'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribbeel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) Nafley ama wax kale jiritaankooda baabi'id. m.f.dh, ciribbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribbeel
v. be eliminated, be exterminated; have an evil fate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribbeel
-ka: (magac, lab, keli) caaqibabeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribbeel
de: be eliminated, be exterminated; have an evil fate
lx: ciribbeel
pd: (ciribbeelay)
ps: v1=
key: ciribbeel
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimribadheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelindambeed
m.dh 1. Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. la-mid: gelindambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimri-badheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimribadheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelin-dambeed
m.dh 1. Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. la-mid: gelin-dambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbaxeen
m.l (-nno m.dh) Qof aqoon u leh duulinta ama hoggaaminta dayaxgacmeedka. la-mid: cirbixiyeen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirbaxeen
m.l (-nno m.dh) Qof aqoon u leh duulinta ama hoggaaminta dayaxgacmeedka. la-mid: cirbixiyeen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirbaxeen
-ka: (n) astronaut (aastaronoof) ~ cirbixiyeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbaxeen
-ka: (magac, lab, keli) aaladda ama qofka cirka sare u baxa. Dh: cirmareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribdarro
m.dh Cawaaqib xun ee uu wax ku dhammaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribdarro
f. n. bad consequences, bad end, evil fate, bad destiny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribdarro
-da: (magac, dhedig, keli) ciribla'aan; caaqiboxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribdarro
de: bad consequences, bad end, evil fate, bad destiny
lx: ciribdarro
pd: (/da)
ps: n-f
key: ciribdarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyi'abees
-ka: (magac, lab, keli) xadhadh farshaxan leh oo lagu sameeyo harrarka. Saamiya, googooska ciyi'abees wacan bay ku samaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandambeed
m.l/dh (-dyo, m.dh) Dusha xoolaha la rarto dhankeeda dambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaldambeed
m.l (-dyo, m.dh) Inta ugu dambeysa xilliga jiilaalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musdambeed
-ka: (magac, lab, keli) oodda aqalka la galo ka dambaysa. Musdambeedka ayuu libaax ka soo dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) habeenka gelinkiisa dambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqdambeed
m.dh Gelindambeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddibadeed
-da: (magac, dhedig, keli) qolof sida qolofta kalluunka laga xoqo u eg, waxaana lagu daraa, oo ay qayb ka qaadataa samaynta uunsiga la shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribbeelid
m.f.dh eeg ciribbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) caaqibabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowsdambeed
m.l (-dyo, m.dh) Gowsaha gowska ugu dambeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowsdambeed
m.l (-dyo, m.dh) Gowsaha gowska ugu dambeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saandambeed
-ka: (magac, lab, keli) wax saaddambe la xiriira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįrircawleed
m.l Dirirsagaaro. la-mid: Dirir (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirircawleed
-ka: (magac, lab, keli) roobka bisha labaad ee qu'ga da'a.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRA-CARBEED
(miro-arbed) N Ceratostigma abyssinicum (Hochst) Schweinf. Plumbaginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaardanbeed
-da: (magac, dhedig, keli) timaha oo qadaadka danbe ka hugma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhidibdhuleed
m.l (-byo ..., m.dh) (c.fal.) xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Firidh Bu'eed
Nuclear Disintegration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellindanbeed
-ka: (magac, lab, keli) habeenka ama maalinta qaybtooda dambe. Dh: gallindanbeed, gellindambe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidhifbirlabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cirlf birlabeed
Magnetic pole