cinjirrageed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinjirrageed
m.l (-yo, m.dh) (daawo) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cinjirrageed
m.l (-yo, m.dh) (daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cinjineer
m. n. engineer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cinjineer
a: injineer {Eng}
de: engineer
lx: cinjineer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cinjineer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirjirree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) 1. Dhabar u seexasho. 2. Dhabar u dabaalasho. 3. Qof hadba dhinac isu rogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirjirree
v. turn over on one's back, lie on one's back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirjirree
(fal) kolba weji ula imo.
jirjirree: (fal) genbi oo dhabarka u rog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirjirree
de: turn over on one's back, lie on one's back
lx: jirjirree
pd: (jirjirreeyey)
ps: v2b=
key: jirjirree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddibadeed
-da: (magac, dhedig, keli) qolof sida qolofta kalluunka laga xoqo u eg, waxaana lagu daraa, oo ay qayb ka qaadataa samaynta uunsiga la shito.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilmihaweed
m.l Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ifqorraxeed
m.l (ifaf ..., m.l) (fiisikis) Iftiinka toos uga yimaadda qorraxda, kaasoo suurtageliya in la arko waxyaalaha dhulka oogadiisa ah. Wuxuu ka koobanyahay qeybta kaah cadceedeedka ee leh dherer mowjadeedka ee u dhexeeya kuwa cas iyo iftiinka casuusta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinjingaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Turub la qaybinayo isla ekeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
talisrageed
m.l (-syo ..., m.dh) (bul.) Habka ay raggu leeyihiin awoodda sare, ama ay muhim u yihiin mujtamaca dhexdiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilmi haweed
m.l Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cilmi Haweed
Metreology
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xiriir xagleed
Angular Displacement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) waxa arrini ku dhamaato. Dh: aayatiin, ciribdambeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilmijabaqeed
m.l (fiisikis) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimri-badheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimribadheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidhifbirlabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cirlf birlabeed
Magnetic pole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinqorraxeed
-da: (magac, dhedig, keli) celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.