cirbadhiib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadhiib
m.l la-mid: ciridhiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirbadhiibsi
(Cirbadhiibsi-ga)
Faraha lugaha oo la isku taago, inta cirbaha kor loo qaado; cirbataag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadhiibsi
m.l Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. la-mid: cirbadhiibsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirbadhiibsi
m.l Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbadhiibsi
vl. n. act of standing ~ walking on one's toes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadhiibsi
-ga: (magac, lab, keli) faraha lugaha oo la isku taago inta cidhbaha kor loo qaado. Maanta oo dhan, cirbadhiibsi ayaan ku taagnaa. Dh: cirbataag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbadhiibsi
de: act of standing ~ walking on one's toes
lx: cirbadhiibsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cirbadhiibsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadhiibso
f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. la-mid: ciridhiibso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirbadhiibso
f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. m.f.dh, cirbadhiibsasho. la-mid: ciridhiibso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbadhiibso
v. stand on one's toes, stand tiptoe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadhiibso
(fal) cidhbataagso; cidhibso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbadhiibso
de: stand on one's toes, stand tiptoe
lx: cirbadhiibso
pd: (cirbadhiibsaday)
ps: v3a=
key: cirbadhiibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciridhiib
m.l Isku taagidda faraha lugaha iyaada oo cirbaha kor loo qaadaayo. la-mid: cirbadhiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirbataag
(Cirbataag-ga)
Cirbadhiibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadhiibsasho
m.f.dh eeg cirbadhiibso. la-mid: cirbadhiibsad, cirbadhiibsi, ciridhiibsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciridhiibsasho
m.dh la-mid: cirbadhiibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataag
-ga: (magac, lab, keli) faraha hore ee lugaha oo lagu istaago; cirbadhiibsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagsad
-ka: (magac, lab, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbadhiibsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbadhiibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cirbadhiibsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagso
-da: (magac, dhedig, keli) cirbaha ku istaag: cirbadhiibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadhiibsad
m.l la-mid: cirbadhiibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadhiibsad
-ka: (magac, lab, keli) cidhbataagsad; cidhibsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, biyo dhane ah siin si ay candhadu u bararto. carbedi: (fal) caansiiri oo warwareeji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbadhiig
-ta: (magac, dhedig, keli) geed dhuux cas oo ka baxa dhulka didibka ah. Dh: taraxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbadhiibsi
-ga: (magac, lab, keli) inta cidhbaha kor loo qaado, faraha lugaha isku taagid. Dh: cidhbadtaagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbadhiibso
(fal) fadhiiso adoo faraha lugaha ku jooga oo cidhbaha dhulka kor uga qaaday. Dh: cirbataagso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbaadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si durduro ku jirto u ordid. Dh: durdurin, baabacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciridhiibsi
m.l la-mid: cirbadhiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciridhiibso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: cirbadhiibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadhicid
m.f.dh eeg garbadhac 2.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILBA-DHIIG
(Jilibdig) N Jatropha arguta Chiov. Euphorbiaceae.
N Jatropha brockmanii Hutch. Euphorbiaceae.
N Jatropha palmatifida Bak. Euphorbiaceae.
N Jatropha pelaroniifolia Courb. Euphorbiaceae.
N Jatropha phillipsiae Rendle Euphorbiaceae.
N Jatropha spinosa (Forsk.) Vahl. Euphorbiaceae.
N Cienfuegosia sp. Malvaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhiiq
-a: (magac, lab, keli) dalagga midhaha ah, gaar ahaan bariiska qubka ama galka dusha kaga dahaadhan. Badhiiqa ka huf bariiska. Dh: bariiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbadh
(fal) geel, candhadu ha ku bararto kolkaad biyo dhanaan cabto.
carbadh -ka: (magac, lab, keli) bararka candhada geela laga dareemo, marka uu darmado ee uu biyo dhane ah cabbo. Carbadh baa ka dhow geel darmeed oo caweysima e.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdhiib
-ay -tay / een nay: (v) 1. surrender (sa ren dhar); give up. 2. claim oneself as a refugee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: irbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadee
(fal) irbad ka dhig ama irbad ku mud.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cizadiin
name-m the power of the faith
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is dhiib
v. surrender, give oneself up; be resigned to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_dhiib
de: surrender, give oneself up; be resigned to
lx: is dhiib
pd: (dhiibay)
ps: v1=expr
key: is_dhiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbaadhi
(fal) orod durduro iyo baabacayn ku jirto, samee. Dh: baabacay, baabacee, dhabaabacay.
carbaadhi -ga: (magac, lab, keli) orod durduro iyo baabacayn ku jirto. Dh: baabacayn, dhabaabacayn, durduro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadayn
m.dh la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irbad ka dhigid ama irbad ku mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadays
m.l la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cirbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabadhiig
(Dabadhiig-ga)
Xanuunnada caloosha mid kamid ah oo leh dababbax (shuban) dhiig wehesho; dacardhiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadhiig
m.l Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabadhiig
m.l Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabadhiig
m. n., [compound] bloody stool from an intestinal ~ stomach hemorrhage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhiig
-ga: (magac, lab, keli) xanuunnada caloosha ku dhaca mid ka mid ah oo dhiig la shubmo. Dh: xundhur, dacardhiig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabadhiig
de: bloody stool from an intestinal ~ stomach hemorrhage
lx: dabadhiig
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: dabadhiig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibadjiif
m.l la-mid: boorjiif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbadiir
-ta: (magac, dhedig, keli) ood qofka sida ama agmara qabsata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbadiiba
m.dh. fk eeg durba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nirgadhoob
(Nirgadhoob-ka)
Bahal yar oo hinjibisada u eg, oo derbiyada iyo laamaha geedaha korkooda ka dhista buulal dhoobo ah ~ nirgasamays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nirgadhoob
m.l (cilmiga naflayda) Cayayaan duula oo hinjibisada u eg oo derbiyada, laamaha geedaha iyo wixi lamida ku dhista buulal dhoobo ah. la-mid: nirgasamays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nirgadhoob
m. n., [compound] large mud wasp ~ insect species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nirgadhoob
-ka: (magac, lab, keli) bahal yaroo hinjibisada u eg oo derbiyada iyo laamaha dushooda ka dhista buulal dhoobo ah. Dh: nirgasameeye, xuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nirgadhoob
a: nirgasamays (ka) [n2a-m-cmp]
de: large mud wasp ~ insect sp.
lx: nirgadhoob
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: nirgadhoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sinbiriirixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhicid
m.dh eeg barbardhac². la-mid: barbardhac¹, barbarkadhac, barbarkadhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhicid
-da: (magac, dhedig, keli) kala gurasho oo kala badinwaa. Barbardhicid barbaartii noqotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhigid
m.f.dh eeg barbardhig. la-mid: isbarbardhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama noole noole kale la barbardhigo oo la isku qiyaaso. Barbardhigid labada baarqab aan ku samayno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg barbardhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimribadheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbad isdur
v. have a shot, get an injection
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbad-durid
m.dh (daawo) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirbad-durid
m.dh (daaw.) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbad_isdur
de: have a shot, get an injection
lx: cirbad isdur
pd: (isduray)
ps: v1=expr
xe: I dont like getting shots.
xv: Maan jecli inaan cirbad isduro.
key: cirbad_isdur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciridhiibsad
m.l la-mid: cirbadhiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkadhicid
(Barkadhicid-da)
Waxbarkasho-xumo darteed, muruqyada surku xanuunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadhicid
m.f.dh eeg barkadhac². la-mid: barkindhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) surka oo barkinka ka dhaca. Dh: barkindhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burcadshiil
-ka: (magac, lab, keli) shiilidda subagga burcadka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax cillad leh, hagaajin. Dh: hagaajin, cilladbixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cilladbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtirid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur hoose oo uu qabay iyo cadilnaan, ka bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cilladtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: irbadeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagid
m.f.dh eeg cirbataag². la-mid: cirbataag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagid
-da: (magac, dhedig, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbataagsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbadhicid
m.f.dh eeg dubbadhac². la-mid: dubbadhac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) isku hagaagid oo isla falgalid. Waxan sugayaa isku dubbadhicidda hawsha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraanhirid
m.dh la-mid: hiraahirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbadhiile
-ha: (magac, lab kali) dhirta bixisa badhida ee la manaafacaadsado. Dh: salbariile, salbaryaale.
salbadhiile -ha: (magac, lab kali) badhida lagu fadhiisto. Salbadhiilaha ayuu dhuxunkurreeb iga qaniinay. Dh: sal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisadhicid
m.f.dh eeg xiisadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) xiise jiray ka caajisid oo iska dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimri-badheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimribadheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.