cinniinid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinniinid
m.dh la-mid: ciniinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniinid
m.f.dh eeg ciniin². la-mid: caniinid, cinniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciniinid
-da: (magac, dhedig, keli) ciniin ama ciniini noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinniini
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: ciniini.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinniinin
m.dh la-mid: ciniinin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniini
f.g2 (-iyay, -isay) Nin ciniin ka dhigid. la-mid: caniini, canniini.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciniini
-ga: (magac, lab, keli) lab aan dhedigga u tegidooda karti u lahayn; aan u galmoon karin. Dh: caniini.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinniin
cinniin¹: m.l la-mid: ciniin¹.
cinniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: ciniin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniinid
m.dh la-mid: ciniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniinid
-da: (magac, dhedig, keli) caniin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniinin
m.f.dh eeg ciniini. la-mid: caniinin, ciniinnin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiinid
(Finiinid-da)
Xoog u ganmid ama u dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinid
m.f.dh eeg finiin². la-mid: faniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, finiin ku tuurid ama ku ganid.
finiinid-da: (magac, dhedig, keli) aad u kululaanshaha daawaha oo loxooxda ku dhega. Dabka badan ka daa finiinid buu daawaha u keeniye.
finiinid -da: (magac, dhedig, keli) xoog u ganmid ama u dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindiidid
-da: (magac, dhedig, keli) caano badhxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinniinnimo
m.dh la-mid: ciniinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finfiniinid
-da: (magac, dhedig, keli) duulduulidda finiin yaryar oo uu dab sababay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciniin
(Ciniin-ka)
(nin) aan dumarka u tegiddooda karti u lahayn, aan u galmoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniin
ciniin¹: m.l (-nno, m.dh) Nin aan dumarka u galmoon karin, u tegiddooda aan karti u lahayn. la-mid: caniin¹, cinniin¹.
ciniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) Nin aan dumarka u galmoon karin noqosho. la-mid: caniin², cinniin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciniin
m.l (-nno, m.dh) Nin aan dumarka u galmoon karin, u tegiddooda aan karti u lahayn. la-mid: caniin, cinniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciniin
m. n. sterile, sexually impotent man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciniin
-ka: (n) a man incapable of sexual intercourse; impotent (impotant); sterile (isteeral): infertile or barren man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciniin
-ka: (magac, lab, keli) noole lab ah oo dhibaato ka haysato xubnaha taranka oo aan wax dhali karin; lab aan dhannayn oo galmoodka aan karin. Dibigaasi waa ciniin. Dh: xiniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciniin
de: sterile, sexually impotent man
lx: ciniin
nt: ciniin (ciniinay) [v1=inch]
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ciniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biniini
f.g2 (-iyay, -isay) Indhaha kala qaadid si wax loogu dhaygago.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biniini
f.g2 (-iyay, -isay) Indhaha kala qaadid si wax loogu dhaygago. m.f.dh, biniinin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BINIINI
(Binin) N Rhigozum somalense Hall.F. Bignoniaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniini
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: ciniini.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caniini
v. cause someone to become sexually impotent; castrate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniini
-ga: (magac, lab, keli) eeg ciniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caniini
a: ciniini
de: cause s.o. to become sexually impotent; castrate
lx: caniini
pd: (caniiniyey)
ps: v2a=tr
key: caniini
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cindiid
(Cindiid-ka)
Caano biyo badan lagu daray; xariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cindiid
m.l Caano biyo ka badan lagu daray. la-mid: candiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cindiid
m. n., (mass n.): milk mixed with water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindiid
-ka: (magac, lab, keli) caano biyo badan lagu daray. Dh: badhax, xariir.
cindiid -ka: (magac, lab, keli) (caano) biyo badan ku darid; badhxid; barxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cindiid
de: milk mixed with water
lx: cindiid
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: cindiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunniin
m.l God, dab iyo wixi lamida ciid ku aasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunniin
-ka: (magac, lab, keli) cunitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiini
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Wax ordaya wax dul saaran ka ridid. 2. Wax sida biyo dhagax iyo wixi lamida xoog u firdhin. Tusaale: “Axmed baa biyo nagu finiiniyey”. 3. Neef xooluuhu ku jirey ka cayrin. la-mid: faniini.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finiini
v. make something fall suddenly ~ throw something with force and speed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
finiini
-yey / say: (v) split or break into slender pieces; splinter (ispilinter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiini
(fal) finiin yaryar, duulduulsii oo tuurtuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finiini
de: make s.t. fall suddenly ~ throw s.t. with force and speed
lx: finiini
pd: (finiiniyey)
ps: v2a=tr
key: finiini
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniifid
(Iniifid-da)
(ku iniifid) aan laga dheerayn, lagana gaabin ee qarka qarka loo saaray; le'ekeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiniini
* (Kiniini-ga)
1. Dawo laga soo saaro geed la yiraahdo kiina qoloftiisa, oo duumada iyo cudurro kale loo doono.
2. Dawada iniinaha laga dhigo, guud ahaan; (ama kiniin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiniini
m.l (-iyaal, ml/dh) (daawo) Dawo la adkeeyey oo iniinaha laga dhigo, guud ahaan oo afka laga qaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiniini
m.l (-iyaal, ml/dh) (daaw.) Dawo la adkeeyey oo iniinaha laga dhigo, guud ahaan oo afka laga qaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiniini
m. n. pill, medicine tablet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiniini
-ga: (n) tablet (taablet)-, pill (piil)', a pellet of medicine ~ kaniini -ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiniini
-ga: (magac, lab, keli) daawada inteeda kiniinka laga dhigo guud ahaan. Dh: kiniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiniini
a: kaniini
cf: daawo
de: pill, medicine tablet
lx: kiniini
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kiniini
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinniin
-ka: (magac, lab, keli) simitaanka laftiisa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TINIINI
(Tinini) S, C Solanum pampaninii Chiov. Solanaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biniinin
m.f.dh eeg biniini. la-mid: biniinis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biniinis
m.l la-mid: biniinin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniinin
m.dh la-mid: ciniinin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniinin
-ta: (magac, dhedig, keli) nin caniin ka dhigid oo dareenka galmoodka ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniimid
m.dh la-mid: diddimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faniinid
m.dh la-mid: finiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faniinid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama bir wax lagu dubo, kululaansho.
faniinid -da: (magac, dhedig, keli) quruurax yaryar, farsamo gaar ah oo faraha ah, ku tuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinad
-ka: (magac, lab, keli) mid wax badan oo wadajira oo cararaya ka mid ah, goonni u leexsasho. Dh: finiinasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinin
m.f.dh eeg finiini. la-mid: faniinin, faniinis, finiinis..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinis
m.l la-mid: finiinin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miciinid
(Miciinid-da)
Cid miciin u gelid; teegaarid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinid
m.f.dh eeg miciin². la-mid: maciin¹, maciinid, miciin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid: gargaarid, Nin itaal yarbaa miiciinid xaq u leh. Dh: maciinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniinid
m.f.dh eeg qaniin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaniinid
-da: (magac, dhedig, keli) ilkaha xoog ugu qabasho oo ku xanuunin. Dh: qaniinis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiniinix
(Tiniinix-a)
Bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiniinix
m.l (-xyo, m.dh) 1. Bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan. 2. Midabyo badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiniinix
m. n., [collective] rich color mixture, multicolored pattern
tiniinix m. n. colorful seashell species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiniinix
-a: (magac, lab, keli) bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindiidad
-ka: (magac, lab, keli) caano biyo ku darsad; badhxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigid
m.dh la-mid: dangiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif makhaddado la jiqilaysto oo xusulka la barkado lugahana la fidsado u seexad. Dh: dangiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciilid oo haddana ciilid; kadeed iyo dhibaato soo noqnoqota ku hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirciirid
m.f.dh eeg ciirciir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirciirid
-da: (magac, dhedig, keli) hadba dhinac u ciirid ama u dheeliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciniinnimo
(Ciniinnima-da)
Ciniin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniinnimo
m.dh (daawo) Awood la'an ninku u sameyn kari waayo galmo. la-mid: caniinnimo, cinniinnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciniinnimo
m.dh (daaw.) Awood la'an ninku u sameyn kari waayo galmo. la-mid: caniinnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciniinnimo
f. n., [abstract] impotence, sterility
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciniinnimo
-ciniinnimada: (n) impotence (impotansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciniinnimo
-da: (magac, dhedig, keli) mid aan galmoon karin ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciniinnimo
de: impotence, sterility
lx: ciniinnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: ciniinnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diindiimid
(Diindiimid-da)
(dhar, kd.) diindiin noqosho; madmadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diindiimid
m.f.dh eeg diindiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindiimid
-da: (magac, dhedig, keli) maro, humoobid oo wax mannaanakhay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniin
-ka: (magac, lab, keli) geed dhexe ay xooluhu cunaan. Geedkaa biniinka ah hasha daaqaysa soo celi.
biniin -ka: (magac, lab, keli) iftiin yar oo aad mooddo inuu sii bakhtiyayo. Biniin yar ka dhex muuqda godka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniin
caniin¹: m.l la-mid: ciniin¹.
caniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: ciniin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caniin
m. n. sexually impotent man
caniin v. become sexually impotent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caniin
-ka: (n) incapable of sexual intercourse; impotent (im-potant) ~ ciniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniin
-ka: (magac, lab, keli) nin u galmoodka dumarka aan karti u lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidid
m.f.dh eeg ciid². la-mid: iidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ka qaybgelid. Dh: iidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms