cimilogoboleed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilogoboleed
-da: (magac, dhedig, keli) xaaladda hawada ee gobol; jawi xilliyeed gobol leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-goboleed
m.l (juqraafi) Qayb ka mid ah qaybaha waaweyn ee loo qaybiyo cimilada dunida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilagoboleed
m.l (juqraafi) Qayb ka mid ah qaybaha waaweyn ee loo qaybiyo cimilada dunida.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimiloo goboleed
Climate region
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilogooreed
-da: (magac, dhedig, keli) jawi gooreed muddo gaaban qaata sida maalin iyo habeen, toddobaad iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilagooreed
-da: (magac, dhedig, keli) xaaladda hawada ee tilmaamaysa maalin ama dhowr maalmood.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo mooleed
Ecoclimate
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo badeed
Insular climate
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-badeed
m.l (juqraafi) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilabadeed
m.l (juqraafi) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo goboleed
Territorial waters
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-goboleed
m.l (-dyo, m.dh) (siyaasad) Jiidbadeed ku qabsan xeebta oo loo aqoonsanyahay dhul ay leedahay ummadda xeebta deggani; maritaanka jiidda ee si nabad ah caadi ayaa loogu oggolyahay gaadiidbadeedka ummadaha oo dhan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-goboleed
m.l (-dyo, m.dh) (siyaa.) Jiid-badeed ku qabsan xeebta oo loo aqoonsanyahay dhul ay leedahay ummadda xeebta deggani; maritaanka jiidda ee si nabad ah caadi ayaa loogu oggolyahay gaadiidbadeedka ummadaha oo dhan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Clmilo badeed
Marine climate
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudurgoboleed
m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) Cudur sida badan ama sida joogto ah looga helo waddan ama gobol gaar ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo buureed
Mountain climate
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-buureed
m.l (juqraafi) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudur-goboleed
m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Cudur sida badan ama sida joogto ah looga helo waddan ama gobol gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birilaxooxeed
m.dh Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birilaxooxeed
m.dh Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilabuureed
m.l (juqraafi) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo wareeg
Brunkur cycle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf goboleed
Snow field
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo qaaradeed
Continental climate
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-qaaradeed
m.dh (juqraafi) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilaqaaradeed